“Mawqifka Somaliland, wuu cad yahay waxa weeye Annagu shir
Soomaaliya loo qabanayo tagi mayno” Wasiirka Madaxtooyada

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo
maanta Waraysi siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, waxaanu ....
Hargeysa (TNN)- Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xiris Cali X.
Xasan ayaa ka hadlay in ay Somaliland ka qayb-galay Shirka Bisha May
ka dhacay Magaaladda London ee dalka Ingiriiska.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo
maanta Waraysi siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, waxaanu yidhi
“Mawqifka Somaliland, wuu cad yahay waxa weeye Annagu shir
Soomaaliya loo qabanayo tagi mayno annagu tagi mayno waayo annaga
Somaliland ayaa nala yidhaahdaa. Haddii Somaliland Iyo Soomaaliya la
wada hadal siinayo oo si siman loo wada hadal siinayo.
Waanu ka wada hadalaynaa oo darafkayaga ayaan u hadlaynaa
Somaliland, madax-banaanidayada iyo dadkayaga iyo dalkayaga.”
Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu tilmaamay in aanu shirkaasi
Somaliland wax shaqo ah ku lahayn, kana qeyb geli doonin, waxaanu
yidhi “Haddii ay tahay shir Soomaaliya loo qabanayo, sabab aanu u
tagnaa ma jirto, dee Soomaaliya iyagaa Soomaaliya la yidhaahdaa oo
marti qaadka loo sameeyay ee ha tagaan. Hadii sida la sheegayo uu
Madaxweynaha Soomaaliya guddoominayana dee sabab aanu u tagnaaba ma
jirto.”
Wasiirka oo la weydiiyay waxa shirkani kaga duwan yahay kuwii hore
ee ay ka qeyb galeen waxa uu yidhi “Haa, wuu ka duwanaa shirkii
Dubai Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ku wada hadlayay. Kii London
umuurta dadka Soomaalida ah baa lagu xalilayay oo may ahayn wax gaar
ah oo midnimada Soomaaliya loogu yeedhay oo dhaqaale loogu ururinayo
oo hawshooda gaarka ah lagaga hadlayee, waxay ahayd.”
“Maadaama oo aanu ahayn Dawlad madax banaan oo u diyaar ah inay
mawqifkeeda beesha caalamka u cadayso waanu tagnay waxaana naloo
casuumay annaga iyo dawladda Soomaaliya si siman xiligaasi,”ayuu
yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Wasiirka Madaxtooyadu waxa uu intaasi ku ladhay “Haddii iyaga (Soomaaliya)
loo qabtay shirkan ma xaasidayno, ma caayayno, mana maagayno.
Laakiin Annaga (Somaliland) wax na khuseeya ma aha.”
Guuleed Yare
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|