Maryan iyo Mursal iyo heesta cusub ee Somaliland, wooow yaa Madiiiix


 


Mayay-ba mayay kale u meel banee !.

- Oo maayadiba midkale muquurtaye !.

- Maantana ma Maryan Mursal baa !.

- Magan Allee codkeedkeeii madiixsanaa !.

- Markan-na Somaliland ku maashaysay!

- Ma maqal beryahan iyo beryahan dhawaaq '' cod '' lagu dhadhabo oo leh awood uu dareenkii iyo dookhii heelooyinka ee qofnimo, ee waayahu gudhiyay ama barafku dusha sare ka radiyay kafafin kara oo sayaxa iyo dharabka bariistay ka kicin kara. Qaxan, colaadahan iyo dhibaatadan aan dhamaadka lahayn darteed, marnaba isma lahayn Laxam baa ku hadhay maskaxahii fanaaniinta Somaliyeed ee isku soohi yaqaanay midhaha iyo luuqda, waxase aan maanta kuu hayaa ilahii suugaanta ee gudhay oo soo dhooba dilaacay oo maax macaan oo qaboow galashada buuxiyay, wooow.

- Wax kastaba filo oo ha quusan aduunyada intaad dul joogto!, Heestan aan ka fadhi kari waayay ee inan laba eray ka idhaa igu sandulaysay, waa hees inagu cusub oo aynaan hore u maqal oo ay ku luqaynayso fanaanad aan wada naqaan waa Maryal Mursal-e, waxa heestani marka la abla-baleeyo murtideeda ee jaadba jaadkiisa la iskugu qaado ay la xero-galaysaa, heesihii kale ee Somaliland loo tiriyay ee da' da yaraa ee casrigan hada la talaabsanaya, oo waa hees gabashii iyo sumadii heelooyinka Wadan-ga la yidhaa leh, culayska midhaha waa laga yaabaa in hadii la kafadeeyo aanay luxdonaan, waxase taas kabaya oo aad ku dhaafaysaa xiligan la joogo oonu dadku badanaa eray-dhaadhi ahayn oo xaalku yahay '' la qabso waayaha '' iyo laxamka la saaray, muusiga lagu rudcay iyo jiibta lagu qajiyeeyay oo dhadhan dhamaystiran leh, wooow yaa madiiiiiiix yaa madiiiiix Maryaneey.

- Bal dhagayso codkan isku qoofalan oo u yaado lahoow heestan wadaniga ah ee laba dhacaysa!,

Jiibtan heestu waa sidan,-

- Sidaa darteed baan, anaguna salaan

- Soo dhawayn kalgacal sanadguuradeeda,

- U sacabtumaynaa Somalilaaaaaaaaaand.

 




Somaliland ha jirto oo ha joogto.
 

 

 

Cali Cumar Xasan
afraad_4@htmail.com