MARXUUMA CAASHA SICIID CAABI


 

Annigoo ku hadlaaya magaca reer Cabdi Carwo, iyo magaca xaaskeyga Amaal Cumar Carte waxaan tacsi u dirayaa tafiirta Caasha iyo Maxamed Ibraahim Cigaal iyo reer Caabi, ehel kale, qaraabo, xidid iyo xigaalba meel kasta ooy joogaanba. Si gaar ah waxaan u tacsiyadeynayaa Ibraahim Xuseen Caabi oo ka tirsan odayada muddada dheer deganaa Cardiff.


Caasha Siciid Caabi oo maanta oo salaasa ah 28/04/2009 ku geeriyootay HARGEYSA , waa Xaaskii Madaxweynihii hore ee geeriyooday Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal Allah ha u naxariistee Caasha Siciid Caabi xanuun ayay u jiiftay Gurigeeda Hargeysa, waxaana lagu aasayaa Xabaalaha Boqol Jire, Caasha Siciid Caabi waxay dhashay 5 caruur oo kala ah 3 Wiil iyo 2 Gabdhood, waana Caruurta keliya ee Marxuum Cigaal dhalay.



Caasha Siciid Caabi oo ahayd Haweenay caan ah oo laga yaqaan guud ahaan dhulka Soomaalidu degto, waxaa lagu xusuustaa hawlihii Sama-falka ahaa ee in badan ay ku soo jiri jirtay. Waxaan marxuumadda ILLAAHAY uga baryayaa inuu dambigeeda dhaafo kana yeelo kuwa dhaxla jannatul fardows, dhammaanteyna waxaan leeyahay samir iyo iimaan iyo duco aynu marxuumad u ducayno AAMIIN..


 


Axmed Xasan Carwo

samotalis@gmail.com
http://samotalis.blogspot.com