Madaxweynaha oo Dhambaal Tacsi
ah u diraya Qoyskii
Marxuum Xasan Looshade
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin
waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii , Guddida
Komishanka Doorashooyinka iyo shacbiga reer Somaliland, isaga oo uga
tacsiyadaynaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timid alle ha u
Naxariistee Xasan Maxamed Looshade oo maanta ku geeriyooday Hargeysa.
Xasan Maxamed Looshade waxa uu ahaa xubin ka tirsan Guddida
Komishanka Doorashooyinka Qaranka , waxana hawl iyo shaqo hufan oo
fir fircoon uu ka soo qaatay Hawshii diiwaan gelinta, isla markaana
gacanta ku hayay xilka Gudoomiyenimada Diiwaan gelinta oo dhawaan
loo magacaabay.
Madaxweynuhu waxa uu ilaahay uga baryay inuu Marxuumka janadii
Fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii , Qaraabadii iyo dhamaan shacbiga
Somaliland oo dhan uu samir iyo iimaan ilaahay ka siiyo.
Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada
|