Halyay iyo Halgamaa aan la Hilmaami Karin Mujaahid
Ibraahim Meygaag Samater


 



"Waxba malahe Somaliland way iska noolaan kartaa Taiwanba way nooshahay... yeelkadeeda ictira afka  Prof. Ibraahim



Allah ha u naxariitee Marxuum Ibraahim Meygaag Samater waxa uu ahaa aqoonyahan, siyaasi iyo m acalin sare oo magac iyo maamuusba ku dhex lahaa bulshada reer Somaliland, dhulka Soomaalidu  d egto iyo caalamkaba, waxaanu ka mid ahaa siyaasiyiintii ugu miisaanka weynaa ee horseedka ka  ah ayd halgankii ururkii xorreynta ee SNM. Marxuumku waxa uu ka tirsanaa golihii dhexe ee jabhadii  SNM, isagoo xilal kale duwan ka soo qabtay dhaqaaqii SNM. Horaantii sideetamadkii waxa loo magac aabay wakiilka jabhadii SNM ee Waqooyiga Amerika , waxaanu ahaa Gudoomiyihii shirweynihii 4aad ee SNM (1984). Mujaahid Ibraahim Meygaag shirweynihii 6-aad ee SNM (1990) ayaa loogu doortay inuu noqdo gudoomiyaha gollaha dhexe ee SNM xilkaasi oo uu hayay ilaa iyo dib ula soo noqoshadii xorriyadii Somaliland. Waxa uu nasiib u helay inuu noqdo Shirgudoonkii Shirweynihii Beelaha reer So maliland ee (Burco,May,1991) laguna go’aamiyay goonis-isu-taaga Somaliland. Shirkaas waxaa loo gu doortay inuu noqdo gudoomiyaha golohii u horeeyay ee Somaliland -- Gollihii Dhexe ee SNM oo la balaadhiyay-- xilkaasi oo uu hayay ilaa sannadkii 1993-kii, markaasi oo xukuumadii KMG ahayd ee ay soo dhiseen Ururkii xorreynta ee SNM sidii ku cadayd dastoorkoodu uu xilku kaga dhamaaday. Shirweynihii beelaha reer Somaliland ee Boorame (1993) waxa loogu doortay inuu xubin ka noqdo golihii wakiilada ee Somaliland, taasi oo uu iska casilay isla markiiba, si noloshiisii caadiga ahayd iyo hawlihii uu u beylihiyay intii halganka ku jiray uu dib u bilaabo.



Mujaahid Ibraahim Meygaag Samatar (AHU) waxa uu ka dhashay reer magac weyn ku leh  dhulwey naha dadka Af-soomaaliga ku hadlaa degaan. Waxaanu qiyaastii sannadkii 1942-kii ku dhashay  mag aalada Hargeysa, halkaasi oo ku barbaaray kana soo dhigtay waxbarashada hoose. Tacliinta  dugsi ga sare waxa uu ku soo dhamaystay dugsigii sare ee Sheekh(1961). Marxuumku waxa uu ka mid  ah aa ardaydii xilligii waxbarashada ugu cadcadaa dugsiga ee nasiibka u heshay in ay deeq  waxbaras ho ku tagaan dalka dibaddiisa, waxaanu tacliintiisa sare ilaa heer jaamacadeed ku soo dhamaystay dalka Maraykanka , isagoo ka digriiga koowaad iyo kalabaadba oo cilmiga dhaqaalaha ah ka qaataya jaamacada caanka dunida ka ah ee Yale University.



Sannadkii 1966-kii, uyuu dalka dib ugu soo laabtay isagoo agaasime ka noqday wasaaradii  maaliya da ee Jamhuuriyadii Soomaalida, waxaana isla sannadkii 1970-kii loo magacaabay wasiirka  dhaqaa laha. Waxa uu ka soo shaqeeyay wasaaradaha wershadaha, qorsheyta iyo isagoo noqday la  taliy aha madaxweynaha. Golahii xukuumadii Siyaad Bare, sida Ibraahim sheegay, waxa uu ka tirsanaa muddo 9-sanno ah .



Qiyaastii sannadkii 1980-kii waxa loo magacaabay safiirka Jamhuuriyadii Soomaalida u fadhiya dalka Jarmalka halkaasi oo sannad ka dib , markii uu u adkaysan waayay siyaasadii qalafsanayd ee kali-taliyihii Siyaad Barre, ku biiray ururkii dhaqdhaqaaqii SNM .



Marxuubku muu ahayn uun aqoonyahan kaliya ee waxa uu ahaa aqoon yahan dhab ah (scholar) wa x laga weydiiyo oo ku xeel dheera arrimaha,dhaqaalaha, dhaqanka, luqadaha, siyaasadda, taariikh da iyo suugaanta. Allah ha u naxariistee Ibraahim Meygaag waxa kale oo aad ka daalacan kartaa qoraaladiisa inuu ahaa nin aragti fog. Ibraahim ,inkastoo aanu ku nooleyn Somaliland sannadaha da bne, haddana dalka waxa uu kaga gudbanaan cadow badan oo dibbada ah. Wuxuu dedaal dheer oo caalamiyana ugu jiray sidii Somaliland caalamka siyaasiyan uga mid noqon lahayd..



Siyaasiyiinta kale ee Soomaalidana intooda badana waxa la odhan karaa waxa uu dheeraa, isagoo ahaa nin hadaf leh oo mufikira, aragti dheerna leh -- sidaad ka arki karto qoraaladiisii dhaxalgaka u ahaa ummada reer Somaaliland ee uu qori jiray, sida kii soo baxay laba sano ka hor (Where I Stand, 2008) ee sida aan leex-leexadka lahayn ugu tilmaamay dadka Soomaalida iyo caalamkaba in riyadii Soomaliwayn dhimatay xaalkeeduna yahay beed jabay – oo uu ugala jeeday in sida beed jabay aan dib loogu samayn Somaaliland iyo Somaaliyo oo isku noqdaa ayna dhici doonin mustqbalka dhow iyo ka dhexa toona: 100 sanno dabadeed wax dhici doona midkeena ma oga. 100 sanno ee soo socda, waalaga yaabaa in la hindiso farsamo dib loogu sameeyo beed jabay.



Si uu mawqifkiisaa u sii adkeeyana, mar uu dhawaan ka qayb galayay barnaamij laanta Af-soomaali ga ee BBC-du ugu tallo gashay “Burburkii Jamhuuriyadii xukuumadii Siyaad Bare” waxa uu ugu quus gooyay kooxaha Somaliland diidka ah sida aanay marnaba gorgortan u galayn qaddiyada madax  ba naanida Somaliland. Waxaanu marxuumku si quruxbadan oo cilmiyaysan u deedafeeyay fikirka dad aragti gaaban qabaan ee ah in kooxaha Soomaaliya la dhexgalo ka hor intaanay ogolaan jiritaanka Somaliland. Ibraahim, isagoo ka jawaabay su’aal ahayd haddii taasi dhici waydo maxaa idinla  gudbo on, waxa uu yidhi “Waxba malahe Somaliland way iska noolaan kartaa Taiwanba way nooshahay, dh aqaalahayaga waanu dhisan karnaa, waddankayaga waani dhisan karnaa adduunkuna wuu noo ima n karaa yeelkadeeda ictiraafka.... ninkii daalayaa ha daalo kii dagaalamayaa ha dagaalo.... anagu n abadaanu dhisaynaa ,waddankayaga waanu dhisanaynaa kuwaana wanaag baanu la doonaynaa”.



Haddaba nuxurka jawaabta Prof. Ibraahim ka bixiyay su’aasha BBc-du, waa istaraatijiyada saldhiga u ah siyaasada Somaliland ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya; waana taasi ta loo baahan yahay in dadka reer Somaliland maanka ku hayaan, maadaama ay Somaliland ku soo caana maashay 20-kii s anno ee ay jirtay ayna kaga badbaaday dagaalada iyo aafada siyaasadeede Soomaaliya ka taagan.



Allah ha u naxariitee Mujaahid Ibraahim Meygaag Samater waxa uu culuunta dhaqaalaha iyo  xidhiid hka caalamiga ah ka dhigayay muddo toban sanno ku dhaw Jaamacada ku taalla magaalada Tokyo ee dalka Japan. Waxa uu shaqada ka fadhiisanayay dabayaaqada sannadkan; siduu sheegayna, qor shihiisu wuxuu ahaa wuxuu doonayay inuu wadankii hooyo ku soo noqdo – tii Alleh ayaase timid. Ibraahim waxa uu ahaa nin waddani ah oo dhulkiisa hooyo jecel, waxaanu sheegay in intii uu ku jiray halgankii dalka lagu xorreynayay wakhtigii ugu farxad badnaa ee soo maray uu ahaa markii uu sida rasmiga ah ugu dhawaaqayay go’aankii shacbiga reer Somaliland dib ugula soo noqonayeen madax-banaanida Somaliland ee Burco 18 May,1991-kii.



Ibraahaim Meygaag waxa uu ahaa halyey, halgamaa, aqoonyahan sare, siyaasi ay tariikhda  Somalil and marnaba hilmaami doonin oo himilo dheer leh. Waxa ahaa shakhiyan nin akhlaaq leh, degan oo afgaaban, aadna wax u akhriya, qoraa ah oo aragti fog. Waxa lagu xasuusan doonaa doorkii  muhiim ka ahaa ee uu ka soo qaatay dib u xorreyntii dalka, inuu noqday gudoomiyihii shirweynihii beelaha  r eer Somaliland ee dib ula soo noqoshada Somaliland oo marxuumku noqday ninkii ku dhawaaqay  go’ aankii beelaha reer Somaliland ku gaadheen (Burco 18 May,1991) dib ula soo noqoshada madax-ba naanida Somaliland. Sidoo kale waxa in badan la tixraaci doonaa qoraaladiisii iyo waraysiyadii uu ka tagay oo ah kuwo dhaxagal u noqon doona ummadda reer Somliland.



Prof. Ibraahim Allah ha u naxariistee waxa uu ahaa saaxiib qaaliya oo saxaafada iyo inta wax  qort aaba in badan tabi doono oo aan kabihiisa la buuxin Karin, waxaanay dad badan ku tilmaameen  gee ridiisa mid naxdin iyo af kale qaad ku noqotay, isla markaana meel weyn kubanaysay  Shacbiweyna ha reer Somaliland. Illaahayna waxaanu uga beryayaa inuu ducoooyinka badan daafaha dunida  loo ga soo direy uu uga dhigo danbi dhaaf iyo naxariis oo jannadii Rabi ka waraabiyo.



Marxuumku waxa uu ifka kaga tagay xaas iyo saddex caruura (laba gabdhood iyo inan).

 

 

 



Khadar Xasan Cali Jamhuuriya Times
jamhuuriya@hotmail.com

 

 

 

 


Tixraac: www.farshaxan.com (waraysiga BBC-da), www.hadhwanaag.com (wareysiga Boobo Yuusuf Ducaale , www.longlivesomaliland.com ( Where I stand by Prof. Ibraahim ) , ehelada marxuumka.