FAGADHE SIYAASI KA KORAY DHARABTA QABIILKA.. W/Q:PROF.MAXAMED SICIID MAXAMED (GEES)
 

 

Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) wuxuu ahaa siyaasi ka koray dharabta beesha. Siyaasiyiinta soomaalidu waxa ay siyaaasadooda ku saleeyaan xifaalaha  bee sha iy afaaro-qabiil oo lama yimaadaan aragti midho-dhal ah oo umadooda baahan gu ud ahaan dan-u-wada ah oo horumar, nabad iyo wada-noolaansho sidii loogu  hogaa min lahaa ma raadshaan. Waxa ay ku doonaan magac beeleed iyo beel ayaan wax u r aadinayaa iyo sad-bursiiyo qadhaabka yar ee dakhliga umadda ah sidii uu ugu badsan lahaa.

Marxuum Fagadhe, wuxuu ka mid ahaa faro ku tiriska ku dadaalay horumarinta bulsho weynta Somaliland ama Somaliyeedba iyo horumarinta xorriyaadka muwaadiniinta, ta as oo ka soo jeeda muddada dheer ee uu ku jiray halganka baadi-doonka xuquuqda shaqaalaha iyo aragtida hanti-wadaaga ee laf-dhabarkeedu yahay danaha xoogsata da.

Marxuum Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa aabihii dhismaha  maa mulka Somalilnad iyo nabadaynta beelaha Somaliland, oo aan illaa iyo maanta meel ka le oo Soomaali degto aanay cidi ku guulaysan in ay dhisto maamul nabad iyo horumar u horseeda dadka ku noos nool, ayaa waxa uu igu yidhi maalin isaga oo ka  sheekayna ya Marxuum Fagadhe: “ Fagadhe waxa aan ku jecelahay waa nin isku kalsoon oo Soma liland u haysta in aan cidina ka xigin oo waliba gacan ku dara ciddii afka-la soo gasha, waa ninka Qudha ee Dhulbahante ee aan ku hubo in uu aaminsan yahay Somaliland.

Xamaasadda uu u hayay Somaliland iyo kalsoonida uu isku qabay, waxa dhacday in  M arxuum Madaxweyne Cigaal oo magaalo madaxda dalka Talyaaniga ee Rome kula shira ya madax ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda dawladda Talyaaniga isaga oo uu marxuum Fagadhe weheliyo oo markaa wasiirka arrimaha dibedda ah, ayaa nin ka mid ahaa qoladii Talyaaniga ahayd uu wax ka sheegay Somaliland aan dhab ahayn, Marxu um Fagadhe inta uu is ilaaway ayuu feedh kula kacay ninkii Talyaaniga ahaa , taas oo dirqi lagaga qabtay oo ku kaliftay marxuum Madaxweyne Cigaal in uu warqad raaligelin ah uu u qoro wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda dawladda Talyaaniga oo shirkaas fa dhiyay.

Marxuum Fagadhe dadweynaha Somaliland iyo aqoon-yahan-kiisaba waa ay u  aqoon san yihiin kaalinta lama illaawaanka ah ee uu ka soo qayb galay nabadaynta iyo dib-u-dhiska Somaliland. Wuxuu ka duwanaa siyaasiyiinta weli jiifta dharabta beesha, kama uu helin Marxuum Fagadhe markii xanuunka iyo da’duba ay la kulantay abaal  xukuuma dda iyo mucaaridkaba , hase ahaatee , taariikhdu ma ilaawi doonto wixii uu gashaday umadda Somaliyeed meel kasta ha joogtee.

Alla ha u naxariisto Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), samir iyo iimaanna ha ka siiyo dadkiisii iyo eheladiisii iyo dhamaan umadda Somaliyeedba meel kasta ha joog tee.
 

 

 

 

Qalinkii: Prof. Maxamed Siciid Maxamed (Gees). Hargeysa