Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo Ka Qayb Galay Aas ka Marxuum
Fagadhe oo Si Heer Qaran Ah Loogu A
Hargeysa (Timacade News)-
Wakiilkii Somaliland dalka Faransiiska u fadhiyey marxuum
Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo maanta maydkiisa la keenay
magaalada Hargeysa, ayaa aas heer Qaran ah loogu sameeyey qabuuraha
boqol jire.
Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) oo maydkiisa maanta ay
keentay diyaarad khaas ahi magaalada Hargeysa, Waxa halkaa ku soo
dhaweeyey guddidii ka koobnayd goloha Wasiiradda ee madaxweynaha JSL
Mudane DaahirRayaale Kaahin uu u saaray q aban-qaabada aaska
marxuumka, waxa kale oo iyana halkaas kaga hortegay madax uu ka mid
yahay Gudoomiyaha iyo G/Xigeenka Golaha Wakiiladda, Madaxda Asxaabta
Qara nka, Saraakiil ka socota hay’adaha dawladda iyo dadweyne aad u
badan.
Ka dibna waxa maydka marxuunka la geeyey qabuuraha boqol jire
halkaas oo uu ka mid ahaa dadkii ka qayb galay aaskaasi Madaxweynaha
JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, M/weyne ku xigeenka JSL Mudane
Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiyeyaasha golaha xild hibaanada,
Madaxda Asxaabta Qaranka, Wasiiro iyo dadweyne aad u tiro badan oo
ay ka mid yihiin qaraabaddii, eheladdii marxuumka iyo saaxiibo badan
oo uu ku lahaa dalka.
Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), waxa uu kaalin wax ku ool ah
ka soo qaat ay Qarnimaddii iyo gooni isutaagii Jamhuuriyada
Somaliland, isagaoo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka tan iyo
intii Somaliland ay qaranimaddeeda la soo noqotay. Waxana uu
madaxweynaha Somaliland marxuumka u rajeeyey in Illaahay naxariistii
janno ka waraa biyo eheladdii, qaraabadii iyo shacbiga
somalilandba samir iyo iimaan ka siiyo”.
Source:sn
|