“Muu Ahayn Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal Nin Qof Dumar Ahi G o’aanadiisa Ay Go’aamiso Ama Ay Hagto, Go’aankiisa Waa La Yaqaanay”

 


“Marxuum Cigaal meelna lacaq muu dhigan, Aqal uu galo isagoon ku lahayn Hargeysa, ayuu ka Hhoyday, maantana guri kiro ah ayaan anigu aaga jiraa” Marwo Kaltuun X. Daahir



Hargeysa, May 3, 2010 (TNN)Kaltuun X.Daahir,  oo ah marwadii Madaxweynihii hore ee  geeriyo oday, M arxuum Maxamed X.Ibraahim Cigaal , ayaa sheegtay in marxuumku ahaa shakhsi go’aan qaadasho leh isla markaana dadka la tashan jiray marka uu goynayo arrimaha waaweyn, waxaanay intaa ku dartay inuu ah aa nin aan lacag jeclayn balse umadda wax ugu qabta, iyadoo taas tusaale uga dhigtay in aanu magaalada Hargeysa kaga tegin guri keli ah xitaa mid ay qoyskiisu galaan.


Munaasibado lagu xusayey (AHN) madaxwaynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Ci gaal oo ku geeriyooday 3 May 2002-dii cusbitaal ku yaal magaalada Peritoria ee dalka South Africa, hase ahaatee 6 May ee isla sanadkaasi lagu aasay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa munaas abado lagu xusayo shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa iyo guud ahaanba Somaliland.


Munaasibadahaasi lagu xusayey madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed X. Ibraa hin Cigaal (AHN) oo mid ka mid ah oo shalay lagu qabtay magaalada Hargeysa oo ay ka qayb gas hay marwadiisii Kal tuun Xaaji Daahir, oo wariyaha BBC-da ee Axmed Siciid Cige ka waraystay  xu ska sanadkan, waxayna she egtay in waxyaabaha lagu xasuusan karo marxuum Cigaal ay ka mid ahaayeen wakhtigii uu qalinka ku duu gay Xoriyadii Somaliland ka qaadatay gumaysigii Ingiriiska.

“maanta (shalay) oo ku beegan tahay 3 May oo uu geeriyooday (AHN) Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, wa xa xuska lagu qabtaa wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba xaflado faro badan oo xoolo ayaa lagu qalaa, dhali nyarana way samaynaysaa xus kale, wadamada Yurubna way jiraan xusas kale oo laga samaynayaa oo d ad badani iskugu tagayaan”

S:Maxaa lagu xasuustaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal hadaad tahay qofkii ugu dhawaa oo  xaa skiisii aad ahayd, 3 May 2002-dii ayuu ku geeriyooday dalka South Africa isagoo markaa  cusbita al loo geeyey, adi  una markaa waad la socotay?



J:-Kaltuun : Ma soo koobi karo Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa lagu xasuusto, caruurta yar yar baa m aanta ku sheekaysata iska daa dadka waawayn oo, ilaa maalintuu hano qaaday ee uu 20-jirka ahaa ilaa maalintuu godka ka galay dalkiisa Hooyo ayuu naftiisa iyo maalkiisa iyo  wax walba u huray oo uu naftiisa ilaaway, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa lagu xasuustaa oo  ug u waynaa xornimadii Somaliland uu qalinka ku duugay, markii danbe ee Somaliland lala soo  noqd ay uu mayalka u qabtay 1993-kii Somaliland waxay cid waliba hubtaa oo la qirayaa inaanay  Som aliland halkaa soo gaadheen, waa ninkii badbaadiyey Ilaahay ka sokow, inkasta oo lala garab  qa btay oo wax garadkii, guurtidii iyo odayaashii wadanka joogay ay la garab qabteen markaa wax faro badan oo aan la soo koobi Karin ayaa lagu xasuustaa.
 


S: Intii aad adigu la joogtay noloshiisa intii danbe oo dhan adigaa marwadiisa ahaa maxaa lagu xasuusta hadii aad kow iyo laba soo koobto?



J: Waxa lagu xasuustaa qaramayntii ciidanka qaranka Somaliland, saddexda ciidan qaran ay ka hirgaleen, waxa kale oo lagu xasuustaa lacagta Somaliland ee uu soo sameeyey, Basaborka Somaliland, distuurka qaranka ee ina-kala hagaya ee nin waliba maanta ku faanayo oo aan waliba dadka ku dardaarayo in la ilaaliyo distuurka qaranka oo la dhawro.



S: Markaad eegto waayo aragnimadaada dhibaatooyin way jireen oo mar walba mucaarid wuu jiray oo iska hor imaadyaa jiray intii uu hogaanka hayey sidee buu ku dhamayn jiray markay arrintu kululaato ilayn waad la joogtee?

J: Iska hor-yimaadyo way jireen laakiin iska hor yimaadyadaasi isagu umuu arkayn wax adag oo maanta sida loo kala fog yahay ama aad aragto cadaawad baad maanta ka arkaysaa sida dadku u kala fogyahay ama loo xifaaltamayo, isagu marwalba waxa uu qiimaynayey dadkani waa dad walaalo ah oo aan meelna kala tagayn, carrab iyo labadiisa daan-baa is qaniina waxa weeyaan sideebay xeegona xeego ku noqotaa ilkona ku nabad galaan, wada tashi, isu tanaasul, kala danbayn iyo is ixtiraam, inanka yar ayuu ixtiraamayey, odayguu ixtiraamayey, askariguu ixtiraamayey, dhalinyaraduu ixtiraamayey oo la tashanayey markay keentana wuu ku tasarufayey oo lacag buu ku kala furanayey ummada uu ku kala qaboojinayey.



S: Xaga lacagta hadaynu eegno waxa la odhan jiray Ina Cigaal gacan waynaa, xoolaha uu  bixina yaana waa xoolihii ummada ayaa la odhan jiray, taa maxaad ka leedahay?

J: Gacan weynaanta wuu u dhashay oo maalkii Aabihii iyo kiisiiba waxay raaceen Somaliland, me elna waxba kamuu dhigan aqal uu galo isagoon lahayn ayuu ka hoyday magaalada Hargeysa, maanta guri kiro ah ayaan anigu kaga jiraa, wuu gacan waynaa, gacan waynida wuu u dhashay, balse meelna waxba kamuu dhigan anagaa nalaga arki lahaa, caruurtiisiiba laga arki lahaa waxa weeyi waxa uu u dhashay Haybad iyo Hibo Ilaahay siiyey ayey ahayd, waxba kumuu fali jirin  lac agta wuu ku xaragoon jiray oo ku tasarufi jiray, taa marka aan leeyahay lacagta wuu ku  xarago on jiray meelna muu dhigan jirin ee ummaduu ku kala furan jiray oo Somaliland-ba maanta halkaa may soo gaadheen, lacagtu qiimo ma laha haddii aanad ummada ku kala furan.



S: Maxaa kale oo aad ka sheegi kartaa Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal shaqsiyadiisa marka aad eegto ma waxbuu akhriyi jiray, ma Tv-yada ayuu daawan jiray bal ka waran?

J: Way adag tahay inaan sifeeyaa waayo waxa uu ahaa qof dhawrkii boqol ee kun ee qof noocaa ku jiray, waxa uu ahaa qof xaga diinta u faro badan, xaafidul quraan buu ahaa, salaada waxa aan is odhan jiray ma salaado dheeraad ah ayuu tukadaa, habeenkii intuu tooso ayuu waraaqo akhriyi jiray oo wax akhriskiisu wuu badnaa waraaqana waxa uu u qori jiray UN-ka iyo qol yaha Maraykanka ee ay kulmaan oo ku saabsan Ixtiraafka Somaliland ayuu had iyo jeer qoraal ku samayn jiray.



S: Dad badani waxay yidhaahdaan marka la eego marwada koowaad oo kale waxa la odhan jiray waxay ku leedahay Kaltuun go’aamada iyo tasarufka qasriga gacan wayn bay ku lahayd oo  xant aasi way jirtay, wax saamayn ah ma ku lahaan jirtay ama tasarufka madaxtooyada?

J: Muu ahayn Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal nin ay qof dumar ahi go’aanadiisa ay go’aamiso ama ay hagto, go’aankiisa waa la yaqaanay, waxay yidhaahdaan gaaladu “Nin kasta oo rag ah  gaba dh baa ka danbaysa” horta xoghayn baan u ahaa waanu wada tashan jirnay, waanu wada  shaq ayn jirnay laakiin waxa weeyaan Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal go’aamadiisa isagaa lahaa, waxa uu ahaa nin adag oo go’aamadiisa ku adag cidna aan ka qayb galin markay timaado.
 



Source: Haatuf