MARXUUM: AXMED MUSE GEEDI (SANJAB)


 


Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE oo tacsi u diray eheladii Axmed Muuse Geedi (Sanjab) , kana warmay taariikhdiisii :


Isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka xisbiga KULMIYE wuxuu Xogahyaha Arrimaha Dibadda ee KULMIYE,
Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, tacsi u diryaa isagoo ka tiiraanyaysan qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Axmed Muuse Geedi ‘Sanjab oo maanta lagu aasayay maydkiisa magaalada Gabiley. Waxaanu ilaalahy u waydiinayaa marxuumka denbi dhaaf iyo naxariis.

 

 


Aamiin                             Aamiin                         Aamiin

 

 

 

 



Isagoo ka hadlaya taartiihdii marxuumka, wuxuu

Dr. Maxamed Cabdiilahi yidhi
 

 

 

Axmed Muuse Geedi wuxuu caan ku ahaa ilaalinta caddaaladda, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo hor umarinta maamul wanaagga, waxaana lagu yaqaa nay nin aan lagaban mawqifkiisa, kana duula danta guud ee qaranka had iyo jeer.


Xukuumadii Jamhuuriyaddii Somaliya, wuxuu ka mi d ahaa marxuumku masuuliyiintii sare ee dalka u qa abilsanaan jiray la dagaalanka musuqmaasuqa, wu xuuna horseed ka ahaa hawlagaladii la odhan jiray xisaabi xil male’, oo uu ka ahaa Hantidhaware Guud.


Ka dib, wuxuu Axmed Muuse Geedi wakiil uga noqd ay dawladdii Somaliya mashruucii la dagaalanka ay axa ee Ururkii Midawga Afrika (OAU), waxaanu  ma rxuunka hawshan ka soo qabtay muddo dheer dala lka Ethiopia, Kenya,Tanzania iyo wadamo kale oo Afrikaan ah. Markii u ka tagay shaqadii ururka Mi dawga Afrika, wuxuu Axmed ku wareegay Ban giga Horumarinta Afrika ee ku yaala Jamhuuriyadda Ivory Coast (Cote-d'Ivoire) oo uu ka mid noqday saraakiisha bangiga. Hawshaasi oo uu hayay marxu umku muddo aad u dheer.
 

Markii uu Axmed Muuse Geedi ku soo noqday dalka wuxuu ka mid ka mid noqday aasaasayaashii xisb iga siyaasiga ah ee UCID, oo ka ahaa muddo dheer Xoghayaha Guud ee xisbiga. Wuxuu ahaa marxuum ku maskaxdii iyo aqoontii ka dambaysay hirgalinta, taabagalidda iyo qaab dhismeedka xisbiga.


Wixii ka danbeeyay dhammadkii 2003 dii wuxuu ma rxuunku arrimo xagga caafimaadka ah u joogay da lka Ingiriska. Wuxuuna intii uu joogay dalka Ingiriis ka muddo sii waday hawshiisii Xoghayha Guud ee UCID. Wuxuuna ku noqday Somaliland laba wiig ka hor, ka dib markii xaaladdiisa caafimaad ay sii xumaatay.


Axmed Muuse Geedi wuxuu waxbarashadiisa Jaam acadda ku dhammaystay dalka Holland sanadku markuu ahaa 1964, ka dibna wuxuu dhawr goor waxbarashooyin kale oo jaamacadeed ku qaatay dalka Maraykanka.
 


 

 

 

By: Dr Mohamed A. Omar