MARXUUM MAXAMED XUSEEN CAABI

انا للة وانا الية راجعون

 

 


Tacsi: Marxuum Maxamed Xuseen Caabi



ALLe ha U Naxariistee waxa abaaro
lixdii subaxnimo ee maanta 4/01/2012 ku geeriyooday magaal ada London U.K Maxuum Maxamed Xuseen Caabi oo ahaa Guddoomiyaha Guddiga Maamulka Isbitaal ka Hargeysa.

Anigoo ku hadlaaya magaca
Xafiiska La-taliyaha Madaxweynha ee Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo Maal gashiga, ka reer Cabdi Carwo iyo kan xaaskayga Amaal Cumar Carte ,waxaan tacsi u dirayaa Xaaska Marxuumka Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo inantiisa Deeqa, eh elka, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta uu marxuumku ka tegay meel kasta oo ay joog aanba.


Waxaan kale oon tacsida u dirayaa Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka Guud, hawl-wadeenadii
SNM, Xukuumadda iyo Shacbiweynaha Somaliland.

Marxuumku wuxu ka mid ahaa aqoonyahanka reer Somaliland ee qurbaha wax barasho u baxda kuw ii ugu horeeyey, isagoo lixdanaadkii ka mid noqday saraakiisha boliska deedna u wareegay dhanka dibloomaasiyadda iyo wasaaradda arrimaha debedda oo uu ka gaadhay Qusulka Somalida u fadhiyey Geneve.

Allaha U naxariistee Marxum
Maxamed Xuseen Caabi waxaan la iloobeyn kaalintii uu ku lahaa halgan kii SNM isagoo ahaa maamulaha xafiiska SNM ee London, qoraa aan ka nasan fidinta warka iyo barna amajka SNM. Waxuu ahaa nin aad uga hawlgalay damista khilaafaadkii siyaasi ee halganka. Waxuu a haa beel-daajiye nabaddoon ah, kuna dagaalama danta guud een hoos u eegin dan gaar ah iyo dhee f maalmeed, naftii hure samafale ah oo jecel taakulinta miskiinka iyo danyarta.

Maxamed waxuu ahaa nin af-gaaban, bulshaawi dad jecel oo kaftan qabow oo hufan lagu xusuusto, nin aan yar iyo weyn cidna xanjiimeyn, ee qalbi furan iyo kalgacal ku qaabila ehel iyo asxaaba.


Alle ha u naxariistee Marxuum
Maxamed waxuu xanuunka uu u dhintay haleeley isagoo gudanaaya xajka kal hor ilaa maantana uu u jiifay. Ehlo kheyr khaatumo wacan oo cabsida Alle aan ka il duufin ayuu ahaa ee waxaan Alle u baryayaa inuu ka yeelo kuwa dhaxla janatul fardows, inagana dhamm aan haynaga yeelo kuwa laasimno duco iyo samir.Amiin.
 

 

 


Ahmed Hassan Arwo

La-taliyha Madaxweynha Somaliland
Arrimaha Dhaqaalha, Ganacsiga iyo Maalgashiga


samotalis@gmail.com

 

 

 

 


 

 

MARXUUM MAXAMED XUSEEN CAABI

انا للة وانا الية راجعون

 

 

 

Anigoo ku hadlaya magacayga, Eng. Maxamed Cali Muse ,ka xaaskayga iyo caruurtayda,waxaan ta csi tiiraanyo leh u diraynaa ,Wasiiradda  Wasaaradda Waxbarashada ee Jamhuuriyadda Somaliland ,Marwo Samsam Cabdi Adan, oo odaygeedii,marxuum Maxamed Xuseen Caabi,uu maanta oo Arbaca ah,4 December,2012, ku geeriyooday magaalada London ee carriga Ingiriiska.

 

Waxaan kale oo aan tacsi u diraynaa dhammaan reer Xuseen Caabi , tafiirtii Caabi , ehelkii iyo qara abdii  meel kasta oo ay adduunka ka joogaanbba  .Waxaan si gaar ah u tacsiyadeynayaa Cabdraxm an Xuseen Caabi, Amina Maxamuud Cabdi (Amina Dabaare) iyo caruurtooda.


Waxaanu Allaha awoodda leh uga  baryeynaa, inuu
marxuumka , Maxamed Xuseen Caabi, naxariistii janno Fardawsa ka waraabiyo, danbi dhaafna u fidiyo, iilka u nuuro , neecaw udgooniyo , ku siiyo nar uuro, dhammaanteenna samir iyo iimaan innaga siiyo, Aamiin, Aamiin, Aamiin.




 



Eng. Mohamed Ali Muse

 

 



 

MARXUUM MAXAMED XUSEEN CAABI

انا للة وانا الية راجعون

 

 

 

 

Tacsi kusocota Marwo Samsam Abdi Aden iyo Reer Hussein Caabi

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN.

Anigoo ah
Cumar Daarood Xassan iyo Faaisa Jaamac Caabi iyo dhamaan caruurteydu waxan tacsi tiiraanayo badan leh u diraynaa wasiirada wasaarada waxbarashada marwo Samsam Abdi Aden oo uu ka geeriyooday odaygeedii marxuum Maxamed Hussein Caabi magaalada London saaka subax,

waxa kaloonu tacsidaasi mid la mid ah u diraynaa dhamaan qoyska reer Xussein Caabi meel ay jooga anba, waxanu illaahey uga baryaynaa inuu marxuunka janadii fardowsa ka waraabiyo dhamaan ehe ladii iyo qoyskii u ka baxayna samir iyo iiman ka siiyo aamin aamin
 



Omar Darood Hassan

Norway
 

 


 

MARXUUM MAXAMED XUSEEN CAABI

انا للة وانا الية راجعون

 

 



Tacsi ka socota jaliyada Somaliland
Jönköping ee dalka SWEDEN



dhamaan jaliyada SOMALILAND ee JÖNKÖPING dalka SWEDEN waxay tacsi tiiranyo leh u dirayaan w asiirada wax-barashada iyo tacliinta sare ee dalka SOMALILAND marwo
SAMSAM CABDI ADAN oo saygeedi marxuun MAXAMED HUSSEN CAABI ku geeriyoday dalka UK .
 


Waxay EEBE uga baryayaan in uu
naxariis tii jano ka waraabiyo qoys kii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxayna samir iyo iiman ka siiyo.



Waxaa isna sigaara tacsi ugu diraaya mar xuunka
Rashiid Sheekh Adan Kulmiye oo ay ahaayeen as xaab isku dheer waayo badana soo wada maray kana tirsan jaliyada Jönköping ee dalaka sweden