M.X.I.Cigaal: Hoggaamiyihii dhisay Somaliland-ta cusub ee casrigan


 


In uu ahaa aqoonyahan waaya’aragnimadiisii iyo aqoontiisiiba uga faa’iideeyey bulshadiisa; iyo in uu ahaa hoggaamiye fiican oo dhidibbada u adkeeyay dhisayna Soomaalilaanta cusub ee casriga ah ay aa ka mid ah waxqabadyada badan ee lagu xasuusto,Alle ha u naxariistee, madaxweynihii hore ee Soomaalilaan, mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal.


Mudane Cigaal, Alle ha u naxariistee, waxa uu ahaa mas'uulkii u horreeyay ee gacantiisa ku saxiixa xorriyaddii u horreysay ee uu mid ka mid ah dalalka Soomaalidu qaato. Bishii Febraayo ee sannadkii 1960 ayaa waxa uu mudane Cigaal gacantiisa ku saxiixay in ay Soomaalilaan xornimadeeda ka qaada to dawladda Ingriiska taariikhdu markay gaadho 26-ka Juun ee isla sannadkii markaa lagu jiray 19 60-kii. Xornimadii ka dib waxa uu noqday hoggaamiyihii u horreeyey ee Soomaalilaan. Markii ay Soo maalilaan la midowday Soomaaliyana waxa uu xilal sarsare ka qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee Soomaaliya.


Haddii aad soo marto waddada weyn ee suuqa hoose, gaar ahaan inta u dhexaysa Saldhigga Dhexe ee Booliska Hargeysa iyo taallada loo yaqaan “Daljirka”, waxaad arki kartaa boodh taariikhi ah oo ku yaal kaabadda kala qaybisa labada haad ee isla waddadaas. Waa boodh uu ku dhigan yahay sawirk a (sawirgacmeed) madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaalilaan,Alle ha u naxariistee, Maxa med Xaaji Ibraahin Cigaal, oo si fiican loo qurxiyey. Sawirka xaggiisa hoose waxaa ku qoran far sii masaxmaysa, in ay masaxanto ma ay ahayne, oo aan ka gartay: " Xoghayihii guud ee xisbigii SNL ee 1960-kii, iyo madaxweynihii labaad ee jamhuuriyadda Soomaalilaan." Waa boodh qofkii arka xasuusi n kara waagii uu, Alle ha u naxariistee, mudane Cigaal madaxweynaha ahaa, taladiisana lagu meel mari jiray.


Sawirka madaxweynaha ee boodhkaa isaga ah ku dhigan intaas uun laguma xasuusan karo, ee wax aa lagu xasuusan karaa maalmo badan oo kale. Oo kuwee ka mid ah maalmahaa badan ee kale? Wax a ka mid ah maalmihii sida farxadda leh madaxweynaha loogu soo dhowaynayey caasimadda Hargey sa. Waa sannadkii 1993 markii shirweynihii Boorama lagu soo doortay. Maalmahaa waxaa meel kas ta oo muhiim ah la dhigay ama lagu dhajiyey sawirka madaxweynaha oo aad loo qurxiyey. Sawirradii faraha badnaa ee aan berigaa arkay markii madaxweynaha la soo dhoweynayey qaar badan oo ka mid ahaa ayaa aad ugu egaa kan maanta boodhka ku dhigan.



Adduunka siyaabo kala duwan ayaa xasuusta iyo taariikhaha loo kaydiyaa. Siyaalahaas badankooda waxaa ku caan ah bulshooyinka xagga aqoonta inagaga horreeya. Boodhadhka iyo sawir-gacmeed yadu waxay ka mid yihiin qaybta fanka naqshadaha iyo farshaxanka, waxaana si xiisa leh dalalka qaarkood loogu muujiyaa dhacdooyinka iyo sawirrada dadka aadka loo jecel yahay. Boodhka halkaa ku yaal iyo kuwa kale ee la midka ahiba qiime weyn ayey leeyihiin.


Madaxweynihii hore, Alle ha u naxariistee, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, haddii uu ahaa mas'uulkii xorriyaddii la qaatay shisheeyaha ka saxeexay, waxa kale oo uu ahaa halyeygii dhisay ee hagaajiy ey Soomaalilaanta cusub ee casriga ah. Geesigu ma aha ninka dadka dhiba, ee waa ninka nabadda ka taliya, dhismaha bulshadana kaalin weyn oo muuqata ka qaata. Qof kastaa wax waa uu dumin k araa, hase yeesho ee dadka in yar uun baa wax dhisi karta. Mas’uuliyiintii dhismaha qaranka iyo bu lshadaba ka qayb qaadatay kuwa ugu horreeya, haddii aanu ahaynba ka koowaad, ayuu Cigaal ka mid ahaa. Nidaamkii uu wax ka dhisayna waa kaa ilaa maanta shaqaynaya ee loo aayey.


Iyada oo wanaagga lagu dadaalayo ayaa la isla gartay in xus loo sameeyo mudane Cigaal, maaddaa ma uu ahaa hoggaamiye fiican oo aad loo jeclaa. Meelaha xuskaa isaga ah laga bilaabay, in kasta oo ay tahay in meelo kalena loogu magac-daro, waxaa ka mid ah gegida weyn ee dayuuradaha Hargey sa oo loo bixiyey " Gegida Dayuuradaha Caalamiga ah ee Cigaal - Egal International Airport". Xuska marka laga tago waxa fiican in ay dhallinyaradu taariikhdii Cigaal akhristaan waxna ka bartaan.


 




Axmed Iid Aadan

ahmediid@hotmail.com