Marwo Saado Cabdi Kooshin oo hambalyo u dirtay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti,mudane ismaaciil Cumar Geelle iyo shacbiga reer Jabuuti

 

Jabuuti (TNN)-Marwo Saado Cabdi Kooshin oo hambalyo u dirtay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti , mudane Ismaaciil Cumar Geelle,oo mar saddexaad ku guulaystay Doorashadii Madaxnimada ee ka dhacday Dalka Jbuuti. Marwo Saado, waxay Ilaahay uga bariday in masuuliyadda loo igmaday Rabbi  ku asturo , una fududeeyo.

 

Sidoo kale , Saado Cabdi Kooshin,waxay hambalyo u dirtay Marwada Koowaad ee Dalka Jamhuuriyadda Jab uuti, Khadra Maxamuud Xayd , kaalinta libaax ee ay ka jirto horumarka Haweenka Dalka Jabuuti,horumarka Dalka iyo weliba taakulaynta caruurta agoomaha ah. Waxaa kale , oo ay shacbiga reer Jabuuti ugu ha mbal yeysay sidii u guteen waajibadkoodii,una ilaashadaan nabad galyada Dalkooda , doorashadiina ugu  soo gab agabawday si habsami leh.

 

Marwo Saado Cabdi Kooshin,oo hadda ku sugan Dalka Jabuuti,waxay lugteedi hore soo martay Dalka  Som aliland,halkaas oo ay kaga qayb gashay mashaariic xadhigga laga jarayey , islla markaana gaadhsiisay dha qaale ay iyada iyo Haweenka magaalada London ugu deeqeen horumarka Dalka Hooyo. Saado waxay ka  mi d tahay  Jaaliyadda Somaliand ee degan magaalada London, carriga Ingiriiska,ee had iyo jeer ku hawlan ka qayb galka  qorshayaasha   lagu horu marinayo Somaliland, sida daryeelka agoonta, dhisidda dhakhtarada, Jaamacadaha , iwm.

 

Marwo Saado Cabdi Kooshin,waxay ugu danbayn  Madaxweynaha Dalka Jabuuti,Ismaaciil Cumar Geelle,Mar wada Koowaad,Khadra Maxamuud Xayd iyo shacbiga reer Jabuutiba , u rajaysay inay horumar , bash bash iyo barwaaqo ku waaraan.

 

 



Abdiqani Maxamed Ciise (Nijaar)
Timacade News Desk

Jabuuti , Jamhuuriyadda  Jabuuti