Marwo
Faadumo Siciid,waxay waxtar ballaadhan u qabatay
caruurta agoonta iyo darbi jiifka,waanay u qalantaa
in lagu abaal mariyo Shaqsiga Sanndka 2010 ee
Jamhuuriyadda Somaliland

Marka hore waxaan
halkan salaan aan la koobi karayn uga dirayaa ,dhammaan
shaqaalaha Shabakadda Caala miga ah ee
Timacade News Network (TNN)
,ee kula ugan dunida dacaldeeda, oo xaqiiqadii Saxaafada Somaliland ku soo kordhisey
farshaxannimo aan hore loogu arag,layskuna raacay
inay tahay ta ugu muuqaalka (Design)
, farshaxan nimda, habeyenta iyo Barnaamijyada
sareysa , dhammaan shabakadaha Af
Soomaaliga ku soo baxa, isha ayaana macalina.
Taa waxa u dheer oo
ay shabakaddu ku caan baxday,
dhex dhexaadnimo , iyadoo soo gudbisa
wararka, dhac dooyinka iyo ra'yiyada dadweynaha ee kala
duwan , iyadoon cidna ku raali gelin, runtana ka leexan.
Waxaan si gaar ah ugu
hambalyeynayaa, muwaadinka Somalilanderka ah , ee
hawshan culus ee Qiimaha leh so o kordhiyey , kana midho
dhaliyey , oo ah Tafatiraha Guud
, Webmasterka
TNN ,
Eng. Maxamed Cali Muse.
Aan u soo noqdo
ujeedada qoraalkaygan,waxaan anigu rayigeyga leeyahay ,Marwo
Faadumo Siciid , oo ah Gu ddoomiayaha Ururka
ODHA, ee Xannaaneynta iyo
Daryeelka Agoonta iyo caruurta Darbi jiifka ahi,way u
qalan ataa in la siiyo shahaado sharafta
Shaqsiga Sannadka 2010,
iyo wax ka sarreyaba,waayo waxay gacan weyn ka geysatay,
inay ururiso,daryeesho,u naxariisato, darxumadana ka
ilaaliso,caruuraha ku tabaalaysan Somalil and.Waxay
dadaal dheer u gashay inay dalka gudihiisa iyo
dibadiisaba gaadhsiiso xaaladda adag ee ay ku sug an
yihiin caruurta agoonta ah iyo darbi jiifkuba.
Marwo
Faadumo Siciid,waxaan odhan lahaa waa ,
Shaqsiga Sannadak 2010 , ee
Somaliland.
|