Haweenka Xisbiga KULMIYE ee magaalada Cardiff ee Gob olka Wales ee dalka UK, ayaa xaflad ballaadhan oo si heersare ah loo soo qabanqaabiyey ku qaabiley

 


Cardiff (TNN)-Haweenka Xisbiga KULMIYE ee magaalada Cardiff ee Gobolka Welis ee dalka UK, ay aa xaflad ballaadhan oo si heersare ah loo soo qabanqaabiyey ku qaabiley Marwada  Guddoomiy aha Xisbiga KULMIYE, Marwo Aamina Weris Sheekh Maxamed iyo Marwo Ilhaan Maxamed  Jaam ac oo booqasho ku yimi dalkan UK.

Aayado qurŽaan ah oo ay xafladda ku furtay Nuura Maxamed Saleebaan, kadib, waxa hadalka la wareegtay Khadar Ibraahim Warsame oo xafladda daadihinaysey, waxayna ugu horayn  is  bart ay Weftiga iyo haweenka reer Cardiff ee xafladda ka soo qaybgalay, iyadoo halkaa ka jeedisey warbixin kooban oo ku saabsan Aamina-weris iyo Ilhaan Maxamed Jaamac oo labaduba ka mid ah haweenka mutacalimiinta ah ee Somaliland taariikhdooda iyo kaalintii gaar ahaan Aamina-we ris oo ah Marwada Guddoomiyaha KULMIYE ay ka soo qaadatay halgankii SNM ee dalka lagu  xor reeyey, halgan kaas oo muddadii ugu dheerayd uguna adkayd dhinaca dagaalka, halgankuna  h ore u dhaqaaqay uu hoggaaminayey Muj. Axmed Maxamed Siilaanyo, kaalintaas oo ay ilaa  had da kaga jirto hawlaha qaran iyo kuwa xisbi ee uu ku jiro Muj. Siilaanyo.

Sidoo kale, waxay ka warantay in Marwo Ilhaan oo ah gabadhii Xisbiga KULMIYE u xulay  xubinni mada Komishanka Doorashooyinka, balse, Daahir Riyaale si badheedha oo xaq-darro ah ugu  dii dey, ay deganayd dalka Canada oo ay wax ku baratay, kana shaqaysanaysey, balse ay ka  door bidday inay tamarteeda iyo aqoonteeda kula noqoto dalkii. Waxayna sheegtay Khadar in Ilhaan ay dalka ka hi rgelisey mashaariic uu ka mid yahay dugsi caruurtu wax ku bartaan oo ay ka  sam aysay magaalada Ceerigaabo.

Warbixintaa kooban kadib, waxa iyadoo ku hadlaysa magaca haweenka Cardiff ku soo  dhowey sey weftiga magaalada Cardiff, Marwo Faadumo Ismaaciil Nuur (Faaduma Bijaame) oo sheegtay inay aad ugu faraxsan yihiin booqashada ay ku yimaaddeen Cardiff Marwo Aaminaweris iyo  Ma rwo Ilhaan.

Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed ayaa iyadu hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaysa xafladdaa ka jeedisey. Aamina-weris waxay ka warantay xaaladda dalka iyo doorashooyinka loo diyaargaroobayo, iyadoo ku guubaabisey haweenkii xafladdaa isugu yimi kaalinta looga baahan yahay Qurbajoogga rag iyo haweenba inay ka qaataan doorashadaas iyo sidii dalka isbeddel  u ga dhici lahaa. Aaminaweris waxa kale oo ay ka hadashay sida loogu baahan yahay in  haween ku ay kaalintooda ka qaataan dowladda Somaliland, waxayna ku baraarujisey qurbajoogga sidii qoysaska iyo caruurtu ay ugu noqon lahaayeen waddankoodii hooyo, balse, waxay sheegtay in loo baahan yahay in laga wadahawl galo sidii waddanku u heli lahaa dowlad fiican oo daryeesha dadkaa dalkooda u soo hiloobaya iyo kuwa dalka gudihiisa joogaba, iyada oo ka warantay  duru ufaha dalka ka jira iyo in daryeel iyo adeegyo badan oo qoysaska iyo caruurtu ku haystaan  ha lkan aanay ka helayn dalka. Balse, waxay tidhi insha allaah waddankeenna ayaynu hagaajisan doonnaa, marka dhammaanteen aynu u wadahawlgalo sidii aynu isbeddel u samayn lahayn.


Xafladda oo isugu jirtey soo dhoweyn, isbarasho, isxogwaraysi iyo martiqaad casha-sharafeed ah, waxa lagu soo gebagebeeyey ciyaaro kala duwan oo hido iyo dhaqan ah iyo heeso waddani ah. Waxayna ku dhammaatay jawi aad u qurux badan.



khadar warsame

khadar_81@hotmail.co.uk