Marwo Faadumo Siciid ibraahin oo ka mid ah Haweenka Som aliland ee ka shaqeeya Arimaha Samafalka iyo Dhiiri gali nta dhalinyarada ayaa maanta ku dhawaaqday in ay ku biirtay xisbiga UCID


 

 

Hargeysa (TNN)- Marwo Faadumo Siciid ibraahin oo ka mid ah Haweenka Somaliland ee ka sha qeeya Arimaha Samafalka iyo Dhiiri galinta dhalinyarada ayaa maanta ku dhawaaqday in ay ku biirtay xisbiga UCID, iyada oo sheegtay in ay ku qadirso Gudoomiyaha Xisbiga UCID cibaadada badan iyo alle ka cabsigiisa.

Marwo Faadumo Siciid , waxay sheegtay in la waydiiyo in ay xilka ururkeeda samafal iyo ka xis biga isku qaban doonta ayaa sheegtay in uu jideeyay Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somalilan d in laba-laba xil la isku qabto“ waxaa jideeyay oo Baneeyay oo Albaabkaa Baneeyay C/raxma an Cirro, maalintii uu yidhi isaga oo aan xisbina ahayn urur baan unoqonayaa Gudoomiye oo w aliba waxaan haysanayaa Jagadii Gudoomiyaha Baarlamaanka, hadduu isagu isku haynaayo laba xil yaa ii diidaya aniga inaan laba xil isku hayo, hadday dawlada maanta joogtaa dib usoo gurguuranayso cirro markaad ka soo qaadaan anigana iisoo fadhiiso” ayay tidhi faadumo siciid

Marwo Faadumo oo ka hadlaysay munaasabad loo sameeyay Midawga Xisbiga Ucid iyo Garab kii Xisbiga udub ee uu hogaaminayay Jamaal Cali Xuseen, ayaa cabirtay dareenkeeda ku aada n munaasabadaasi“Waa maalin taariikh ku leh Somaliland, waa maalin ay somalilandta cusubi hir galayso, waxaa maanta aad arki doontaan heshiisyo labada garab ay kala sexeexan doona an”.

Faadumo Siciid waxay sheegtay in maanta laga bilaabo garabkani daadin doono Calamadii UDUB isla markaana ay qaadan doonaan Calanka UCID.
 

 


Timavade News Desk
Hargeysa, Somaliland