Haweenka  Somaliland ee Carriga Ingiriiska,oo xaflad aad u balla adhan ku soo dhaweeyey Marwada koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland,marwo Amina-Weris Sheekh Maxamed Jirde
 

 

 

London (TNN)-Haweenka Somaliland ee deggan Carriga Ingiriiska, ayaa xaflad aad u ballaadhan ku soo dha weeyey Ma rwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ,Amina-Weris Sheekh Maxamed Jirde,taasoo la gu qabtay  magaalada L ondon. Xafladdan soo dhaweynta oo aan loo kala hadhin , waxaa ka soo qayb gal ay dhammaan qaybaha kala duwan bulshada,oo ay ka mid ahaayeen fanaaniin,saxaafadda iyo ururada bul shada ee ka dhisan Dalka Ingiriiska.

 

Marwo Amina-Weris, oo madasha ka soo jeedisay qudabad aad u qiimo badan , waxay carrabk ku dhufata y kaalinta laxaadka leh ee Haweenka qurba jooga ee Somaliland ,kaga jiraan jiritaanka, horumarka iyo wa xtarka dalkooda Hooyo..Xafladan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, ayaa ku dhammaatay jawi aa d u qurux badan,dadweynihii ka soo qayb galaynna, ay ka muuqatay farxad iyo qiiro wadaninimo.

 




Farxaan Cabdi
Timacade News Desk
London,UK