Mar I degay Allah ha dego mar
labaad I degana anaa isdegay
Sheeko run ah Qaybta 1kd
Waxa dawladda cusub ee Soomaaliland bilowday in ay wada hadal la
yeelato Somaliya. Arintaa s oo dad badan ay diidmo kala horyimaadeen
qaar kalena ay soo dhaweeyeen. In lala shiro kon furta Somaliya waxay
ahayd arin u baahan go’aan geesinimo leh iyo taageerada dadweyne,
iy ada oo la tix gelinaayo danaha Somaliland kaga xidhan Somaliya iyo
adduunweynaha. Caqliga wanaagsani wuxuu I nafarayaa in la tago
goobaha iyo shirarka lagu kulmaayo si Somaliland ay codkayda iyo
qadiyadayda u soo bandhigto. Hadaba aniga oo soo dhaweynaaya
tallaabooyinka a cusub ee la qaaday waxaan doonayaa in aan soo
bandhigo qodxaha hoos yaala ee dad badan oo ku nool Somaliland iyo
guud ahaan ummadda ku nool konfur Somaliya aysan ka warqabin am a
aysan daraynsaneen holaca dhexyaal Somaliland iyo Somaliya.
Waxay ahayd dhoor maal mood kahor markii
Chris Ramsden oo ahaa
madaxii mashruucii ‘KELT’ ee xafiiskii manaahijta Xamar uu iga
codsaday in aan u raaco Hargeisa si halkaas looga soo furo Xafiis uu
mashruucu leeyahay. KELT Projecet wuxuu ahaa barnaamij British
Councilka uu masuul ka ahaa diyaarinta kutubta afka ingriisiga ah ee
lagu dhigaayo dugsiyada sare iyo tababarka m acallimiinta. Waxay
ahayd in aan Chris raaco waayo waxaan doonaayey in aan soo arko
hooya day iyo ehelkaygii ku noolaa Hargeisa. Markaas oo diyaar ay ii
ahayd waxbarasho dibadda ah o o aan sannadkaa u bixi lahaa Ingriiska.
Aniga iyo ninkii Ingiriiska ahaa waxaan Hargeisa tagnay
24kii Maajo
1988. Waxa ay magaaladu u muuqatay in ay ka nabad badan tahay
sannadkii ka horreeyey. Waayo waxaan xasuustaa In aan ka qaybgelay
bandhig heeso ah oo uu dhigay Faisal Omer Mushteeg laguna soo jeeday
ilaa iyo kowdii habeenimo. Hase-ahaatee hadana waxa mafrishyada
qaadka lagu hadal hayey sheek ooyin badan oo ahaa dhibaatooyinka loo
geesanaayey dadka. Ceebaha dhacaayey ee maskaxd ayda galiweyday waxa
ka mid ahayd in askar ka mid ah ciidanka dalku ay baabuur ka soo
kaxay staan garoonka diyaaradaha oo ay tagaan guri ay ku noolaayeen
gabadh iyo aabaheed
Waxay odayga ka codsadaan in uu dibadda u baxo,
dabadeedna ay gabadha ee halkaa ku fara xumeeyaan. May jirin wax uu
odaygu samayn karay hase-ahaatee waxa uu soo qaatay baang ad uu
dhigtay guriga. Wuxuu damacsanaa haddii ay soo noqdaan in uu
baangadda madaxa kala dhaco. Nasiib darro way soo noqdeen, sidii oo
kalena way sameeyeen, markii odaygii baangadd ii soo qaatay si uu ugu
dhufto ayaa mid arkaayey baastoolad ku togtay. Sheekooyinku waxay
ahaayeen noocaas iyo wax ka daran.
Maalintii arbacadii waxay wasaaradda waxbarashudu qabatay shir ay
ugu talogashay in boodh ka laga tumo dugsiyadii ku yaalay dhinac
xadka oo dhoor sannadood xidhnaa. Waxa shirkaa ka hadlay taliyihii
ciidanka gobolka oo muujinaayey hanjabaad iyo isaga oo sheegay in uu
cagta m arinaayo meeshii lagu sheego qudhmista. Waan gartay in uu
jabhadda la dagalamo ee hase-ah aatee waxa iga dhaadhiciweyday in uu
danbi ka galo dad aan waxba galabsan. Dadka meesha joogaa dhegta
ayaa wada taagnayd wax rajo ahna may qabin waayo waxa heshiis ku
gaadhay Ethiopia iyo Somaliya in SNM halgankooda la joojiyo oo lala
dagaalamo. Maalmaahaana waxa Ha regeisa ka tagay wafdi ballaadhan oo
ka yimid Ethiopia oo si aan la arag loo soo dhaweeyey, xitaa waxa
hadyad loo sii baabuur cusub. Waxa xamar lagu hadal hayey in
SNM ay qaybsantay oo qaarkood ku biireen reerahoodii miyiga qaar kalena ay
Ethiopia u qaadday xadka u dhexee ya Ethiopia iyo Eriteria.
Hargeisana waxay lahayd SNM dhawaan ayay waraaqo soo direen iya ga oo
dadka ka codsanaaya in magaalooyinka laga baxo. Dadku codsigaa dheg
uma dhigin waa yo sannado badan ayay ka dhursugaayeen in ay dalka
xoreeyaan waxna ka ma soo caano caddeyn.
Maalintii jimcihii ayaanu ku baraarugnay in SNM in ay
BURAO
qabsatay. Dadka reer Hargeisa wa xa la moodaayey jinac lagu
joogsaday, xaadda ayaa istaagtay, dibadda iyo suuqyada ayaa loo soo
wada baxay, dhegtana waxa loo taagaayey in la ogaado halka dagaalku
uu maraayo. Waxa magaalada dhexdeeda lagu arkaayey ciidamo
gaardiyaaya oo safsaf u socda, xaggaa iyo barig ana u kacaaya.
Maalintii Sabtidii aniga iyo Mr Ramsden waxaan go’aansannay in aan
Berbera ta gno si aan halkaa uga duulmo. Waxaan u tagnay Abiib oo
ahaa gudoomiyaha waxbarashada ee Gobolka, waxaanu noo sheegay in
wadada Berbera lagu mari karo warqad laga soo qaato taliya ha
ciidamada. Markii taliyihii la raadiyayna waxa la ogaaday in uu
mashquul ku yahay aaskii Cad ceed oo meedkiisii lagala soo cararay
Burao.
Dahir Saleh - Wali Hargeisa lama soo galin
|