WARSAXAAFADEED

Hargeysa, 7 August,2011 (TNN)- “Madaxweyne ku xigeenka JSL, ahna ku
simaha Madaxweyna ha JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil
(Saylici) ayaa maanta Qasriga madaxtooya da ku qaabilay Ergayga
Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Somaliya Mr.
Augustine Mahiga oo shalay galabnimadii Bookhasho ku yimid Dalka.
Ugu horayna Augostine Mahiga waxa uu madaxweyne ku xigeenka soo
gaadhsiiyey Salaan uu So maliland uga sido Xog-hayaha guud ee
qaramada midoobay oo dhawaan ay madaxweynaha JSL, ku kulmeen South
Sudan iyo guddida Golaha Ammaanka ee qaramada midoobay oo uu sheegay
inay labaduba Somaliland ku amaaneen waxqabsigeeda dhinacyada
nabad-gelyada iyo maamul wanaaga.
Augostine Mahiga waxa uu Madaxweyne ku xigeenka uga waramay ujeedada
Socdaalkiisa oo uu sheegay in ay tahay xogogaal u noqoshada xaalada
Guud ee Abaaraha ka jira Somaliland iyo gaar ahaanba Mandaqada
geeska Afrika siiba Soomaaliya.
Mahiga waxa uu ka waramay in ay abaaruhu Mandaqada si xun u
saameeyeen gaar ahaana ay si xun u saameeyeen Somaliya oo
gaadhsiisan heer Macaluul ah, waxa uu qiray in ay abaaruhu ka jir
aan Somaliland laftigeeda laakin aanay gaadhsiisnayn heerka Barakaca
iyo Macaluusha gaadhay ee Soomaaliya,
Augostine waxa uu carabka ku dhuftay in ay kooxda hubaysan ee
Argagixisada ah ee Al-shabaab ka bexeen Magaalada Muqdhisho isaga oo
sheegay in aanu fahmi Karin sababta ay uga baxeen inay tahay sida ay
sheegteen mid xeelad dagaal ah iyo inay jabeentoona balse uu sheegay
in ay ha adan magaalada Muqdisho faaruqiyeen.
Augostine Mahiga waxa uu Somaliland ku amaanay sida ay uga
gaashaamatay abaaraha iyo Argag ixisada labadaba, waxaanu uga digay
in ay kooxdaa Al-shabaab ee ka baxday Muqdisho saamayn ku yeelan
karto, isaga oo sheegay in ay Somaliland ku kalsoon yihiin sida ay
had iyo jeer uga gash aaman tahay ama difaaca ugaga jirto la
dagaalanka Argagixisada, Budhcad badeeda iyo Abaaraha intaba.
Augostine Mahiga waxa uu Somaliland ku amaanay sida ay shacbi iyo
dawladba isaga kaashadeen in ay abaarihii dhawaan sida xun u
saameeyey gacantooada kaga adkaadeen oo ay maalkooda iyo muruqooda
isugu geeyaan inay samata bixiyaan dadkoodiii ay abaaruhu saameeyeen
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa isaguna waxa uu dhiniciisa si
faah-faahsan uga waram ay xaalada guud ee dhaqaale, iyo siyaasadeed
ee Somaliland, Madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku nuuxnuuxsaday sida
ay abaartu uga jirto Somaliland waxaanu sheegay inay jiraan dad ay
abaart aasi si xun u saamaysay.
waxa kale uu madaxweyne ku xigeenku tilmaamay in ay Somaliland
joogaan dad ay xoolihii ka ba xeen bilowgii xiligan abaarta kuwaas
oo u baahan in dib loo xooleeyo.
Waxa kale oo uu sheegay in ay jiraan bara kacayaal ku soo qulqulay
Magaalooyinka ay abaartu dabada ka wado gaar ahaan gobolada bari ee
Somliland kuwaas oo u baahan in iyaguna gacan loo gaysto.
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in ay abaartu raad muuqda
kaga tagtay Somaliland welina ay jirto meelo fara badan.
sidoo kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku tilmaamay cabsida taagan
ee biyo la’aanta iyo A baarta ay ku hayso Somaliland, taas oo uu ugu
baaqay Augostine mahiga iyo Beesha Caalamkaba in ay gacan ka
gaystaan oo ay si dhakhso ah inta aanay imanin abaar la mid ah oo
gaadhsiisa heer ka ay maanta Soomaaliya marayso.”
Afhayeenka Madaxtooyadda ,
Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
|