Waxa intaa noo dheerayd hanuunin joogta ah oo aanu shaqaalaha ku haynay oo ahayd in wasa aradda la wada leeyahay isla markaana wakiil looga yahay dadweynaha iyo dawladda. Waxaan u ku disnay mabaadiida wada-lahaanshaha iyo war-wadaagga.Intaa yar ka dib waxaanu bilow nay in aanu nadiifinno wejiga hore ee Wasaaradda oo aanu ka rarno buulashii yar yaraa ee foo sha xumaa si aanu u muujinno quruxda qarannimada iyo dawladnimada. Intaa ka dib waxaanu qandaraas la gallay shirkadda Daryeel si ay dhagax qoran u geliso wajahadda Wasaaradda. Boqol mitir ayaanu gelinnay dhagaxii
qornaa, annaga oo qorshaysannay in aanu ku darno alba ab saddexaad
iyo 87 mitir oo kale oo dhagax qoran ah, hawshaas oo aanu hirgelin
lahayn bal se aanu waqtigu nagu simin. Waxa intaa noo raacay in aanu
qorshaysannay in aanu waddada laa mida iyo dayrka Idaacadda inta u
dhexeysana dhagax qoran dhulka dhigno. Waxaanu ku guulay sannay in
aanu tobankii mitir ee ugu horreeyay dhagaxaa qoran dhigno. Hawshan
fulinteeda waxaanu uga mahad-celinaynaa dad door ah oo uu ka mid
yahay mulkiilaha shirkadda Al-nuur. Tallaabadii taa xigtay waxay ahayd dayac-tirkii iyo qurxintii dhismaha Radio Hargeysa oo qaybo ka mid ah aan ilaa 1953kii waxba laga qaban, oo weliba duqayntii Hargeysana uga danbeysay. Waxaanu ku guulaysannay in aanu dhismahaa dhammaanti gudaha dib uga hagaajinno, albaabbada ka wada beddello oo qaar saag ah aanu gelinno. Waxa kale oo noo hirgashay in aanu markii ugu horreysay dhulka oo dhan dhigno mar mar. Intaa kagama aanu hadhin, bal se xafiisyada Radio Hargeysa oo dhan wixii qalab yaallay waanu ka beddellay oo mid cusub ayaanu dhignay.
Inta aanan ka bixin qaybta Idaacadda, waxa noo suurto-gashay in aanu soo dejinno, rakibno is la markaanu hawl-gelinno Idaacaddii cusbeyd ee muddada dheer loo sid-tirinayay. Hanbalyadee dii iyo bogaadinteedii meel walba waa ay nagaga timid, hor-dhaceedii ma aanu heensanne, waa nu idiiin hanbaynay oo maalinta wan-qasha ayaad ka durduuran doontaan. Waxaanu ku guulay sannay in aanu Idaacadda cusub u soo iibinno mishiin cusub oo korontada ah oo 400 oo kva ah, iyada oo ay hore u yaalleen dhowr mishiin oo kale oo is-nasiya Wasaaraddana ka faro badani. E-mailladii (3/9/12ka) noogu danbeeyay waxay soo weriyeen in laga dhegaysanayay: Finland, Japan iyo Australia. Waxay nagu soo hanbalyeeyeen in ay ku faraxsan yihiin mowjadahaa hira rka gaaban ee hawada ku soo noqday iyaga oo ka maqnaa tan iyo 88kii. Waa mid ka mid ah ta allooyinka aanu taagistoodii qaybta libaax ka qaadannay. Qaybta telefishanka, markii ugu horreysay ayaanu “live” ka dhignay oo ay noo suurto-gashay in aanu toos hawada u gallo markii loo baahdo. Kharash iyo tamar aan la qiyaasi karin ayaa ku baxday. Waxa kale oo aanu ku guulaysannay in aanu dalka Holland uga soo iibinno qalabka iftii minta iyo makrifoonno miisaankoodu dhammaa 120kg oo uu naga caawiyay Muwaadin Axmed Xaaji Barkhad, Ilaahay isagana ha ka abaal-mariyo e’. Markii aan xilka wareejinayay, waxa ka socday wasaaradda mashaariic
qiimo iyo qaayaba leh oo ay maal-gelinayso Hay’adda USAID, waxaana
fulinayay hay’adda DAI, mashaariicdaas oo ku kacaysa lacag dhan
380,000. Ma aha mashaariic la filayo, bal se waa qaar socday,
waxaanay u kala baxayeen: • Agabka ammaanka ee kamiradaha iyo digniinta (alarm) iyo
dab-demiska oo ay ku baxayso lacag dhan 40,000 oo Doollar,
|