Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii: Laba Isku Lammaanaa. Qormadii
9-aad Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale
Qormadii: 9aad
Badanaa sabab la’aan uguma tegi jirin Madaxweynaha, marka aan muraad
u yeeshana had dii ay cidi noo faq-deyn weydo, waxaan dhaqan u lahaa
in aan codsado oo cidda la joogat ku idhaahdo: “Hawl ayaan u socday
e’, Odeyga noo yar kala baxa.” Waxaan u malaynayaa in habeenkaasi
ahaa kii saddexaad ee aan sidaa codsado. Inta badan Xildhibaanno
ayaan ka dhammaan jirin. Madaxweynaha, dan gaar ahaaneed, shaxaad
iyo waxyaabo la mid ah weligay ugu ma tegin, Dan guud waxaan ahayn
ulama tegin, inta la igu ixtiraami jirayna inta as ayay ahayd, sida
aan is-leeyahay. Saacadda ma eegi jirin, laakin inta badan ilaa 20
daqii qadood kama badsan jirin oo in aan daaliyo ama aan waqti ka
qaado ma aan jeclayn.
Cagtaydu kuma ay badnayn,
kamana maqnaan jirin si aan la isugu kaayo dhufan. Qof aan I daa
odhan weligay anigu xidhiidhka kama goosan, waaba se Madaxweyne.
Habeen habeen ayaan ugu tegi jiray maaweelin iyo xusuus. Aad ayuu u
qosli jiray oo mararka qaarkood aan ka baqan jiray in uu qosolka
dheer ee aan kala go’a lahayn ku saxdo oo wax ku noqdo. Wuxu ugu
fiican yahay mararka uu kelida yahay.
Madaxaweynaha anigu dhawaan ma aan baran. Waxaan aqaannay tan iyo
waqti ku sinnaa 1976kii. Gurigii ummadda ee u ahaa Xarunta Xisbigii
Hantiwadaagga ee Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) ayaanu ka wada
hawl-geli jirnay. Fadhiyo iyo kulammo kaleba waanu isugu iman jirnay,
gaar ahaan xilliyadii la aloosayay halgankii hubeysnaa ee
dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Guri iyo xafiisba
waanu ku kulmi jirnay. Tan iyo 1984kiina SNM ayaanu ku wada jirnay
oo weliba kaalin-hoggaamineed kaga wada jirnay. Tan iyo 1991kii
markii dalka la xoreeyayna ma aanu kala maqnayn ee si’ aad u dhow
ayaanu u wada xidhiidhi jirnay ama iskaga war haynayba. Aqoontaas
dheer ayaanu isu leenahay oo aan ku garanayo shakhsiyaddiisa dhabta
ah is-na ku garanayaa qofka aan ahay.
Shaqaalaha wasaaradda cidi kama war hayn, anigana wax la igama
weydiin jirin. Cid kale ayaa hawshaa u qaybsanayd. Shaqaalaha
Wasaaraddu wuxu gaadhaa ilaa 375 qof, haddana waxa Madaxtooyada
barriinsaday ee laga war-qaataa waa ilaa lix qof oo aan hawlahoodaba
ka adkayn oo miciin biday in ay wasaaradda xeyndaabkeeda ka baxaan.
Cidi wax ma weydiiso boqollaalka kale ee daacadda ah ee hawlahooda
ku foogan. Mararka qaarkood ayaanu Madaxtooyada dalab u soo samayn
jirnay, markaasaa naloogu jawaabi jiray uma baahnidin. Marka aanu
sababta weydiinno si badheedh ah ayaa naloogu odhan jiray hebel baa
noo yimid oo noo sheegay ama injineerkii ayaa sidaa yidhi. Waa
dhaqammadii inta xero-weydaarka noqotay.
Kooxdaa Madaxtooyada ku xidhnayd sas iyo sakati ayay ku beereen
wasaaradda iyo dadka ka hawl-galaba. Dadkeenna waad iska taqaannaan
oo marka la yidhaahdo kooxdaasi Madaxtooyada ayay ku xidhan tahay
cabsi ayaa meesha timaadda. Kooxdan xero-weydaarka ah ayaa mararka
qaarkood laga yaabaa in ay shaqaalaha qaarkoodba ugu hanjabaan in ay
eryi doonaan, sida ay ahayd xanta wasaaradda lala meeraysanayay.
Xaalado caynkaas ah oo aan loo dul qaadan karin ayaa iska abuurmay
oo weliba dhiirri-gelin helay. Wasaaraddu hanti aan qof ahaan anigu
lahaa ma ay ahayn. Hanti Qaran iyo hanti ummadeed ayay ahayd,
haddana dhaqanku wuxuu ahaa sidii wax ay reer Aw Yuusuf Ducaale
leeyihiin oo aniga la igu xumaynayo Marar badan ayaan is-weydiiyay
sababihii la ii magacaabay kolka horeba..
Diidmooyinka iyo hor-joogsiyada
aan maamulka kala kulmayay waxaan u arkayay in la doon ayo in aan
anigu fashilmo, balse waxaanay kuwaasi ogeyn oo aanay dareensanayn
in hay’a d Qaran oo ummadeed fashilmayso. Beryihii danbe waxaan
xaqiiqsaday in ay sii joogistaydu hagardaamo ku noqonayso sii
socodka hawlaha, maa daama taakuleyntii ay wasaaraddu u baahnayd ay
qof ahaantayda ku waayayso.
4/8/2012ka: Waa Sabti oo waa tii aanu xalay Odeyga la joognay.
Subaxnimadii hore waxa igu soo kallahay nin la yidhaahdo
Cabdilcasiis Aadan Habbane oo loo yaqaanno ‘Siisto’. Wuxu ii sheegay
in uu ergo yahay oo uu ka socdo Wasiirka Madaxtooyada Mudane Xirsi.
Wuxu ii sheegay Cabdilcasiis in uu Mudane Xirsi iga duubay hadallo
aan tilifoonkayga kaga hadlayay oo isaga liddi ku ah. Sidaa darteed
wuxu iga codsaday Cabdilcasiis in aan oggola ado in aan daw-bixiyo
Mudane Xirsi oo haya faro ama ’iksibidh’ (exhibit) aanan dafiri
karin. Wuxu intaa iigu daray in uu maanta Mudane Xirsi kula ballamay
xafiiskiisa Madaxtooyada si uu cajaladdaa uu iga duubay u maqashiiyo.
Intiiba waan ka oggolaaday, waxaanu ii raaciyay marka uu
Madaxtooyada ka soo noqdo ee uu cajaladdaa soo dhegaysto in uu I soo
mari doono. Wuxu igu soo noqday ilaa kow iyo tobannadii, waxaanu ii
sheegay in uu cajaladdii wax ka soo maqlay oo aanay firaaqo badan
Xafiiskii Xirsi ku helin. Aniguna waxaan ku idhi marka aad ballanta
soo xidhaan daw-bixiye ayaan ahay. Aniga hadalka la iga duubay
haddii uu jiray iyo haddii aanu jirinba, dhibaato iguma hayn. Bal se
waxa aan aad u dhibsaday tilifoon aan ku hadlayay cidda
xalaalaysatay in ay duubato, oo weliba markan ah cid Madaxtooyada
Somaliland mas’uul ka ah. Xuquuq dastuuriya oo aan muwaaddin ahaan u
lahaa ayaan xaqiiqsaday in lagu gabbood-falay oo weliba ciddii
ilaalin lahayd aanay dhowrin.
Waxaan xaqiiqsaday jabkii iyo
burburkii halgankii ka dhacay in aan waxbaba lagu qaadan oo
dhaqannadii nidaamkii Siyaad Barre weli taagan yihiin. Waa markii
iigu horreysay ee aan ma qlo nin Wasiir ah oo ku dacwoonaya waxaan
wasiir kale ka duubay ayaan soo bandhigayaa, ee ha laga gar-naqo.
Saaxiibkay Xirsi gogoshaas iyo ballantaas midna ma dhigan. Ilaa maan
ta waa ay taagan tahay. Aniguna waxaan aamminsanahay kol haddii uu
wasiirku yidhi was iir kale ayaan wax ka duubay in aanay duubistaasi
keligay igu koobnayn, bal se ay faro bad an tahay meelo badan oo
kalena gelayso.
Waqti ay saacaddu ku beegnayd ilaa 10.00kii saacadood ee barqannimo
ayaan tagnay Xaf iiska Wasiirka Madaxtooyada, halkaas oo aanu kaga
wada-hadallay sidii loo maareyn lahaa arrimihii taagnaa oo ay ka
midka ahayd sidii Xasan Maxamuud dammiin loogu soo deyn laha a.
Annaga oo sidaa Mudane Xirsi maalintaa mowduucaa uga wada-hadlayna,
ayay Agaasim ayaashii u soo warrami jiray qaarkoodna la ii sheegay
in ay joogeen xafiiska Xisaabiyaha G uud oo ay ka raadinayeen
waraaqo ay Xasan Maxamuud ku soo eedeeyaan. “kala haab”, ma maqli
jirteen!
(La soco……………………………..)
|