Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii: Laba Isku Lammaa naa. Qormadii: 6-aad. Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale

 

 

Madaxweynaha intan hoos ku qoran ayaan u soo jeediyay si aan xilalkayga u qarqoo rto oo waxyaabaha la igula xisaabtamayaa iigu caddaadaan, muranna aanay u gelin, si aan la iigu xad-gudbin aniguna aanan cidna ugu xad-gudbin:


Draft proposal

Portfolio of the Minister of Information

To run the affairs of the Ministry of Information including its five departments:

Radio Hargeisa,
Somaliland national TV,
Dawan Paper,
Somaliland News Agency,
Training and Planning Department,
This includes statements concerning governments internal and external communications,
This does not include specific issues mandated under the Presidency and each Ministry,

To manage press releases and statements on behalf of the government,

To manage any other affairs as deemed appropriate by the Office of the Presidency inclu dng the coordination of activities relating to regional affairs,
To coordinate with the activities of the non-state actors and other social groups,
To manage and collaborate with private media both national and international,
To draft media standards and laws to effectively govern state and private media activities and relations in collaboration with the Social Affairs Sub-committee of the House of Representatives, passing them to the council of Ministers for approval,
To manage and appoint ministry and state media representatives for overseas and internal missions,
Only at the request of the office of the President to review any and all statements,
To be the official spokes-person of the government of Somaliland,



Muddo yar ka dib, bil ammaara markii wefdigii Madaxweynuhu ka soo noqday Dubai, ayaa si rasmiya warqaddan kore ee qabyada ah oo Madaxweynuhu saxeexay la I sii nayaa. Waxa la I siiyay iyada oo af-soomaali loo tarjumay oo saxeexan oo lambarkii ‘borotokoo lka’ leh oo Madaxweynuhu saxeexay. Is-beddelka keliya ee lagu sameey ay wuxu ahaa in af Soomaali lagu tarjumay. Halkan haddii aan idiin ku soo daabici la haa waqti iyo meelba waa ay iga qaadanaysaa. Qodobka 9aad ee Af-hayeennimada ayaa wax laga beddelay oo waxa laga dhigay wax u eg in aan “xukuumadda daafaco marka loo baahdo.”

Waxba ma aan dhibsan oo Af-hayeennada xukuumadda ayaa iska badnaa kolka horeba. Curfiga caalamiga ah lama raaci jirin ee wax aanad garanayn oo qabyaalad ku fadhiya ay aa jawaabaha loo cuskadaa. Qof haddii uu xukuumadda wax ka sheego waxa loo dalbadaa Wasiirka ama Suldaanka reerkooda. Waa wax caynkaas ah oo isku cayn iyo beyd go’an. Dadka iska dhigaya in ay xukuumad daafacayaan wax ma soo qortaan ee sida dhaqanku yahay inta ay iska soo toosaan ayay iyaga oo aan ku talo-gelin qaybo saxaafadda ka tir san u yeedhaan, markaas ayay waxay doonaan ku hadlaan.

Saxaafadda qaybo ka mid ahina iyaga oo aan u diyaargaroobin oo aan macluumaad ku fil an sidan ayay goobta iman jireen. Hoosta waxaan ka odhan jiray: “Ilaahow colkayaga col ku furo.” Haddii aad Wasiirka Warfaafinta tahay uma baahnid in aad hadashaba. Dad hee gan ah oo darban ayaa hilimmada Madaxtooyada hoganaya oo sugaya oo keliya in la dal bado. Dadkii qaarkii meherad ayay u ahaydba.

Maalin maalmaha ka mid ahayd ayaa la igu soo kediyay oo la igu yidhi: “Miyaanad cidna u jawaabayn. Hebel baa hadlay, hebel kale ayaa hadlay iyo waxyaabo la mid ah.” Maalintaas ayaan idhi: “Bal kan ugu danbeeyay aniga ayaa u jawaabaya e’ ha la ii daayo.” Galabnimadii aniga oo guriga jawaabtii ku qoraya oo boggii labaad maraya, ayaa TV-gii waxa soo galay mid ka mid ah La-taliyayaasha Madaxweynaha.

Ninkii aan idhi aniga ayaa u jawaabaya, ayuu u jawaabay aniguna halkii ayaan qoraalkii ku joojiyay. Waxaan xusuustaa berri oo kale oo Khamiis ahayd ayaa arrintii lagu soo qaaday Golihii Wasiirrada iyada oo aniga la igu eedaynayay in aanan cidna u jawaabin. Aniguna waxaan isku barraxay: “Haddii cid kale oo dhami aammusto, aniga ayaa jawaabaya.” Madaxweynuhu arrintaa wuu ku qancay, waxaanu yidhi hadal u ekaa Boobe xilkaa wuu ka soo bixi karayaa. Bal yaa se aammusinayaa dadkan wada diyaarka ah.


Tilifoonnada lagaa qaban maayo.

Wasiirradan aad xilalka wadaagtaan qaadi maayaan lam barkaaga iyaga oo garanaya in badanna Wasiirradu si rasmiya iyo si dadbanba waa ay u ga cawdeen arrintaa foosha xun leh ee curyaaminaysa Golaha iyo wada-shaqayntiisaba. Ninba cid baa ugu daran/darney d, anigu se inta ayaaman ayaan ku jiray runtii. Haddii la ga tegi waayo waxa iigu xumaa o o markii danbe aan iska daayayba Samaale iyo Maxamed Cabdillaahi Cumar. Beryihii danbe waxaan is-odhan jirayba malaha waxay moodayaan in aad shaxaadayso. Weliba, Samaale ayaa ka fiicnaa Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Tilifoonnada aan diro ee sida joogtada la iiga qaban jiray waxay ahaayeen: Marwada Mad axweynaha, Mudane Xirsi Xaaji Cali, Mudane Maxamed Carraale Duur, Mudane Sacad Cali Shire, Xoghaynta Madaxweynaha iyo dhowr Wasiir oo kale oo aanan aad u garaaci jirin.

Intaa aan soo sheegay qabashada waxa u dheeraa in ay igu soo celin jireen haddii ay ma shquul yihiin, abaalna waan ugu hayaa xaq-dhowrkaas. Wasiirrada aanan magacaabin ma aha in aan eedeynayo intooda badan. Waxa intaa ii dheeraa in uu Madaxweynuhu marka uu ii baahdo tilifoon igu heli jiray, aniguna mar kasta oo aan u baahdo ku heli jiray. Madaxweynaha Xafiiska iyo gurigaba marka aan u baahdo waan kula kulmi jiray, in kasta oo aan kulammada guriga door-bidi jiray. Waa ay ka deggenaayeen, jaanta iyo jabaqduna waa ay ku yaraayeen. Mahad iyo abaalna waan ugu hayaa isaga iyo intii ii fududayn jirta yba. Mar kasta buugga, qalinka iyo muraayadahaba diyaar ayuu la ahaa. Arrintan waxya abo door ah ayaa u sabab ahaa.

Malaha waxaydin odhanba: “Sow tan ninkii la mustafeeyay.” Xaasha! Ballan-qaadka ayaa ahaa in aan runta iyo wixii dhabta ahaa ee jiray idin ku haasaawiyo.

Dadku waxay aamminsan yihiin in xilka la iga qaaday maalintii warqadda la ii qoray oo aha yd 29/8/2012ka. Xaasha! Waa ay ka horreysay. Tahan iyo wax badan ayay ka horreys ay.

18/6/2012ka oo maalin Isniin ah ahayd, xilli galabnimo ah ayuu I soo garaacay nin aanu aad saxiibbo u nahay iyo weliba tilifoon-wadaag waayaha iska wareysata. Wuxu ii sheeg ay in Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta maanta la beddelay. Hadda waa warkii mefrishyada oo ka warramaya xaalado rasmiya oo ay ahayd in aanu wada-tashi ka gallo. Waa waxyaabaha ii iftiimiyay in aanan xilkii Wasaaraddaa si buuxda u wada haynin.

Waxan aan qorayaa cay iyo af-lagaaddo midna ma aha ugamana jeedo. Bal u fiirsada wax yaabaha aad ku sheekaysataan, ku hadaaqdaan, mefrishyada kaga haasawdaan ee aad makhaayadaha ku gorfeysaan. Bal u fiirsada luqadda aad ku hadashaan iyo siyaabaha qa awan ee aad wax u faallaysaan. Aniga taydu waa ay ka duwan tahay taas

oo taagtayda waxaan is-leeyahay aad wax ku saxdid. Waxaan doonayaa in aan idiin muuji yo in aynu qalinka iyo ereyga wax ku sixi karaynno. In kasta oo intiinna badani qormooyin kan xiisaysaan, waxa kale oo jira dad ila soo xidhiidha oo igula taliya in aanan waxaba qori n. Waxay igu yidhaahdaan tilifoon iyo e-mailba qaranniamada ha qaawinnin. Waxaan is-w e ydiiyaa kuwa boobka iyo gabbood-falka joogtada ah ku haya hantida iyo xeerarka dalka in ay la hadlaan iyagana iyo in kale. Iyagana waan u mahad-naqayaa, aniga se sidan ayay ii la ekaatay. Sharku haddan dabar iyo seeto loo yeelin, meel uu ku joogsado ma yeesho.



(La soco…………………………………….)