Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii: Laba Isku Lammaanaa. Qormadii 10-aad Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale

 




Qormadii: 10aad


Haa….Show ilaa cabbaar waa aynu kala maqnayn. Qormadii 9aad iyo sidii aad u aragteen. Dhacdadii shalay ku soo noqo iyo duubisteedii. Waa meelaha muranku ka taagan yahay. Intiinna badani waxaad jeceshihiin in taxanahani sii socdo. In yar oo inaga mid ah oo aan weli go’aan qaadani waxay door-bidaysaa in la yar hakiyo. Inta hantida qaranka iyo boobka ku mamtay ee laasintay, taxanahan ma arki karto, aniguna macmiil ayaan leeyahay oo kuwaas iyo rabitaankooda ayaa I khuseeya. Kuwaas ayaan u dabranahay. Iyaga cid aan ahayn uma heellani.


Gaarriye, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, miyaanu odhan:

“Codkii dadka baahan,
Caroogga saboolka,
Adduunka ku ciillan,
Anaa cudha haysta,

Anaa Cabdillaahi,
Wargeys u ah caydha,
Caloosha danleyda,
Anaa cabbiraaya,

Anaa carrabkayga,
Xammaalku cabbaayo,
U-diiday Cir-weyne,
In aan ku casuumo,”


Bal hadda arrinta u fiirsada. Labadan docood ee soo socda ayaad u kala bixi kartaan: Nin ku andacoonaya in uu qof mas’uul ah wax ka duubay oo cabanaya kuna andacoonaya in laga xa al-mariyo. Nin kale oo xuquuqdiisii Dastuuriga ahayd lagu xad-gudbay oo isaga oo aan ogeyn wax laga duubay oo kii eedda ka galay xaal-marin iyo garawshiiyo ka rabo. Bal hadda akhriste labadaa dhinac mid is-taag. Sheekada oo dhami waa intan. Waa xaq iyo baaddi. Waa gar iyo gardarro ee mid garabka saar, Ilaahayna sidaas ayuu kugu abaal-marin doona Kuma ayay tahay in uu aammuso oo dhunto? Aammus maanta inoo ma bannaana ee waa in aynu ka dul eedaannaa kuwa ugu dhaadheer buuraheenna oo dhawaaqa meel walba gaadhsiinnaa.


Cabdilqaadir Xirsi oo loo yaqaannay Yam-yam ayaa beri tiriyay maanso la magac-baxday ‘Dh uux-tagoogo.’ Ibraahin sheikh saleebaan oo loo yaqaannay Gadhle ayaa ku jawaabay tixda la magac-baxday ‘Tuhun-reeb’ oo tuduc ku jiray ahaa:

“Tuug waa is-qariyaa,
Halka uu ka xado tulud,
Tahan buu ka guuraa,
Toddobaadkan Xaajow,
Mid tiriig sitaa yimid.”

5/8/2012ka: Waqti ama xilli ay saacaddu ku beegnayd ilaa 2.00 saacadood ee duhurnimo, M axkamadda Gobolka ayaa Xasan Maxamuud ku soo daysay dammiin uu ilaa maanta dibadda ku joogo, xilkiisiina uu kaga maqan yahay. Xasan Maxamuud waxay ahayd in la soo eedeeyo oo xilka laga qaado, ama sharaftiisa loo soo celiyo oo xilkiisiina loo dhiibo. Ilaa maantadaa aynu joogno kiiskaasi waa uu furan yahay oo Hanti-dhowr dacwaddii xidhay ama gebagebeeyay m a jiro. Bal is-weydiiya waxa Hanti-dhowrkaa loo soo diray ee uu ilaa maantada aynu joogno hawshaasi u laalan tahay. Waxay Wasaaradda soo galeen 30/7/2012ka. Ma Xasan Maxam uud ayuun baa shaqada laga joojinayay, mise Wasaaradda ayaa dhab ahaan loo baadhayay.


6/8/2012ka: Waa maalmihii ay Marwada Koowaad ku maqnayd London. Maa daama ay Rama daan ahayd, macaankayga oo hoos u yar dhacayana aan dareemay, xilli ku beegnaa ilaa 12.00 saacadood ee duhurnimo ayaan gurigaygii tegay. Maalmahaa indhaha saxaafaddu wax ay ku jeedeen wada-hadalladii Xaglo-toosiye ee Oog ka socday. Malahayga markii aan saacad badhkeed joogay gurigii ayaa wiilkayga Diiriye ii dhiibay tilifoonkaygii oo soo dhacay. Waan qabtay. Mise waa Madaxweynihii oo yar kacsan. Si deggan ayaan ‘haloo’ u idhi.

 Madaxweynuhu wuxu igu yidhi, waa maxay waxan la sheegayaa, ma ninkii (Xasan Maxamu ud) la baadhayay ayaad shaqadii ku celisay? Aniguna ma Xasan Maxamuud. Iyo haa. Intaa ka dib ayaan u sheegay in uu xafiiska u yimid si uu mushaharkiisii u qaato. Ka dibna Madaxweyn uhu wuxu igu yidhi inta baadhistu socoto, shaqo ma qaban karo.

Sida aan wedkayga u hubo ayaan u hubaa in aanu Madaxweynuhu arrintan isagu dabo socon, bal se inta ku dhow ee uu aamminay ay dhaqammadan xeyndaabka qarannimo iyo madaxnimo ka baxsan iyagu ula imanayaan, halkii ay karaamadiisa, sharaftiisa iyo ta Qarankaba ka dhow ri lahaayeen.


Xasan Maxamuud maalintaas ilaa 11.30kii ayuu xerada Idaacadda yimid, Madaxweynuhuna w uxu ila soo hadlayay saacad ka dib. Bal ka warrama! warka laga diray Idaacadda ee Madaxw eynihii gaadhay ee uu ila soo hadlay. Intaan is-yar taagay ayaan maskaxda ka yar shaqays iiyay, daqiiqadna iguma ay qaadan in aan suureeyo sida wax u dhaceen iyo sida ay wax isugu xidhmeen. Lambarka Madaxweynuhu igala hadlayay waan garanayay, cidda leh waan garana yay, qofka markaa gacanta ku hayayna waan garanayay. Raxantii Madaxtooyada ku xidhnay d mid ka mid ah oo aan hebel u garanayo ayaa tilifoon diray, kii ka qabtayna Madaxweynaha ayuu warkii u sheegay. Ninkan madaxweynaha warka gaadhsiinaya inta Idaacadda joogta qof keliya ayuun baa la hadli karayay, run ahaantiina kii baa la hadlay. Waa intaasba sida aan aa mminsanahay ama ku suureeyayba. Lambarkii ayaan ilaa saddex, afar jeer dib u garaacay, w aana la iga qaban waayay. Lambarkaa dhakhso ayaa la iiga qaban jiray oo waa tii aan ka mah ad-celiyay, saranseerkani se wuxu dhacay intan lagu jiray hawl-galka TV-ga lagaga jarayay Wasaaradda Warfaafinta sababao dhaqaale awgood. Sidaas ayaan ku xaqiiqsaday qofkii mar kaa gacanta ku hayay.

Qofka aan ka hadlayo intii aan karayay ee aan aniguna ku sarriiganayay idiin sawiray e’ aan ku soo xidho weedhaydan murti-dhaadhigii af-maalka waddaniga ah ahaa ee Cabdi Iidaan Fa arax, naxariistii Janno Alle ha ka waraabiyo e’, xaaladdahan oo kale wuxu odhan jiray: “Anuu daaha kama rogin, dadku se waa yaqaannaa.”


Halkaa sheekada u dhaafi maayo oo waa tii aan hordhacaygii ku ballan-qaaday in aan sarriig an doono.
 



(La soco……………………..)