Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii: Laba Isku Lamaanaaa Qormadii: 11-aad. Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale

 

 


Hal ducasho iyo dihasho ku yimid oo aan halacsaday shalay, ma yar haadiyaa? Bal ka warram a xukuumadda hadalka u hollatay ee Sayid-gaab ka hillaac is-tidhi, Haatufna ka hoor, hungo qaawan in ay tahay, miyuu hadal ka joogaa. Aan tixdii ‘Daahyaley’ tuduc uga baadhno oo nidh aahno:
 


“Doqon yahay maseyrkiyo,

Danni lagu abuuree,

Deeqdii Ilaahay,

Deel-qaaf ka mudataay,

Adigiyo Dangaladaa,

Da’ kastoydin qooqdaan,

Waxa aydin dihataan,

Daratiyo ma caal baa,”

Akhristayaashayda sharafta leh ee dadka iyo dalkaba kalgacalka u haya iyo inta qarannimada danaynaysaba, waxaan marti uga ahay in aanay cidna u jawaabin. Innagu majare cad oo ay nu danta guud ku daafacaynno ayaynu haynaa, kaas ayaa la inaga leexinayaa. Innagu qof u ma jeedno, qolo uma jeedno, gobol uma jeedno. Waxaynu u jeednaa inta dal iyo dadba xumay naysa. Sidii ku jirtay maansadii Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganay) ee Deelleeydii ka midka ahayd ee “Ka dartaye ma dibi baa” aynu nidhaano:

“Dalka kii xumeeyow,

Degdeg oo ha noolaan,”



Anigana Ilaahay intan ha iga dhaafo, qalinkeennaba ma geyaan e’.

Sow tii Mujaahid Macallin Gaarriye intii aanu hoyan inala sii dardaarmay ee inagu lahaa:

“Majaraan hayaa,

Duul hore u maray,

Ay mahadiyeen,”



Waxaan idin ka codsanayaa in aydaan leexan ee toobiyaha iyo tubta toosan haysataan. Intaa kore ee aan idin ka adeegsaday xagga danbe ayaan idiin kaga kabayaa, raalli ahaada.



Sheekadii ku soo noqo iyo taxanaheennii.

Xaaladda oo sida u laba-legdaynaysa ayaan 11/8/2012ka hawl ugu ambo-baxay Juba, xaru nta Koonfurta Soodaan. Habeennimadaa aan baxayay Agaasimayaasha oo dhan Hotel Maans oor ayaan casho ugu sameeyay oo kula sii dardaarmay. Xilkii Wasaaraddana waxaan kaga sii tegay Agaasimaha Guud. Xertii Madaxtooyada ku xidhneyd ayaa isku maaweelin jirtay inta uu maqan yahay ayaynu wax walba beddelaynaa.

Warbixinta Juba: 12-15/8/2012ka

Lagama yaabo in badan oo idin ka mid ahi in ay xiiseyso sheekada Juba, bal se aan idiin ka dh aco. Dhinac kale ayaynu iska taagaynaa qaababkan dalka iyo dadkaba loo hoggaamiyo. Waab-hawleed (Workshop) saddex maalmood ah ayaan u tegay oo lagaga doodayay mowduu ca ah: Koonfurta Soodaan maxaa lagu aqoonsaday ee Somaliland loo aqoonsan waayay? Si wanaagsan oo hagrasho lahayn ayay xukuumaddu ii sii mabo-bixisay, waanan uga mahad-celi nayaa.

Mowduucaas ayaanu ka hadlaynay. Somaliland saddex qof ayaanu ahayn:

Ladan Caafi (aqoonyahan Soomaaliyeed) oo ka hadlaysay taariikhdii Somaliland intii 1960kii ka horreysay,
Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlayay taariikhdii Somaliland: 1960kii-1991kii,
Aadan Xaaji Cali oo qaatay: Sababaha aqoonsiga aan loo helin,,

Waxa xusuus gaar ah mudan oo aan halkanna uga mahad-celinayaa Cabdillaahi Maxamed Duc aale oo xilal wasiirnimo oo badan soo qabtay oo madashaa dood hodan ah kaga qayb-galay. Run ahaantii wax badani nooma suuro-galeen la’aantiis.

Aqoonyahanno kale oo caalamiya ayaa nagala qayb-galay doodda, waxaana madasha laga s oo jeediyay waraaqo (papers) la falanqeeyay oo marka danbena buug ahaan u soo bixi doona dabayaaqada sannadkan.

Dal cusub oo ugub ah ayuu ahaa. Dal hodan ah oo dagaallo rigeysteen dibudhac badanina ka muuqdo. Laakiin rajo badan ayaa taallay. Jaaliyad reer Somaliland ah oo ilaa 200 oo qof gaa dha ayaa ku sugneyd oo intooda badani shaqaysata. Waxa kale oo deggen jaaliyad reer Soo maliya ah oo aad u faro badan.

Waa meel u heellan Somaliland bal se la dayacay. 15/8/2012ka ayaan ka soo dhoofay. Bal se intii aanan soo bixin waxa ii suuro-gashay in aan la kulmo laba wasiir oo kala ahaa: wadaWasiirka Warfaafinta iyo ka Arrimaha Dibadda oo ka danbe aanu isku gacan-qaadnay qolka martida ee Madaarka Jubba.

Maaalintaa mar ay saacaddu ku beegnayd ilaa 12.00 saacadood ee duhurnimo ayaan Wasiirka Warfaafinta, Mr. Benjamin kula kulmay xafiiskiisa. Si wanaagsan ayuu noo soo dhaweeyay oo aanay jabhadnimadii ka madhnayn. Biyo ayaa na loo soo dhigay iyada oo loo yeedhay raxan TV-ga ka socotay. Waanu isa salaannay, ka dibna fadhiisannay. In yar ka dib ayaan la soo qa aday Addis-ababa iyo goobihii Mujaahidiinta labada Jabhadood ku kulmi jireen, gaar ahaan bartii Idaacadda. Waxa kale oo aan la soo qaaday labadii af-garasho ee labadii Jabhadood ee SNM iyo SPLA oo kala ahaa 06 iyo 07. Mar kale inta uu is-taagay ayaanu isku dhegnay oo il-bi dhiqsiyo xusuusannay maalmahaa dul saarka nagu ahaa.

Markii aanu hadalkii fadhiga ku dhammaysannay ayuu gacanta I qabtay oo igu idhi: TV-gana aynu farriin ka gudbinno.” Waan ka guddoomay oo aniga ayaa ku horreeyay oo ka sheekeey ay sababta aanu Juba u nimid iyo mahad-celin dawladda iyo dadka ah annaga oo soo wadaag nay halgan hubeysnaa oo aad u qadhaadhaa.

Ka dibna waxa makrifoonkii la wareegay Mr. Benjamin, waxaana hadalkiisii dhaabad u ahaa:

Soo-dhaweyn uu na soo dhaweynayay,
In ay Somaliland xaq iyo dawba u leedahay in la ictiraafo oo adduunyadu aqoonsato,
In ay marti-qaad u fidinayaan wefdi rasmiya oo reer Somaliland ah oo Koonfurta Soodaan boo qasho ku yimaadda,
In ay diyaar u yihiin in ay Somaliland Juba ka furato xafiis diblomaasiyadeed,

Farriimahani ma aha qaar aan idinka uun idiin qorayo oo aan idin ku beer-laxawsanayo, bal se waa qaar aan Madaxweynaha u gudbiyay markii aan soo noqday. Maalmahaa aan Juba joog ay ayay dawladda Muqdisho Safiirkeedii soo diratay oo waraaqihii aqoonsiga laga guddooma y.



(La soco…………………………………)