Magacaabistaydii Iyo Maagistaydii Laba Isku Lamaanaa Qo ramadii: 14aad. Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale

 


 

Go’aammadaas ayaan qoray oo soo saaray war-baahinta dalka iyo dibaddana ku faafiyay. Labadan Agaasime ee aan beddelay waxay ku jireen awoodaha Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta oo waxay xilka ku hayeen Go’aammo uu saxeexay Geel-jire oo ahaa Wasiir iiga horreeyay Wasaaraddan Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Kama aan bixin xeyndaabkii awood eed ee wasaaradda, sida laga yaabo in dadka qaarkii qabaan ama aamminsan yihiinba. Mada xweynuhu wuxu awood iyo mas’uuliyadba u leeyahay magacaabista iyo xil-ka-qaadista Wasi irka iyo Agaasimaha Guud.


Bal hadda u fiirsada warqaddan digniinta ah ee Agaasimaha Guud mar hore ku abhinayay ko oxdan ka baxday xeyndaabkii Wasaaradda.

 

 

 

 


Arrintan xil-ka-qaadista Agaasimayaashu ma ay ahayn mid aan ku degdegay. Kor iyo hoosb a waan ula hadlay dadkan arrimihii Wasaaradda suuqa la galay. Digniin ayay ahayd aan uga jeeday in ay inta hadhay wax ku qaadato, waanay ku qaadan lahayd, bal se madaxdii Qaran ka ayaan diyaar u ahayn hab-samaanta maamulka, oo aan filayaa in ay dhabarka ak taabte en.

Xilli aan is-leeyahay wuxu ku beegnaa dhammaadkii bishii Abriil ayaan habeen Madaxweyna ha kala hadlay Agaasimaha TV-ga Qaranka oo aan go’aansaday in aan xilka ka wareejiyo. Wax aan badnayn ayaanu ku yar murannay markii danbe se wuxu igu yidhi Wasaaradda adi ga ayaa ka mas’uul ah ee waxaad doonto samee adiga ayaan kaala xisaabtami doonaaye. Habeenkaa waxaan u dhiibay CV-ga ninka aan u magacaabayay Agaasimaha TV-ga Qaranka. Maalin iyo laba ka dib ayaa culays xad-dhaaf ahi meelo kale iga fuulay oo la igu yidhi bal mar naga qallee. Qalad iyo qalad la’aanba, codsigaa waan oggolaaday. Aniga oo taa ka dhaqaaq ayay isla markaana aan doonayn in aanu cid danbe muranno ama culaysba la I saaro, marka n danbe Go’aanka inta aan qaatay ayaan qaybiyay, aniga oo aan diyaar u ahayn in aan cid na gorgortan kala galo.

Si aynu isula soconno oo isula jaan-qaadno bal aynu isla fahamno Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, dhibaatooyinka ama murannada ka taagan iyo waxyaabaha u sabab ah murannadaas. Si kooban in aan idiin ku sawiro ayaan isku deyayaa ee ial socda oo ha iga ha dhina.

Tan iyo 1991kii waxaad maqlayseen Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta, xaqiiqada jirtaana waxa weeye Wasaarad jirta oo miisaaniyad loo qoondeeyaa ma jirto. Maxaa jira haddaa? Waxa jira laba qaybood oo la kala yidhaahdo Radio Hargeysa iyo TV-ga Qaranka. Xukuumadda Dhexe Miisaaniyad-sannadeedka waxay kharashka u qorshaysaa labadaa qayb ood, waxa kale oo dhammina iyaga ayay hoos yimaaddaan, markaas ayaa la isku yidhaahda a Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Weliba inta badani Radio Hargeysa oo TV-ga ka miisaaniyad yar ayay hoos yimaaddaan.

Markaad labada Miisaaniyadood is-ag dhigto tan Radio Hargeysa waxba ama aha, waxaana shilis oo wax lagu waday tan TV-ga Qaranka.

Markii dalka la soo gelayay waxa jirtay Waaxda Warfaafinta ee Ururkii SNM. Meey, 1991kii markii Burco lagu soo dhisay Xukuumaddii ugu horreysay, Waaxdii Warfaafinta ee SNM ayaa isu beddeshay Wasaaraddii Warfaafinta. Aniga ayaa ahaa Xoghayihii Waaxda Warfaafinta ee SNM oo xilkaa ku wareejiyay Cismaan Aadan Doo loo loo yaqaannay ‘Quulle’ Ilaahay ha u naxariisto e’. Halkii ay Waaxdaasi deggeneyd ayay Wasaaraddii Warfaafintu qaadatay.

Markii radio Hargeysa la dhisay ayay Wasaaraddii Warfaafintu u wareegtay xarunta Radio Hargeysa, sidaa darteed ayaa Wasaaradda lagu dul dhisay Radio Hargeysa oo Wasiirku fad hiisan jiray bartii uu lahaa Agaasimaha radio Hargeysa.

Markii aan Wasiirka ahaa mushaharka waxaan ka qadan jiray Radio Hargeysa, gunnadana Tv-ga Qaranka. Tusaale kooban haddii aan idin siiyo Wasiirka iyo Agaasimaha TV-ga Qaranku mushaharka wax caynkaas ah is-maba dheera, halka Agaasimaha Radio Hargeysa aanu wax caynkaas ah ka qaadan.

Radio Hargeysa waa idaacaddii ugu horreysay ee Soomaaliyeed ee la furay, ballaysinkeedu na wuxu ku beegnaa ilaa 1941kii. Hantida ugu qiimaha badan ama dhaxlka suugaaneed ee ugu qaalisani waa ka dhex yaal Qolka Keydka ee radio Hargeysa. Sidaa ay tahay agabka qii mahaa lihi wuxu marti u yahay TV la furay 2005tii oo marna laga jaro, marna lagu jilo. Waa nasiib. Ma is-tidhaahdeen waa hangoolkii lagama-maarmaanka ahaa habeenkiina dibadda lagaga seexanayay ee aan guriga meel ku lahayn.

 


(La soco…………………………..)