Magacaa Be Waa Habaar

Sida warbaahinta Somaliland qortay, maalin dhawayd, ayaa Cali
maxamed Yusuf (Cali Gu ray), oo ka hadlaayey madal lagu soo
dhawaynaayey nin UDUB u soo galay, ka jeediyey hadalo la yaab leh.
Sida aan u fahmay, waxaan u soo koobayaa hadalka Cali sidan:
1.In uu isagu (Cali Guray) yahay nin
aan waxba qarin oo runta sheega
2.In xisbiga UDUB yahay mid ka madhan
maamul iyo meeqaanba
3.In Xisbiyada mucaaradka ahi
shaqeeyaan oo maamulkoodu dhisanyahay
4.In “Jug soo dhacay” aan Hargeisa laga
jeclayn oo geed uu istaago ka la’yahay
5.In aan isaga (Cali-ahaan) lagu
martiqaadin xafladdii lagu furaayey Somtel, warse looga keenay
6.In Siilanyo ciyaal ku foodhya “Jugta”
soo abaabulo
7.In Siilanyo aanu Hargeisa tamashlayn
doonin haddaan Jugta xasaradda laga dayn.
Cali Guray aqoon shakhsi ah uma lehi,
waxaanse warka ku hayaa in uu ahaa nin dagaal adii Somaliland
lagu xoreeyey magac iyo maamuusba ku lahaa. Waxa kale oo Cali
taariik hdiisa wanaagsan ka mid ah in uu qayb libaax ku leeyahay dib
u dhiska Somaliland, mid siyaasadeed iyo mid kaleba. Kol haddii
aanan aqoon u lahayn, ku dheeraan maayo faalo ku saabsan
qofahaantiisa, waxaanse jawaab ka bixinayaa hadaladan uu Cali ka
jeediyey madasha kor ku xusan.
Horta mid weeyaane, Cali in uu runta sheego, waxa markhaati u ah
qodobada hore ee tusmada qoraalkan. Xisbiga UDUB talo iyo taawilo
midna ma leh, adna Caloow haddaad ka filaysay, wax badan maad garan,
ujeedada kuu gaysayna ma ahayn tayo aad ku tuh maysay. In UDUB
tahay magac madhan runbaad ku sheegtay. Adna ku sii raagimaysid
haddaad runta noocaas ah badiso.
Ku cibro qaado kuwa hadda loo
yaqaan UDUB-ta isbeddel doonka ah iyo bahdilaadii lagu la
kacay Cabdi Aw Dahir. UDUB waa macdaar reer (xaafad) u adeega, kama
shisheeyo kamana sokeeyo. Macdaarku sida uu ku macaasho, ninka leh
baa yaqaan, adigana laga ala tashanmaayo.
Waxa kale oo aad run ku sheegtay in Xisbiyada Mucaaradka ahi
shaqeeyaan. Sida aad la socoto, illayn ka mid baad ahayde, Xisbiyada
Mucaaradka ah lacagi soo ma gasho. Waxay ku dhisanyihiin dadaalka
naftood hureyaal iyo taageerada ummadda reer Somali land oo
wali rajo ka qaba in ay maalin heli doonaan maamul xalaal ah oo
danta waddanka iyo ta shacabka ka hormariya ta shakhsiga ah.
Ninka loo yaqaan “Jug soo dhacay”
Hargeisa iyo meel kaletoona lagama jecla sidaan wa rka ku hayo.
Sababta lagu nacayse Siilaanyo iyo ciyaal uu soo abaabulay ma ha.
Xaasha. Oday, Mujaahid Axmed Siilaanyo
iyo Xisbiga Kulmiye ma gayaan deelqaafkan, xaal gole joogana waannu
ka bixinay. Adiguna ab iyo isirtoona uma lihid meelkadhacan oo kale,
ee mooyi sida wax kaa noqdeen.
Ninka aad u hiilinaysu waxa lagu nacay afxumadiisa iyo
xaqiirnimadiisa, waana ta lagu sh aqaalaysiiyey ee adigu ha
nooga dhigin nin wacan oo gardarro lagu eryanaayo. Af xum ada
iyo ku tacadiga shacabka wuxuu la wadaagaa maamulka aad ka
tirsantahay oo dh an oo waa astaanta xukuumadda talo xumada
haysa. Hiilna kaagama baahna, oo Harg eisa maanta isagaa kaaga
magac roon, oo ugu yaraan, isagu reer buu ku joogaa oo lagu
shaqaalaysiiyey, adiguse waad u soo gashay UDUB iyadoon lagu doonin.
Sida Madaxtooyada lagaaga horjoogsado ayaa ka markhaati ah misaanka
aad ku leeda hay dukaanka UDUB. Waxa kale oo kuugu daliil ah
halka aad is dhigtay in Hindina lagu soo casuumo munaasabadaha
waaweyn adigana aan lagu xasuusan. Marbaa sharafku xayd maa
Caloow. Sharafku waa quraarad oo ma kabmo haddii uu jabo.
Siilaanyo ayaa ciyaal soo abaabulana
gef aan geed loogu soo gabban baan u arkaa. Xaalna Waannu ka
bixinaynaa arrintaa!. Adba waad ogtahay oo nin kaa badiyaa ma jiro
Mujaahid Axmed Siilaanyo. Shalay bay ahayd, maalintaad ka baxaday
Kulmiye, ee aad d acaadnimo iyo dadnimo waanagba u qirtay
Axmed Siilaanyo. Caliyoow siyaasadda xun ee ku salaysan yooyootanka
iyo shakhsi abbaarka ee uu aabaha u yahay Rayaale iyo maamulkiisu
yey kaa qaadin dadnimada iyo gobanimada aad u dhalatay! Hawsha
UDUB-na waa la kala leeyahaye, tan aad ka dhawaajisay waxa leh rag
badanoo meesha kaaga horreeyey oo ay ka mid yihiin Ina Xaaji Daahir,
talaabo, Ismaciilkii la eryay, wassiir ku xigaanka Arrimaha Debedda
iyo qaar kaloo badan. Miyaan jago kale ka banaanayn me esha?
Hanjabaadda aad u jeedisay Siilaanyo
waxba ka soo qaadi maayo oo hadal madhan. Xoogga waxa leh ninka
dadku doonaayo. Qofka dadku doonaayo ee uu jecelyahay ayaa hanjabi
kara. Axmed Siilanyo shacbiga
Somaliland baa jecel. Xoogga waxa leh dadka iyo cidda ay rabaan.
Halgankii aad ka midka ahayd ka doon markhaatiga. Intaa wixii aan ah
ayni waa hadal madhan.
Ahmed H Nur, Oslo
qaboweyn@gmail.com |
|