Magac iyo sharaf bay u tahay Somaliland,in  Aqoonyaha nada Amina-Waris noqoto Marwada Koowaad ee Jamhu uriyadda Somaliland,oo halgankii SNM & Qaranimada Somalilandba baal Dahaba kaga suntan

 

 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan shacabk a xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan dhammaantiin  Alla ha awoodda leh  idiinka baryayaa , inuu idinka yeelo kuwii if iyo aakhi raba liibaana , xaqa ku adima, cadaaladda u hiiliya , Qabyaaladda & fool xumadeedana iska fogeeya.


Inta aanan u gudbin dulcuda qoraalkaygan iyo halka aan u dan leeyahay,ee ay muhatay laa btaydu , bal aan ku ibbo furo cutubyo ka mid ah Heestii Hooyo,ee uu curiyey Abwaankeena weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi):
 

 



Hooyoy la'aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo
Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Dayax heego joogoo
Sida haad ma fuuleen
Xiddig hawd ka lulatoo
hawo laguma gaadheen

  
*****

Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaabiyo
Tiro lagu helayne
Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey dhiiran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

 
*****

Marka aad nin hooggiyo
Ka hor taga dagaalkoo
dabka hura baqtiiyoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
ku hagoogta dhiigoo
Dadka kala hagaajoo
Kala hage dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

 
*****

Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hub-qaadloo
Quruxdana ka hodanoo
Hira laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa.

 
*****

Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa
Hamrashiyo xaq-dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa,
Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo
Weligey hoggaagaan

*****

Ka dul heesayaayoo
Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo
Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo
Idil habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon



 



Haddii aan intaa ku dhaafo suugaanta aan duugoobin ee Abwaan Maxamed Ibrahim Warsam e (Hadraawi),bal aan u daa daago ujeedada qoraalka ,qadarna aad is dul taago macnaha iyo ujeedad aan ka leeyahay qormadan .Marwo Amina-weris Sheekh Maxamed Jirde,waxay waq tigii dib u xoreynta Somaliland ku sugnayd Dalka Ingiriiska ,waxaanad qiyaasi kartaa Marwo odeeygeedii halgan adag,oo dheer ku jiro, culayska saaran dhan walbba , masuuliyadii qoysk a,masuuliyadii korinta caruurta,oo ay weliba intaa u dheereyd , hormoodna ay ka ahayd  dh aqaale ururintii lagu taageerayey Mujaahindintii SNM ee dagaalka ku jiray.

Iyadoo hawsha intaa leeg u dhabar adaygtay ,ayay haddana waxay ay bar bar waday inay dhinacna Jaamacadaha Ingiriiska wax ka barato,si ay barrito Dalkeeda ,dadkeeda iyo diintee daba  u anfacdo....Halkaa waxaad ka garan kartaa tacabka iyo juhdiga  ay ku bixisay, ee ay u hurtay si Dalkeedu xaq darrada iyo dulmiga uga xoroobo.Waxaa iyana mudan in la xuso,ta ageeradii ay mar walbba la garab taagnayd odaygeeda, Mujaahid, Axmed Maxamed Maxamu ud (Siilaanyo),waana kii Gabayaagii weynaa ee Ismaaciil Nuur hore u yidhi:
 


 

Taban taabaday laba gacmood

tamar ku yeeshaane

Hadday midigtu kali taagan tahay

tahar ma goyseene

Tiska waxa la qaadaa

markay tiirisaa bidixe


 


Inkastoo aan abaalka Haweenka Somaliland ee soo halgamay aan marnaba la gudi karin,taa riikhduna ay xusi doonto, waxaa hubaal ah inay magac iyo sharafba u tahay Jamhuuriyadda Somaliland, in maanta Aqoonyahanada Amina-Waris ,tahay Marwada Koowaad ee Jamhuuri yadda Somaliland.Waxaa taa garab socota, oo xaqiiqa ah ,kaalinta  aan la iloobin  karin ee ay Haweenka Somaliland ka soo qaateen halgankii xaq u dirirkii ee SNM ,ha noqoto Mujaahid ay dhaawiciisa dhayaan,mid ay jalaan iyo mid ay dhiig-baxa ka bad baadiyaanba.Waxaa iya na markhaati ma doonto ah, gacantii & kaalintii  ay ku  lahaayeen nabadayntii , colaad dami ntii, isku soo dhaweyntii,walaalayntii iyo aasaaskii  Qaranimada Somaliland.Waxaan qoraalka ygan ku soo gunaadadayaa, magac iyo sharaf bay u tahay Somaliland,in Aqoonyahanada A mina-Waris noqoto Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland,oo Halgankii SNM  & Qa ranimada Somalilandba baal Dahaba kaga suntan.



Waxaan idinku dhaafayaa dhammaantiinbba,Somaliland ha jirtoo , oo ha joogto abidkeed,Ma daxweynaha Somaliland,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) & Marwadiisa,Am ina-weris Sheekh Maxamed Jirde , ha guuleystaan , aamiin .


 

 


 

 

 

Eng. Maxamed Cali Muse (Farshaxan)
September 7, 2012