Magaaladu Ma Sidanbaa

 


 

Magaalooy lagu jecel waxaad tahay meel lagu soo hirto qof waliba waxa uu doonaa inuu ka sal gaadho badhaadhe iyo Barwaaqo wixii aad leedahay oo in badan oo ka mid ah bulshada kugu dhex nooli ay ugu sheekayso dadka kale een nasiibka u helin inay ka mid noqdaan shacabkaaga tolow maxay kugu jecelyihiin dadku waa yaab iyagaa la waydiin tolow ma kaa helaan waxay kaa filayeen mise waxaabad ku noqotaa caqab hor leh oo ciilisa inbadan oo ka mida kumanaanka qof ee kugu hamiyaya inaad qalbi furan ku qaabisho. kolay lagugu hungoobi maayo magaalooy sobob waxaad leedahay dhamaan wax kasta oo lagaa fisho balse maxay kaa gashay"Suleekha" oo inbadan ku hamiyaysay inay maruun iyadoo miyir iyo maan qabta cagta la hesho guri ka mid guryaha faro badan eed ku qaabisho martidaada walee waa yaab garanmaayo aniguye waa tan sheekadii suleekha "Magaaladu ma  sidanb aa?"


Suleekha waa inan da' yar filkeedna ugu il roon xishood xarago ku dheehantahay furfurnaan iyo waalid adeecnimo waa in badan oo ay kaga tilmaamantahay hablaha ay da' wadaagta yihiin marka laga reebo quruxda maariin casaanka jooga dheer iyo jalaqsanaanta socodka ee uu ilaahy goonida u siiyay ayna ogtahay inaanay ku helin hayb iyo hanti badnaane ay hibo ilaahay siiyay tahay, waa gaari dumar oo u jajaban hawlaha gurigooda iyo kaalmaynta hooyadeed cadar oo dhibi ka haysato kala horida xero adhi ah oo ubadan ido riman iyo kuwa laga lisaba balse waa danteeda inay dhinac isaga rido hawsheeda inta aanay reerka iman oday Faarax iyo raxan inamo ah oo uu dhalay oo maalinta inteedii badnayd ku maqnaa qodista beeraha si ay uga gaadhsiiyaan dhibicda ugu horaysa ee gu'ga oo ay ka saadilyeen daruuro madaw u badan oo labadii caano maal ee ugu danbaysayba ka lushay cirka guntiisa una sii guuraya darafyada cirka si ay u maasheeyaan dhulka intii looga calfay inay ku tiixdo.cadar way ka fushay hawshii wallow ay u hadhay diyaarinta cashadii raga oo habeenkaa nasiibku ugu dhacay sheekha toosis (shuuro) inta cawayska bilawgiisii dabka la saaray afaafka hore ee aqalka ka kudh kudhlaynaysa si ay xaawalaydu isha ugu hayaan.waa kuwan ragii ood moodo jabhad guuraynaysa oo tunka ku sita jawaanadii ay ku qaateen shinidii beerta ay ku qodayeen gacmahana ku sita caagado iyo kilaadhi ay ku sii wal waaleen biyo iyo qaxwe ay gacanteeda ku karisay suleekha oo hadii aanu la socon diyaargarowga beer qodista aan raga badankii u adkaysteen wakhtiga dheer ee ay ku hawlanyihiin hawsha beerta.


Hore loo soo socday nin walba halkii itaalku dhigay ayuu ku dhacay alaabtii tunka u saarnaydna sidii mas dusha ka saarnaa uu dhulka ku tuuray iyagoo daal awgeed sida aar jimicsanaya ayay dhabarka isu tuureen dhawr jeerna cagaha kor iyo hoos u dhaqdhaqaajiyeen sidii ima yar oo caga bidhlaynaya. cabaar hadii sidaa la ahaado ayaa waxa soo gashay golihii ragu ku nasanayay inantii suleekha oo sida xeedho weyn oo ay ku jirto shuuradii hareerahana sida aqal imikuun la abyay lagaga qotomiyay dhawr fandhaal badhtankana lagu dhajiyay weel uu ku jiro subag saafiya oo udkoonkiisa raga qaar hadii laga yeelayo ay humuun u qabaan inay iskaba cabaan hayeeshee wax rag kula leeyahay horaa loo ogaa inaan dhayal aanad uga qaadayne nin walba fandhaalkiisii ka goosay kuna bilaw dhankii soo xigtay, markii ragii nin walba taagii iyo tamartii ka calaf qaaday ayaa xeedhadii oon waxba lagaga tagin dhankaas la iskaga riixay nin walbana dib ugu gurtay halkii uu markii hore ka soo dhaqaaqay si uu hadana cabaar isu yara kala bixiyo isagana yara kala rido dibiradii ay kula dul dhacday shuuradii " ninkii shuuro ciir loogu daray saw dibiri mayo" woxogay markii la isyara kala bixiyay kaftan iyo sheeko aan sidaa u sii badnayna la isku tuurtuuray ayuu oday Faarax u sii tukubay dhinaca galbeed oo uu kaga toosnaa halkii heeryadiisu taalay oo ah aqalkii cadar iyo isagu afartameeyo sano ka hor ku aqal galeen sidii uu u sii socday ayuu daf yidhi isuna tuuray sariirtiisii bahal hurdo ah oo uu ka soo qaaday daalkii iyo hawshii maantana halkaa isaga reebay waxuu khuuro dhabdaba markii waagu dilaaciisu dhawyahay ayuu soo baraarugay oo uu kacay si uu dibada ugu laydhsi baxo woxogay markii uu qol qolka fadhiyay ayuu xasuustay fariin uu ka helay mid ka mid ah walaaladii oo degen magaalada tasoo ahayd inuu magaalada usoo diro inantiisa suleekha si ay ula noolaato mar hadii ay xaafada joogaan hablo kale oo hawsha iyo baylahda reerka si wanaagsan uga soo bixi kara,tolow muxuu ku doortay suleekha waa la ogaan mise wuxuu ogaa waalid adeecnimadeeda iyo dad la joogeeda isna wuxuu niyada ku hayay hadii ay u timaado inay iyaduna wax uga kordhi magaalada xaafaduna ay u aayi doonto.


Markii waagii baryay ee qof walba uu ka soo kacay halkii uu xalay ku dhacay ayaa uu  oday gii Faarax u yeedhay inantii una sheegay in walaalkii iyadna adeerkeed oo magaalada  dag ani uu soo fariin dirtay si ay ula joogto iyaduna hadal kale kuma soo celine haye bay tidhi iyadoo aad dareemayso inay farxad qoslayso ilayn waxay u socotaa dhankaa iyo tii  maga alo ee ay waligeedba dhagta ka maqli jirtay iyo adeerkeed Kaahin oo ay hore ugu aragtay marar dhawr ah uu reeraha soo booqday.


Suleekha waa farxadeedee waxay isu diyaarisay sidii ay u tagi lahayd wixii ay hablo asxaab iyo sheeko wadaag ahaayeena u sheegtay inay tagayso iyaguna sii hambalyee ducana ugu dar markii ay barqo ku dhawaad tahay ayaa waxa wadada oo meel aan sidaa reerka uga fogayn ah ka soo siigeeyay gaadhi ka mid ah kuwa isaga kala dab qaada baadiya iyo  maga alada markii gaadhigii soo gadhay kobtii ay taagnaayeen suleekha oo ay hareeraha ka  xig aan dhawr qof oo xaafada ka mid ah oo usoo dhaqaaqay si ay u nabadgaliyeeyaan inantan magaalada usocota dhunkasho iyo salaan lagu qarqiyay ka dib suleekha waxay shidhka ugu dhacday gaadhigii iyadoo daaqada qoorta kala soo dhacday si ay salaam gacan haadis ah ugu macasalaamayso dad, xoolo dhul iyo dhir wixii ay indho garato ilayn xiiso weyn ayay u qabtaa dhamaan wixii noole ah ee ay deegaanka mudada dheer ku wada noolaayeen woxogay waxay sheeda ka soo eegto reerihii iyo dadkii ay ka soo dhaqaaqday waxay afka saareen dhul aad u balaadhan oo kaymo iyo meelo kaleba isugu jira oo ah inta ka xigta inay magaalo gaadho safar dheer oo saacado qaatay ka dib waxa meel bidhaan arag ah uga soo muuqatay magaaladii ay ku socdeen oo iyada xiiso gaar ah ku haysa gaadhigii soo socoy marba marna u soo dhawaa dhankii magaalada aakhirkiina soo gal dhul ubadan aqalo  dhaa dheer iyo guryo si wanaagsan oo waafi ah u dhisan oo teedsan hareeraha laamida ay marayaan iyadana kamaba qasna ee waxay indhaha la raacraacaysaa dhismayaasha iyo dadka oo aad moodo inay kala quruxbadanyihiin aqal somaligii iyo dadkii ay deegaanka ku arki jirtay waxay soo socdaanba lasoo gaadh kobtii ay rarka iskaga furi lahaayeen qof walbana isu diyaari inuu ka dhaadhaco gaadhiga aakhirkiina dhulka lawada taabay.

suleekha ma taqaano meel ay usocoto balse markii ay soo baxaysay ayaa aabaheed dhegta ugu sheegay in uu caruurta adeerkeed dhalay qaar ka mid ahi istaanka ku sii sugayaan balse tolow siday ku garan haa dad isdhalay iyo kuwa wada dhashay midkoodna isma garanwaayaane waxay markiiba isha ku dhufatay laba gabdhood iyo wiil u soo socda jihadii ay taagnayd cabaar kadibna sooba gaadhe iyadoon la isba tooyana la is garay ilayn inankani waa adeerkeedii ay arki jirtay oo dhalinyara habluhu dumarnimada ka sakow aadbay u shabahaan midabka iyo johorada adeerkeed xasan oo aan tilmaantiisu ka halaabayn la isku dhag dhunkashana meel walboo la iska gaadho lagu nab iyadoo farxad iyo qosol dhagta lahayona meeshii laga huleel jiheeyahana lagu beeg bartii ay ku toosnayd xaafadu wax lasii socdo oo intaa xiiso la isu qabo awgeed hoosta la iska yara eegaba waxa lagu soo baxay aqal deyr weyni ku wareegsanyahay oo tolow maxay ku falayaan dhulka intan leeg ee ay sidan usoo weegaareen waa yaab , tolow waa sidee meeshan gudaheedu. Su'aalahaas iyo kuwa kale oo ciidaa ka badan ayaa marba ku soo dhacaya qalbigeeda iyaduna uma hayso jawaab ay ka bixisee waxay la sugtaaba waa waxay indhaheeda ku aragto.


Hore loo soo gal aqalkii adeerkeed,aayadeed iyo ciyaalkay ilmaadeerka ahayeen oo  goor ahanba sugayay ayaa sida jinac sonkor heshay ugu soo qamaamay salaam iyo dhunkasho ayaa lagala daalay oo tolow dadka magaaladu ma sidanay dadka u jecelyihiin,alla  magaal adu wanaagsanaa yaah ! hore usoo gashay gurigii lana fadhiisi qol aad u balaadhan oo ay yaalaan fadhiyo reer magaal dhigto kuwii ugu il roonaa waxaana qolka gudihiisa aad loogu sharaxay ubaxyo gidaarada laga laalaadiyay iyo kuwo la dhigay koonayaasha iyo  badhta nka qolka ood moodo inay halkaasi ka baxeen oo tolow maxay isaga goyn' waayeen  geed ahan ka baxay guriga dhexdiisa mooji malaha magaaladaa sidana iska dhaaf waad  ogaa ne.waxay kolba jaleecdo bilicda iyo sharaxaada lagu asqeeyay guriga waxay ku warheshay gabadh inaadeerteed ah oo hor taagan una soo fidinaysa koob quraarada oo ay ku jirto liin qabow oo markaasuun qaboojiyaha laga soo saaray. laacday oo ka buuxsatay iyadoo qabow awgii ay ku dhawaatay inay qadhqadho ayaa kolba iyadoo iska dhawraysa firiq ka siisay markii ay laacdayna ay iska dhigtay miis yar oo aad moodo gambadh weyn oo ay dul dhigtay alla naa waxa yari macaanaa oo qaboobaa maxaa lagu noolaaday magaalada oo tolow waxan maxaa lagu qaboojiyay mooji magaalooy micno badan iska yara nasatay oo cabaar hadana sheeko iyo haasaawe lagu qaaday iyadoo kolba laga waraysanayo xaalkii reerahii ay saaka barqadii ka soo jarmaaday iyaduna ay waydiinayso sida xaalka  magaal adu yahay wax la ismaaweeliyaba waxaa la gaadhay wakhtigii qadada markaasaa halkan lasoo tumay cunto kala duwan oo midiba mid ka damcad iyo muuq wacantahay oo tolow maxaa miyigiina tanoo kale loogu samaysan waayay moojidooda malaha waa shuqul magaalo. la cuntee hadana loo jarmaad in woxogay yar layara jiibsado inta casarka ka hadhay iyaduse jiif uma jooge'eh waxay la shawakhsantahay macaanka cuntadii kala gadisnayd ee ay maanta ku qadeeyeen iyo waliba muuqaalka dhismayaashii kala duwanaa iyo baabuurtii iyo waliba dadkii ay maantoo dhan isha la raacaysay walee maxay wax ka yaabiyay aragtay. la soo toos koob koob shaah ah oo casariyana afka lagu jiid qof walibana u amba bax hawlihiisii magaalo ku buug qaata iyo ku dano kale ku foofaba. hodan oo ka mid ah hablaha ay ilmaadeerka yihiin ayaa usoo dhiibtay sad dhar ah iyo kabo si ay isugu diyaariso in magaalada la soo tus tuso dabadeedna jag isu soo siisay mise waaba is badashay oo tiiba maaha ilayn qof alle qurux iyo joog u dhameeyay weeye waa tan soo baxday iyadoo kolba dhinac isu gundhinaysa oo cagta aan si toosa dhulka u wada dhigi karayn kabaha cidhibta fiiqan ee aanay waligeed cagteeda galin ayaa ku noqday sida qof cagaagan oo dul jaqaafaya arlo lagu sharaxay qodxo galool oo intay kolba iyadoo dhici gaadhaysa dhankaa u ciirto hadana dhanka kale isu soo qabanaysa. waxay kolba dhinac u gataato dhacdaba waxay aakhirka dhanka midig ka soo gashay baabuur noociisu yahay surf oo ay xaafadu ku tamashlayso kuna soo dhamaysato baahiyaheeda magaalo oo tolow maxaa inantan maantuun magaalada timid durba loogula rooraya magaalo iyo waxaan shuqulkeeda ahayn moojideeda malaha iyadu dadka kale way kala qabsan ogtahay wixii iyo halkii kolba ku cusub waa tahay lasoo dhaqaaji shoofeerkii gaadhiga oo ahaa C/raxmaan oo ay laba wiil uun ka roonyihiin xaafada da'diisuna aanay ka waynay labaataneeyo ayaa shookaantii baabuurka mar qudha u duubay dhankaa iyo meel aan guriga sidaas uga sii fogayn oo ay marto laamida madow oo intii ay magaalada joogtay mooyee sheeko iyo shaahid toona ku arag. la soo gaadh gaadhigiina cagta saar wadadii oo ilayn meel aad socodkeeda baratay kuma hakatide markiiba sida waran la gamay intuu qiiq aan sidaa u badnayn budh ka siiyay ayuu orod cagaha wax ka dayay iyaduna iyadoo la shawakhsan raaxada kursiga buushka ah ee ay naftu ku raaxaysanayso iyo codka hees ka baxaysa gaadhiga oo ay iyadu inay rikoodh ka maqasho mooyee aanay wali indhaha saarin gaadhi ay heesi ka baxayso oo tolow ma jinbaa ka dhex hadlaya sawtan qoftu bini'aadmi u cod eeg la yaab ma leh inantuye heestan inbadan ayay ka maqashay aroosyo lagu dhagaysano oo ka dhacay deegaankooda iyo meelo kale oo aroosyo ka jireen oo ay iyada iyo raxan  dhalinyaro ahi ay wakhtiyada gu'ga ee aroosyadu aadka u badanyihiin ay ugudi jreen midh aheedana aadbay u xasuusataa oo ay iyadoo la jaanqaadaysa ayaabay codka ku ladhay waa yaab hablo iyo inamo intii ay lasocotay dib u soo daymoo iyadoo la yaaban sida inantan yar ee miyiga ka timid ay durba ula qabsatay midhaha heestan oo ay iyagu u haysteen uun in reer magaalka iyo dadka fogaaday uun ay heesaha yaqaanan balse ma oga in jiibta iyo luuqda heeso iyo suugaan oo idilba laga badsado heestu inaguma cusba oo heesta uu ku luuqeeyo Lafoole midhaheedana ay ka mid yihiin" Hadii aad dhaqaaqdoo inaad dhoofto jecesha gaadhigaa dhakhsanayee ku sidaa ma dheeliyo uma seexdo dhinacoo " waaw alla yartu cod wanaagsanaa ma hablihii heesaha looga hadhay ee kinsi,khadro iyo sahra axmed oo marti ugu ah bandhig faneedbaa wali way u qaadan laayihiin su'aalo dhawra oo nuxurkoodu ahaa halka ay ku baratay ayaa dhanwalba lagaga soo riday iyadna uma dayinbee waxay ugu sheegtay inay mar walba oo ay aroosyada tagaan ay tan iyo kuwo kale oo ciidaa iyo camaarkaa ka badan ku dhagaystaan oo tolow maxay kale ka xasuusataa heesihii ka soo burqanayay rikoodho laba sameecadleyaal ah oo inta badan dhalinyarada labad reer ee inanka iyo inanta la aroosayaa soo qaataan si midb qolada kale ugu cabo libinta guusha habeenkaana isagu tunka u rito wixii dad hablo iyo inamo madasha yimaadaana bilooyin dhan ku sheekaystaan in hebel iyo hebel ay iyagu habeenkii arooskaa ugu cod dheeraayeen, suleekha markale ayay ku dhufatay hees kale oo tacajab iyo yaab ku riday caruurtii ay ilmaadeerka ahaayeen iyadoo waliba markan isu dayaysa inay si intii hore ka cod qurxoon ugu luuqayso iyagan tusaale buuxda ugu siiso inaanay wali ka dhawayn bushqado heeso ah oo laabteeda ku kaydasan oon tiradooda la soo koobi karin waxayna iyadoo is xariifinaysa ku tiraabtay" dhugmadiisu ruuxay u dhantahay ayuu dhibayaa xishoodkuye ma ogtahay dharaarahan dhabayaasha suuqyada dhakafaarka aan qabo dhar la'aan inaan maro imika dhudhumiye miyaan soo dhawaada aawalba igama dheerayn dhabta miyaan ku saara dhibta kula nacayaa dhibtaan kula nacaaya ………….! ilaa iyo tuducyada ugu danbeeya ay ka gaadhsiisay, intii lagu mashquulsanaa dhagaysiga fanaanadan cusub ayaa waxa afka looga soo galay suuqii weynaa ee magaalada si wixii dan iyo murad looga lahaa looga dhamaysto inantana intii laga gaadhsiin karo lasoo tustusay dhawr meelood oo ka mid magaalada oo bilic iyo tilmaan gaar ah kaga astaysan qaybaha kale ee magalaada markii hawlihii la dhamaystay sharaab iyo cunto fududna afka la sii saaray ayaa loo qalabaystay caraabe dheer oo lagu guri furayo kobtii maanta laga soo kicitimay waxaana lagu soo noqday gurigii iyadoo kaftan iyo madaadaalo xiiso leh la isu tuur tuurayo, la soo guryo noqoy wixii agab suuqa laga soo qaatayna guriga lagu soo hubsay qof walbana habeenkaa si fiican isaga seexay suleekhana waxay heshay soo dhawayn iyo dad aad u jecel oo ay la yaabtay walaaltinimada iyo xiisaha ay u hayaan allow ugu wad waagii danbe markii la gaadhay qof walba u ambabax hawlihiisii in shaqo u baxda iyo waxbarasho doonataba iyaduse meel ay u baxdaa ma jirto'e guriga ayay iska joogtaa inta ay dhinac kaga biiri doonto dadka magaalada ee qof walba dhinacii ay bulshada isugu baxdo aroortii u jarmaada habeenkiina ka soo caraaba sidii awalba ay ku tilmaansanayd waxay dhankaa ka gashay hawshii guriga iyadoo kaashanaysa kartideeda iyo woxogay hogo tusaalayn ah oo ay ka heshay aayadeed iyo inanta guriga u adeegta waxayna durba si dhib yar ula qabsatay hawshii guriga ilaa ay noqotay qof lagu aamini karo masuuliyada guriga,


Suleekha si fiican ayay hada u nooshahay aadna way ula qabsatay nolosha magaalada walise sidaa uma sii dhexgalin dadkii jiiraanka marka laga reebo inyar oo ay salaanta jaarnimo iyo is xaal waraysi aan sidaa u badnayni ka dhexeeyso mooyaane laakiin waxaad la nooshahay sina wax idiinma soo kala gaadhi waayaane waxay mudo aan sidaa usii badnayn is barteen gabadh ka mid ah hablaha xaafada oo noqotay macalin iyo maskax majaraha u qabata suleekha oo tolow siday ugu suurto gali kartaa mooji waxay si dadban kolba sheeko iyo hawlaha magaalada ugu asqayso waxay aakhirkii ku guulaysatay inay hantido muftaaxa qalbigeeda oo ay goortay doontano furto siday doontana wax ugu ridato, allow ka samato bixi, inantii waxay bilowday inay qalbigeeda ku qorto darsigii ugu horeeyay duruusyo faro badan oon dhamaad lahayn oo ay ugu talo gashay inay ku maamusho iyadoo ugu sheegtay inay tahay talaabooyinka ugu horeeya ee xadaarada magaalo oo tolow xagay gayni mooji waxay u sheegtay in haday doonayso inay sida hablaha magaalada ka qalin jabiso jaamacada ilbaxnimada ay marka hore bilowdo siday isu soo qor qori lahayd shax shax iyo fir fircoonina isugu abuuri lahayd oo tolow geed inta gudmo hareeraha lagala galo mooye,daab gudmeed, iyo qalabka dibidu beeraha ku qodo ayaa laga qorayaa la leeyahay uunbaan arki jiree dadkana miyaa la qor qoraa mooji malaha magaaladaa sidanaa waxay dhagta u raariciso hadalo aan tiro lahayn oo ka soo burqanaya afka macalimadeeda oo u dhigi doonta xiisad ilbaxnimo iyo xadaaradayn ah waxay bilowday inay is weydiiso dhawr arimood oo markii hore gurac ula muuqday balse markii danbe ay dantu ku qasabtay ilayn magaaladuba waa wada sidane iyadoo kalideed isla shawraysa ayay tidhi " naa hee dheh hoogto maxaad isla cadayni yaah, naa alle ka baq oo aayar sidaadan iska ahow,sidee ma sidan naa iga tag maan dadka isu eekaysiiyo oon sideeda iyo si ka quruxbadanba noqdo ma buurbaa igu soo dumaysa hadaan is cadeeyo oon ciyaaro oo sida qayrkay naftayda ugu raaxeeyo" walee waa yaab oo tolow maxaa hablaha dhawaan yimidka ah xadaaradu sidan uguma soo deg degtee iyada lagula soo roorayaa malaha hablaha ayay ugu ayni wacantahay moojideeda waxay ka dheefto ayay leedahay subxaan waxay sidaa ahaataba inantii isla booday oo durba dhinaca ka raacday hablo badan oon dhaqankoodu wanaagsanayn oo ay horboodayso macalimadeedii lumiya iyo xer kale oo ay sanooyin badan qalinka ugu xariiqaysay tabaha iyo xeeladaha kala gadisan ee looga baahanyahay gabadhii rabta inay ku takhasusto cilmiga xadaarada iyo reer magaalnimada sulekhana waxay markiiba si sahlan uga muuqatay safka hore ee xerta iyadoo judhiiba barasho sahlan ay kula kulantay dhalinyaro wiilal ah oo aan ku amaanayn dhaqamada iyo hawlaha ay ku dhex jiraan walee wax walba waa la arki oo tolow maxaa iyada albaab walooy garaacdaba dhakhso looga furayaa yaah! ilayn shaw waxaa la soo eeganayaa muuqeeda iyo qariibnimada ay kula soo dul dhacday xerta waxaanu qof waloo ka mid ah asxaabteeda cusubi ku dagaalamayaa sidii uu maskaxda uga qabsan lahaa oo uu dhankuu doono ugu hagi lahaa ilayn wax la daayo maahee waa dahab la mood joog iyo jamaal quruxbadan oo alle dhan walba ka dhamaystiray balse hada cagta saartay wado xun oo halaageeda iyo dhibaatadeedu ay saameyn ma hadho ah ku reebi doonto mustaqbalkeeda iyo ka waalidkeedba kuwan magaalo iyo kuwii ay mudo hada sanad laga joogo ka soo kicitintay balse aany marna dib u eegin nabad iyo kheyr waxay ku suganyihiin oo tolow maxaa helay sawtii waalid adeeca ahayd ee mar walba xaalkooda aduun ka war hayn jirtay markay la joogtay iyo mudooyinkii hore ee ay magaalada ku cusbayd mise xiiso yar oo ay u qabtuunbay ka ahayd walee waa yaab durba isbadashay yartii cajiib walee magaalooy lagu nac maxaad ciidan badan lugoysay.


Dunidu waa caynba cayn inantii xishoodka iyo asluubta lahayd ee ay inbadan aayadeed iyo adeerkeeda kaga faani jreen marka la soo qaado arimaha qoyska ayaa hada u muuqata mid taa badalkeeda ah xaafadiina ku keentay war war iyo murugo adeerkeed mar walba la hadal oo kor iyo hoosba wax ugu sheeg balse maxay ma qashaa waxa horteeda ka soo ifaya nuur weyn oo ay hortiisa,hareertiisa,iyo heegiisa sare ku sharaxanyihiin xadaaradnimo iyo ilbaxnimo magaalo mana jecla inay cidi kale dhex marto inta ay ka sal gaadhay waano iyo wax sheegna dhag jalaq uma siinayso sidii qof laylatul qadar loogu sheegay ayuunbay mar walba ku dhagantahay hadaladii barisamaadkii ay sida gamuun sumaysan ay qalbigeeda ula dhacday macalimadeedii lumiya ilayn qariibow lagu qariibsay waa gabadh ugubnimadii iyo horaantii imaansheheeda lagu xadaye inay cilmi iyo aqoon cusb ka korodhsi tidhaahdo mooye marna niyada kuma hayso inay saaxiibadeed hoog iyo halaag u horseedi doonto waa yaab oo sawtii inan garasho iyo garaad wacan ahayd maxaa ku dhacay sawtan la helay moojideeda malaha waa laga buruud sareeyey oo sida faynuus kaahii arooryo ku soo baxday ayaa garashadeedii la shiiqiyay allow laba talaba tii roon wax waliba way isbadaleen inantii suleekha ee maalmihii hore ee ay magaalada ku cusbayd jooga iyo jeeha wacnayd wiilasha jaarka iyo kuwa ay inamada ay ilmaadeerka yihiin guriga u soo raacaaba hoosta ka eegi jireen,hadalkii xishoodka badnaa iyo qosolkii xiisuhu ku dheehnaa waxay isu badashay si lama filaana waxaana hada ka sii hadhay magaceedii balse muuqeedii waa isbadalay inantii siday dawo iyo kiriimyo isugu waday ayay waxaan midabna ahayn soo baxday wajigeedii dhalaalka maarinka ahaa hada waa casuus iyo dhiig dhiig aad mood in karbaash iyo kabo lagu idleeyay xididada jidhkeeduna waxay ka muuqdaan oogada sare ee jidhkeeda hadii ay hantaaq yari soo gaadho alleba kuma keene waxay tahay inaan midh dhiigi ku hadhayn jidhkeeda walee waa yaab dhaxan iyo kulayl roob iyo raxmad wax waliba waa u cadow habeen iyo dharaar wax u rooni ma jirto xaadii jidhkeeduna way madoobaatay oo meelaha qaar sida xaada shaarubaha iyo gadhku waxay noqdeen sida raga oo kale ilayn raga waa sadkiiye iyada kuma quruxbadna muraayadii ay markii hore eey hawlaha bilaabaysay kolba dhinac isaga eegi jirtay xataa ay habeenada qaar saqda dhexe u soo kici jirtay hada waa ay ka maagaysaa inay horjoogsato ilayn muraayadi waa been ma sheegto eh waxay is diidsiinaysaa inay aragto baaxada ay leegtahay dhibta ay isu gaysatay alla umuuro badanaa maanta ma jirto cid u miciina oo midabkeedii iyo muuqeedii u soo celin karta canaan iyo cuqdad ay u qaado macalimadeediina maaha mid wax ka taraysa dhibta ku kaliyaysatay magaalo iyo miyi meel uroonina ma jirto oo tii magaalo ahayd markii ay ku muuq doorsoontay waxay dantu baday inay bustaha hoosta ka gasho miyigii haday ku noqo tidhaahdana waxa laga yaabaa in ciyaalka reeruhu ay buti ahaan uga yaacaan, oo tolow maxay galabsatay ee laga jarayaa moojideeda malaha waxa laga raacay xaadaaradan iyo ilbaxnimadan ay ka daba dhacday walee wax walba la arag adeerkeed oo hadal iyo hawraarba kala daalay hada waxay dantu baday inuu afka juuqda gabo marar dhawr ah oo uu raadiyay xal iyo xeelad uu arintan ku xaliyo waxay maskaxdiisu siisay jawaab uu inbadan isdiidsiiyay balse aakhirkii dantu ku qasabtay oo ah in uu isagu masuul ka ahaa imitaanka yartan ee magaalada marar badana wuxuu isku ciilay sobota uu iyada ugu dhex doortay raxanta hablo ah oo ay wada dhasheen isna uu adeerka u yahay mooji malaha wanaageeda iyo waalid u roonideeda ayaa sobobtay dhibta maanta haysata oo hadaan iyada soo kaxaynin saw tu kale uun ma soo kaxeeyeen oo iyadna tolow ma sidanoo kale ayay noqon lahayd mooji aduu al xaasil qadar meel loo dhaafo ma leh tanina maaha mid haysata yartan oo kaliya balse waa mid ay la wadaagaan inbadan oo kamid ah hablaha ay soo ridatay magaalo jecaylku islamarkaana is raac raaciyay hawlo aanay garanaynin saamaynta dhaw iyo ta fog ee ay ku yeelan karaan mustaqbalkooda noloshooda iyo ta qoysaskooda

Sheekadani ma ah mid dhacday balse waa mid mala awaal ah oo ka turjumaysa dhibaatada haysata inbadan oo ka mid ah hablaheena noloshoodiina ay galaafatay dhinacyada aan wanaagsanayn ee noloshan casriga ah markaa waxaan talo iyo tusaale ugu dhaafayaa dhamaan akhristayaasha inay ka fogaadaan inay noqdaan kuwo hableheena u horseeda dhibaatada iyo aayo xumida inbadan oo ka mid ah haysata iyaguna waa hablahee ay la yimaadaan foojignaan iyo ku faro adaygid dhaqankeena iyo asluubta wacan ee ay ku abtirsadaan wixii talo iyo tusaale ahna waa la isu leeyahay waxaanan idinkaga tagayaa midhaha heestan uu ku luuqaynaya Axmed Mooge oo aan ka dhiganayo hafeef si aan u muujiyo inaan waxna halkeedii dhigi karo inbadana aan hareer mari karo " ma hubsadee hanfade noqoy raga nimaan hal seegayn isna habari may dhalin"


 

 

Mustafe C/qaadir Ibraahim (Shiine)
Tima'ade University Student
Gabiley Somaliland
Cigaal36@hotmail.com