Degmadda
Tog-Wajaale Magaalo Qadiimi ah oo Muraayadii
Ganacsiga ee Bariga afrika ah
Haddaba Maadaama ay Sidaasi Tahay Magaaladda Tog-Wajaale waa Magaalo
Amaankeedu Fiicanyahay oo
Magaaladda Wajaale waa Magaalo Ganacsiga ka Socda Xawligiisu aanu ka
Soconin Dalal Farabadan oo ku Yaala Bariga Afrika waa Magaalo Ku
taala Goob istiraatiji ah oo ay Ku Ganacsadaan Dadweyne Tiro badan
oo ka kala Yimiday Gobolada Somaliland , Dalka Soomaaliya iyo weliba
dadweyne ka soo Jeeda kiiniya ama Soomaalida Kenya .
Haddaba Maadaama ay Sidaasi Tahay Magaaladda Tog-Wajaale waa Magaalo
Amaankeedu Fiicanyahay oo Maamulka JSL waxay si weyn xil iskaga
saareen sidii ay Amaankeeda u sugi lahaayeen taasoo Ciidamada
amaanka ee JSL ay si Xawli ah uga hawlgalaan Bugcadaasi oo ku taala
meel Xuduuda aynu la wadaagno Dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya .
Magaaladda Tog-Wajaale waa Magaalo Qadiimi ah oo Soo Jirtay Qarni
iyo ka badan Magaaladdu waxay Caan Ku tahay ama ay Caan Ku ahaan
Jirtay Wakhtiyadii Hore Ninka Wajaale Ku soo Barbaaraa Wuxuu Dhinaca
Waaya aragnimo qof ay ku dheehan tahay ayaa lagu tilmaami Jiray
Somaliland inteeda kale ay Ku Tilmaami jirtay waxaana Taasi u sabab
ahayd Magaaladda Togwajaale waxaa wakhtiyadii Hore Deganaan Jiray
Qawmiyado Afaf kala gedisan Ku hadla oo Reer Itoobiya iyo Soomaaliba
leh .
Magaaladda Wajaale sidoo kale Qofka Qariibka ku ihi Calaamado lagaga
soo dhex Garan Karo dadka kale waa qofka Socotada ahe taasoo ah
Siigadda waddada qofka soo maraa isagooon hore u marin is odhan
maayo Siigo ayaa Ku Fuushay Timaha ilaa goor Qof usheego mooyeee .
Waxaana Taasi ugu wacan Waddada xidhiidhisa kalabaydh iyo wajaale oo
ah wakhtiyada aan Roobka ahayn Mid Siigadeedu kacdo .
Maamulka Dawladda Hoose ee Degmadda wajaale ayaa Maamulkan hadda
Joogaa uu si weyn uga shaqeeyeen adeegyadii aasaasiga ahaa ee
Magaaladda iyadoo Dad badani ugu mahadnaqeen sida ay ugu Hamiyayaan
inay Degmadda wajaale wax ugu Qabtaan .
Waxaan haddaba maadaama ay sidaasi tahay aan Kula Talinaynaa
Jaaliyaddaha Gobolka Gabiley kasoo jeeda iyo jaaliyaddaha Somaliland
inay Gacan ka Gaystaan Waddadaasi iyo Waddada Magaaladda Gudaheeda
oo dhib badan ku haysa Ganacsatada wakhtiyada Roobka .
Sidoo kale Jaaliyadahaasi waxaan ku boorinaynaa inay Dhinaca Adeega
Caafimaadka ay isku dayaan inay wax weyn ka qabtaan waxaanad ogaatan
Gacmo wada Jir ayay wax ku qabtaan haddii aynu ku halayno oo
nidhaahno Dawladdu Wax Kasta ha qabato Taasi Gef ayay Noqonaysaa
Qalinkii Mohamed Mussa inji
Hargeysa Somaliland
|