18 may mid kamid ah Xafdladihii ugu qurux da badnaa ee Berbera Soomaray iyo Dabaaldegyo ka dhacay BAda iyo Bariga iyo Guud Gobolka Saaxil oo siweyn looga xusay

 



Berbera (TNN)-Magaalada Berbera ayaa maanta siweyn looga xusay sanad guurada 20 aad ee qaranimada Somaliland Taas oo ay isu soo bexeen Kumanaan Dadweyne ah oo lulayey calanka somaliland iyo boodhadh ay ku xardhanyihiin hal ku dhigyo lagu taageerayo qadiyada Somaliland waxaana Laga soo dhaqaaqay Hotel Shideyare iyadoo ilaa beerta xoriyada ee 26 june ee Berbera socod lagu tagay waxaana halkaasi kala hadlay Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Horumarinta Dr Sacad Cali Shire oo ka waramay muhiimada ay leedahay maalintani isagoo caalamkana ka codsaday inay somaliland ku taageeraan ictiraaf si ay bulshada caalamka uga mid noqoto waxanu yidhi "Waxaan Leeyahay Beesha Caalamku ha siiso somaliland Ictiraaf si aan uga mid noqono bulshada Caalamka waanu u qalanaa oo SOmaliland waxay buuxisay shuruudihii dawlada nimo iyo kuwii xaduudihii gumaystaha waxaanu dhisnay qaran galay doorashooyin iyo dimuquraadiyad waxaynu usoo halgana madaxbanaanideena soo celinteeda waa qaran labaatan jirsaday"


waxa isna halkaasi ka hadlay Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan ayaa isaguna dadka reer Saxil uga mahadnaqay siday usoo bexeen isagoo ku adkeeyey weyn qadiyada somaliland sona gaadhsiiyeyy salaanta Madaxweynaha Somaliland waxaanu ku dheeraaday baahida ay somaliland u qabro ictiraaf caalami ah oo ay mutaysatay waxa isna halkaais ka hadlay Gudoomiyaha Golaha Deganka Berbera Cabdale Maxamed Carab oo caalamku ku dhaliilay sida ay somaliland uga gaabiyeen inay siiyeen ictiraaf caalam ahi maadam qarankani mutaystay ictiraaf oo uu labaatan sano ahaa dal jira oo wax badan qabsaday.

LAtaliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Dhinca Amaanka Saleban Cumar KUjoog ayaa isna ka waramay maalinta iyo muhiimada ay leedahay waxanu dadka reer Somaliland usoo jeediyey isku duubni.



Badhasaab Kuxigeenka Gobolka Saaxil Khadar Cali cilmi oo ahaa Gudoomiyihi gudiga Qaban qaabada ayaa umahad naqay bulshada reer Berbera iyo reer Saaxil siday ugu soo bexeen 18 may oo ah mid maalin qaran oo muhiim ah somaliland waxay calamka marti ugu tahay ictiraaf Caalami ah

Jewiga Xafladan ayaa ahaa mid aad u degan oo sideyn lo soo diyaariyey kana dhacay beriga iyo bada iyadoo ay ciidamda marineska iyo kaluumaystadu kaga qeybgaleen laashash damaashaad ah ay dhoolotus ku sameeyeen bada agagaarka dekeda Berbera sdioo kale na waxa markii ugu horeysay bada laga soo saaray kaluun uu ku xardhanyahay calanka somaliland, sidoo kale waxay la keenay Beerta xoriyada Geel Kaas oo lagu lisay kana qeyb qaatay Xuskani.

Hayadaha Dawlada Waxa siweyn isu soo abaabulay Dawlada Hose, Dekeda, Kastamka, Cisbitaalka Berbera, Wakaalada LAydhka ee Berbera, Wakalada biyaha iyo Wasaaradaha Dalka ee Gobolka. MAxjarka Indhadeero, iyo MAxjarka Aljaabiri ayaa ka qeybgalay sidoo kale



Ciidanka Policeka ayaa ka qaatay Door Muhiim ah oo cutubyo katirsani ka qeybgaleen dabaaldega 18 may sanadkan.

Waxa sidoo kale ka qeyb aatay ururada bulshada sida YOVENCO oo uu gudoomiye Cali Jaamac Caraale ayaa Dadka reer Somaliland ku hambalyeey Munaasibadani awgeed sheegayna inay ka qeyb qaateen, ururka Qaranka ee NOW, ururka GAVO sanday, Ururka Hawenka ee Sahil Vacation Centre iyo ururo kale oo badan.

Shirkadaha Wadaniga ah waxa ka qeyb qaatay indhadeero, Telesom Dahabshiil iyo TOTAL oo ka qeybgashay.

Gudiga Qaban Qaabada ee Heer gobo ee saaxil ayaa Siweyn U Dadaashay Oo Baal Dahab Ah KA Qaatay Maalmana Usoo Jeedey inay wax waliba sidii loogu talogalay usocdaan Xuskani Sanad guurada 20 aad ee qaranimada Somaliland ayaa guud ahaan laga xusay degmooyinka gobolka saaxil ee Sheekh, Mandheera, laasciidle, Xagal, Godaweyn, BuloXaar oo sinabad galyo dhamaantood lagu soo afmeeray.



Guud ahaan waxay ahayd munaasibadii ugu balaadhnayd uguna quruxda badnayd ee abid loo sameeyo 18ka may 2011 oo ah maalinta ay xornimadii ay lxidankii tuurtay midowgii aan la mahadin ee somaalida, ayaa haatan ah qaran hana qaaday oo 20 jirsaday caalamkana ka dalbanaya Ictiraaf Caalami Ah.



Abdikarim Said Salah.
Journalist Work For
Horn Cable TV,

Geeska Afrika Journal,
Sahil Region Based Berbera

Berbera Press Editor
website: www.berberapress.com