Halkan Ka Akhriso Khudbadii Madaxweynaha
Oo Dhameystiran
Hargeysa ,14 Jan 2012 (TNN)-Waxa Milgo iyo Maamuus ii ah in aan hor imaado aqalka Baarlam aanka
Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda, taas oo aan ka hor jeedinayo
khudbad sanadeed ka uu Dastuurkeenu igu waajibiyay.
Bismilaahi raxmaani raxiim
Al-xamdu-lilaah, Ilaahaybaa mahad leh,
Shirgudoonka Baarlamaanka, mudanayaasha labada Gole,Wasiirada, Xisbiyada Qaranka, marti sharafta, dadweynaha iyo
saxaafadda. Waxan idinku salaamaya salaanta islaamka “Assalaamu
calaykum waraxmatullaahi wa barakaatu”.
Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u dirayaa dhamman shacbiga
Somaliland gudo iyo dibedba meelkasta oo ay joogaan. Aniga oo og mar
kalena uga mahad celinaya taageerada buuxda ee ay xukuumadda la
garab taagan yihiin, waxaanan idinka rajaynayaa inaad halkaa ka sii
waddaan annaguna waxaanu ballanqaadaynaa in aanu dhinacayaga
dedaalka halkaa ka sii wadi doono oo aanu sii kordhin doono.
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Waxa Milgo iyo Maamuus ii ah in aan hor imaado aqalka Baarlamaanka
Somaliland ee Guurtida iyo Wakiiladda, taas oo aan ka hor jeedinayo
khudbad sanadeedka uu Dastuurkeenu igu waajibiyay, Waxaanan
khudbadayda kaga hadlidoonaa Warbixintii sanadkii ina dhaafay 2011,
xaaladan cusub ee inagu soo korodhay oo aan si gaar ah wax uga
tilmaami doono iyo Qorshaha Xukuumada sanadkan 2012.
Somaliland waa qaran labaatan jirsaday oo qaangaadh ah, waa qaran ay
dadkiisa iyo dawladdiisuba mar kasta iyo goorkastaba u soo jeedaan,
Labaatankaa sannadood ee ay somliland jirtayna shacbi iyo dawladba,
Somaliland, waxay u halgan ugu jirtay, dadaal ay ku xaqiijinayso
qaranannimadeeda, adkaynta nabadgalyada, kor u qaadidda adeegyada
aasaasiga ah ee waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo horumarinta
kaabayaasha dhaqaalaha.
Somaliland, waxa ay la timid siyaasad cad oo ku salaysan nabad ku
wada noolashaha dadyawga caalamka iyo dawladaha jaarka ah, maantana
Somaliland waxay maraysaa meel aan indhaha laga qarsan karin, iyadoo
buuxisay shuruudihii looga baahnaa waxaa hubaal ah in cadawga
Somaliland tan iyo maalintaa ku foognaa hagardaamooyin uu ku
waxyeelaynayo himilada umadu ay gaadhay.
Warbixinta Xukuumada ee Sanadkii 2011
Mudanayaal iyo marwooyin; muddo sanad iyo badh ku dhaw oo aanu
talada haynay, waxqaba dkii xukuumadda iyo halkii ay ka soo
bilowdayba inta badan waxa uu ku xusan yahay buugga id in horyaalla
ee saaka la idiin qaybiyay.
Kal hore haddaaya, waxaaan halkan ka jeediyay khudbad sanadeedkii
taasoo xambaarsanayd xog-waran buuxa oo la xidhiidha duruufihii
markaa yaallay ee ay xukuumadda cusubi la kawsat ay, sidii ay uga soo
dabbaalatay, iyo ballanqaadyo tiro badan oo aanu hortiinna ka
sheegnay inay xukuumaddu qobandoonto sannadkan dhammaaday.
Ballanqaadyadaa fulintooda waxaanu u soo kala horreeysiinay sidii ay
u kala muhiimsanaayeen ee ay baahida dalku ahayd, isla-markaa ay
awooddu dhaqaale inoo saamaxaysay, waxaanan idiin sheegayaa in
balanqadayadaa 85% ka mid ahi qabsoomeen, oo ay sidii loogu talo
galay u fuleen, halka 10% gacanta lagu hayo oo aanu ku rajo
weynnahay inay maalmaha soo socda dhammaadaan, 5% keliya ayaan
filaynaa waxa aan noo qabsoomin ku talogalkayagii.
1. Nabadgelyada:
Nabadgelyadu waa halbawle, waana waxa ugu qiimaha badan ee aynu
haysano sanadkana wa xa ina soo maray dhawr shaqaaqo oo ka kala
dhacay meelo kala duwan, waxaanay kala ahaaye en Kalshaale,
Ceelbardaale, Ceerigaabo Yagoori iyo Seemaal, Waana ogtihiin oo
dhamaantood waxa ay xukuumadu uga hawl-gashay sidii ugu wanaagsanayd
ee lagu xakamayn lahaa, laguna baajin lahaa dhiig sii daata, Waxaan
u mahadnaqayaa Masuuliyiintii, odayadii, waxgaradkii iyo culimadii
ka hawl galay, waxaana hawlgal nabadeed laga sameeyay Widhwidh,
Laascaanood, Ceerigaabo, Gebilay iyo Dilla, dhamaantood waxay ku
dhamaadeen is-afgarad iyo jawi nabdoon. Waxaanu kor u qaadanay
hawlaha adeega nabadgelyada.
2. Dhaqaalaha:
Dhaqaaluhu waa laf dhabarta horumarka waxaan sanadkii hore aanu
miisaaniyadiisa kordhinay 70% marka loo eego miisaaniyadii ka
horaysay, waanay soo xerootay odoroskii la qorsheeyay qadar aad u
yar mooyaane.
A. Waxaanu sanadkan soo daabacnay lacagta Somaliland ee 1000 iyo
5000 iyadoo ay timi baahi lacageed lana hor keenay golahan oo uu
ansixiyay.
B. Bedelaada Lacagtii Giinbaarta ahayd ee laga isticmaali jiray
Gobolada qaar. Waa ogtihiin culayska dhaqaale ee ay lahayd, maantana
waxa dhulkaa laga isticmaalaa lacagta Somaliland.
3. Waxbarashada:
Ballanqaadku waxa uu ahaa in dugsiyada dawladda loo shaqaaleeyo 1500
oo macalimiin oo cus ub, waxaanu shaqaaleeynay 1700 oo macallin,
waxaanu billaash ka dhignay waxbarashada dug siyada aassaasiga ah,
arintani waxa ay culays weyn ka qaaday danyarta iyo inta bulshada
ugu nuglayd, waxaanay fursad siisay arday badan oo ay ku adkayd inay
helaan xaqa ay u leeyihiin waxbarashada. Waxa kale oo aanu
ballanqaadnay inay xukuumaddu kafaaloqaadanayso oo lacagta Fiiga
jaamacada laga bixin doono 20ka arday ee imtixaanka ugu sareeya
dugsiyada sare ee dawlada, iyo waliba 6-da hablood ee ugu sareeya
imtixaanka dugsiyada sare oo iyagana laga bixiyo Jaamacada,
ballantaasina way fushay oo 150 arday ayaabay gaadhaysaa tirada
ardayda sanadkan fiiga laga kafaaloqaaday.
4. Caafimaadka:
Waxaanu ka qabanay in ka badan intii aanu balanqaadnay, Dhammaan
gobolada waaweyn wax aa lagu sameeyay dib u habayn, dayactir iyo qaar
wax lagu kordhiyayba, weynu ognahay baahi da dalkeenu way ka mug weyn
tahay mid aynu kaligeen wada dabooli karayno sidaa awgeed w axa gacan
muuqata ka siiya dawlada oo ka caawiya haya’do caalamiya, inkastoo
aanay gaadh siisnayn heerkii loo baahnaa laakiin haba iska yaareetee
waynu ugu abaal haynaa, waxaanan ku rajo weynahay in ay kordhin
doonaan kaalmadaa caafimaad. Waxaan odhan karaa sanadkan dhammaaday
waxa caafimaadka laga qabtay waxyaabo muuqda, haddii ay noqon lahayd
dhina ca dhismayaasha xarumaha caafimaadka, hadday tahay qalabka
caafimaadka iyo kor u qaadi dda aqoonta hawlwadeenada caafimaadka iyo
hadday tahay ololeyaasha lagu cidhibtirayo cudurada dilaaga ah iyo
kuwa faafa, waxaa Ambalance-yo cusub loo qaybiyey Boorame, Gabiley
iyo Ceerigaabo.
Waxaa Hargeysa laga Billaabay dhismaha Cusbitaal weyn oo caalimi ah
iyadoo kii horena lagu qalabeeyay 235 sariirood oo cusub, sidoo kale
Gabiley waxa laga furay cusbitaal cusub, Waxaa ballan-qaadkayagii ka
mid ahaa inaanu shaqaalayno 443 isugu jira dhakhaatiir iyo
kalkaaliyaal caafimaad oo ka soo qalinjabiyay jaamacadaha dalka iyo
dugsiyada caafimaadka, waana la fuliyay oo way hawlgaleen.
5. Xoolaha:
Xooluhu waa laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidaa darteed waxa lagama
maarmaan ah in lagu dadaalo caafimaadkood iyo daryeelka iyo
deegaanka ay ku nool yihiin. Ballanqaadkayagii hore na waxa uu ahaa
in la Hawl-galiyo 6 kooxood oo ku wareega Gobolada dalka oo ah
Dhakhaatiir ta Xoolaha, nasiib wanaag waxa hawshaa ka qayb qaatay 30
kooxood oo dhakhaatiira.
Waxaa sanadkan ka dhoofay Dekeda Berbera xoolihii ugu badnaa, taasi
oo muujinaysa in dhoofka xooluhu uu sare u kacay. Waxaana xoolaha
dhoofay kala yihiin:
· Adhi = 2,386,705 neef
· Lo’o = 529,195
· Geeluna = 470,540
Deegaaanka si loo xoojiyo ilaalinta dhirta iyo badbaadinta
Deegaanka, waxa la shaqaaleeyay in ka badan boqol qof oo aqoon iyo
khibrad u leh ilaalinta dhirta, deegaanka iyo duurjoogta kuwa asoo ka
hawl galay goboalada iyo degmooyinka dalka.
6. Cadaalada iyo Garsoorka:
Si kor loogu qaado waxa la qabtay kulan ballaadhan oo lagaga dooday
isla markaana daraasad ka sameeyay xaaladda caddaalada iyo
garsoorka, kulankaas oo ay u dhammaayeen, Gudida Caddaalada,
Garsoorayaasha, Sharciyaqaanada, Xeerilaalinta, Culimada,
madaxdhaqamedka iyo guud ahaanba intii lagu tuhunsanaa inay hawshaa
wax ka tari karaan. Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd inuu soo saaro
talo cilmi ku dhisan oo lagu saxo caddaalada iyo garsoorka dalka
waxa ka soo baxay oo laga soo saaray Buug indha-fur u noqonaya
dadaalka aynu ku doonayno inaynu dhisanno nidaam cadaaladeed iyo
garsoor lagu bogsado.
Anagoo ka duulayna talooyinkii kasoo baxay daraasadaas iyo ka midho
dhalinta sidii ay bulshadu u heli lahayd cadaaladad sugan, waxaanu
isbedel ballaadhan ku samaynay masuuliyiinta Gudiga Cadaalada,
Maxakamada Sare, iyo dhammaan maxakamadaha Racfaanka, Gobolada iyo
degmooyinka.
7. Biyaha:
Biyuhu waa noloshii, waxaana xanuun wayn inagu haya abaarta soo
noqnoqta iyo culayska ay biyo yaraantu ku hayso horumarkeena iyo
dhaqaalaheena. Sanadkan dhamaaday waxa la dhamaystiray 22
Ceel-biyood oo dhaadheer, halka gacanta lagu hayo 19 Ceel-biyood oo
dhaadheer kuwaasoo ku baahsan inta badan gobolada dalka iyadoo loo
eegayo baahiyaha iyo helitaanka biyaha.
Waxa dhamaaday 23 Barkadood oo laga qoday guud ahaan gobollada
dalka. Waxaana socota biyo-galin lagu samaynayo 18 Tuulo, kuwaasoo
ku kala yaaala gobolada Awdal, Salel, Maroodijeex, Togdheer, Saaxil
iyo Sool.
Iyadoo Xukuumaddu dedaal dheer ugu jirta sidii loo daboolilahaa
baahida biyaha, waxay maal-galin dhan 27 ½
Milyan oo dollar, ka rajaynaysaa Midawga Yurub (EU), taasi oo kor
loogu qaadayo habka biyo-galinta magaalooyinnka Hargeysa,
Ceerigaabo, Wajaale iyo Burco. Wakaaladaha Biyaha Hargeisa iyo Burco
waxay ku tallaabsadeen horumar fiican.
8. Beeraha:
Waxa la sameeyay sahan lagu qiimaynayo cuntada dalka ka soo go’day,
taas oo lagu qiyaasay in ay dalka ka soo go’een isugayn 66,451 ton
oo hadhuudh ah iyo arabikhi dhan 60,997 tons. Wasaarada Beeruhu
waxay ogaatay celcelis ahaan roobka wadanka ka da’ay. Iyada oo
kaash anaysa qalab roobbeedyada lagu rakibay gobolada, Waxa dalka
laga beeray Bariis, waxaanan, Mudanayaal, idiin cadaynayaa inuu ahaa
mid damcadiisa dhadhan ay aad u macaan tahay oo aan aniga laftaydu
cunay aadna ugu farxay, waxaa beeralayda loo qaybiyay qalab
beereedyo kala gadisan oo dhan. 10 Cagaf cagaf oo cusub oo qiimo
jaban lagu tartansiiyay beeralayda dalka iyo qalab kale oo badan.
9. Waddooyinka:
Waxaa dayactir lagu sameeyay wadada laamiga ee u dhexeeya
Laascaanood illa Kalabaydh, Waxaa Dawlada iyo Bulshada reer Boorame
iska kaashadeen Dilla illaa Borame oo ay dhamaadeen illaa 10KM,
waxaanan bogaadinayaa dhamaan intii ka qaybqaadatay. Waxaanu gacan
ka gaysanay wadada cusub ee gacanta lagu hayo ee Burco – Oodweyne.
10. Siyaasadda:
Go’aan-ka-gaadhidii furashada ururada siyaasadeed iyo abuuridda
gudida diiwaangalinta, iyo ansixinta axsaabta iyadana waa la
fuliyay.
11. Gudoomiye, waxaanu idiin soo gudbinay Qorshaha Shanta Sanno ee
dalka (5 Years Plan) oo idin horyaalla si aad ula socotaan ku
talo-galka xukuumada. Qorshan oo tusmayn-doona tacabgalkeenna iyo
waxqabadkeena, waxa kale oo aan ku rajo weynahay inuu cid kasta oo
danaynaysa, inay Somaliland wax la qabato amaba wax la qabsato, u
fududayn doono fahamka ay uga baahan yihiin baahideena horumarineed,
ta dhaqaale, ta caafimaad, ta waxbarasho iyo guud ahaanba yoolkeena
waqtiga dhaw.
12. Kuliyada Tababarka Saraakiisha Ciidanka oo uu dalku baahi weyn u
qabay ayaa la dhisay oo dhamaatay. Waxaa la diyaariyay derajada iyo
qaab-dhismeedka ciidamada kala duwan ee qaran, Waxaa lasoo
gebgebeeyay inta badan tirakoobka ciidamada ee aagaga dalka anigoo
rajaynaya in uu dhamaandoono bilaha fooda inagu soo haya, intaa ka
dibna waxaa la dhaqangelindoonaa derajada ciidama.
Waxaa kor loo qaaday tirada iyo tayadii ciidanka illaalada xeebaha
sidoo kale waxa la dar darg eliyay kaluumaysiga oo dakhli intii hore
ka badani uga hoyday qaranka.
13. Dhalinyarada iyo Ciyaaraha:
Shaqo abuurka, hurumarinta dhalinyarada iyo dhiirigelinta cayaaruhu
waxay ka mid tahay me elaha dawladaydu ay mudnaanta siisay iyadoo
aanu shaqaalaynay dhalinyaro gaadhaysa 2759 cusub. Waxaanu
dhaqangelinay siyaasada dhalinyarada ee heer qaran, waxaanu
suuragelinay in xayiraada laga qaado dhalinyarada oo ay u tartami
karaan 25jirku golayaasha Deegaanka. Hasayeeshee shaqo la’aantu way
ka badan tahay mid sanad iyo labotoona lagula tacaali-karo waxaase
noo qorshaysan in la yareeyo shaqo la’aanta. Sidoo kale waxaanu
qabanay tartankii cayaaraha gobolada iyadoo dibu dhis lagu sameeyey
garoomada Hargeisa iyo Burco, kii Berbe rana gacantaa lagu hayaa.
14. Waxaanu gudi heer qaran ah u saaray inay daraasad ku sameeyaan
kana soo talo bixiyaan Dumarka iyo Beelaha laga tirada badan yahay
oo dhibaato ku qabo Doorashooyinka, waxaanan golayaasha usoo
gudbindoonaa wixii kasoo baxa. Anigoo fulinaya balan-qaadkaygii,
tixgelina siinayna xuquuqda dadka laga tirada badanyahay waxaanu
shaqaalaynay 27 xubnood oo kasoo jeeda beelahaa. Waxaa dheer dhawr
iyo sodon arday oo ka soo jeeda beelahaa laga tirada badanyahay oo
ay xukuumadu ka bixisay kharashka waxbarashada heer jaamacadeed.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u soo jeedinaya Maayirka Gabiley Marwo,
Khadra Xaaji Gaydh oo ka dhex muuqday sanadkan wax-qabadkeedu rag
iyo dumarba.
15. Siyaasadda Dibedda:
Mudanayaal iyo marwooyin, annagoo maanka ku hayna muhimadda uu
mandaqadda u leeyahay, xidhiidhka sokeeye ee waddamada jaarku,
bilowgiiba waxaanu safar shaqo ku tagnay jamhuuriyada aynu walaalaha
nahay ee Djibouti iyo dalka itopiya ee aynu saaxiibka nahay halkaas
oo si weyn naloogu soo dhaweeyay. Waxaanu kulamo la yeelanay madaxda
dawladahaa.
Booqashooyinkaa oo aan ku kalsoonahay inay sii adkaysay xidhiidhka
iyo waxwada qabsiga aynu la leenahay labadaa dawladood ee aynu
walaalaha nahay, waxaanu kaga wada hadalnay iskaashiga dhinacyada
nabadgalyada, dhaqaalaha, iyo gancsiga, kulankaa ka dibna waxa
Djibouti dib looga furay xafiiskii ay Somaliland ku lahayd oo muddo
xidhnaa.
Xidhiidhka aynu la leenahay wadamada carabntu aad buu u jilicsanaa,
sidaas awgeed ayaanu ku ibo furnay booqasho rasmiya oo aanu ku
tagnay wadamada Imaaraadka carabta, Kuwait iyo Masar oo aanu
martiqaadyo ka helay, sida runta ahna waxa naloogu soo dhaweeyay oo
ay madaxda iyo Amiirada wadamadaasi nagu qaabileen maqaam sare.
Iyadoo aynu garankaro muhimada uu safarkaasi u lahaa qaddiyaddeena,
haddana ujeedadii ugu muhiimsanayd ee aanu halkaa u tagnay, isla
markaana aanu madaxdaa carbeed kala soo hadalnay, baahida soo
noqnoqota ee dalkeenna ka haysata abaaraha iyo biyo la’aanta iyo
sidii aynu maalqabeennada carbeed indhahooda ugu soo jeedin lahayn,
khayraadka dihin ee dalkeena oo ay u baahan yihiin. Sida runta ahna
inkasta oo aannaan ka soo wada helin wixii aynu wayddiisanay iyo
baahiddii aanu hor dhignay, haddana waxa hubaal ah inaynu wax la
taaban karo kala soo noqonay.
Waxaanu safar kaa la mid ah ku tagnay wadanka shiinaha oo aanu ka
wada hadalay maalgashiga dhulkeena isfaham fiicana waanu isla
gaadhnay wakhtigan xaadirka ahna waxaa ku muqan wefti waxaana aanu
ku rajaweynahay in uu xidhiidhkaasi midho dhal noqondoono.
16. Warfaafinta:
Waa markii ugu horaysay ee Tv-ga qaranku uu gaadho daafaha dunida
iyadoo Raadiyihiina qan daraaskiisii la bixiyay gacantana lagu hayo
dhismaha iyo dhamaystirka idaacad gaadha wadan ka gudihiisa iyo
debadiisaba.
17. Waxaa horumar fiican laga sameeyay Dekeda Berbera, Madaarada
Hargeisa iyo Berbera.
18. Goloyaasha:
Waxaa hubaal ah in mudadii golahani shaqaynayey uu kala kulmay
xukuumadii iga horaysay jawi cakiran oo dabartay shaqadiisii, balse
sidii aan kalhore halkan idinkaga codsaday wada shaqayn iyo
iskaashi, waxaan qirayaa inaan ka helay gacan buuxda iyo wada
shaqayn fiican, waxaana sanadkan aan usoo gudbiyey golayaasha 24
Xeer oo ay ansaxday lana dhaqangeliyay 12 xeer oo ka mid ah,
waxaanan goloyaasha uga mahad-celinayaa wada-shaqaynta fiican ee ay
ii muujiyeen, waxaan leeyahay, aad-baad ugu mahadsantihiin.
Shirka Taleex
Shirka Taleex wuxuu ku billaabmay jawi nabadgelyo oo beel ka mid ah
beelaha Somaliland ay ka ga arinsanaysay arimaheeda dhaqan iyo
horumarineed inta aanu ognahay, waxaase shirkaa majara habaabiyay
koox fidna-walayaal ah oo qaarkood hore ugu caan baxeen Somaliland
naca ybka kuwaas oo ujeedadoodu tahay inay colaad ka huriyaan deegaan
nabdoon. Beesha Sool iyo dhamaan beelaha reer Somaliland waxay u
baahan yihiin nabadgelyo iyo horumar kamana muuq ato inay xiligan ka
soo baxayaan shirkaa wax lagu tanaado ama ay dani ugu jirto
beelahaa.
Dawlada Somaliland marnaba ma ogolaandoonto in qarankan lakala
qaybiyo iyo in lagu qadhaab to magacayo aan jirin, waxaanu
difaacaynaa midnimada iyo wadajirka Somaliland, intii mas’uulka ka
ahayd shir-qoolkaasna waxaanu u aragnaa in ay yihiin dembiilayaal
qaran.
Wax-garadka, Samo-taliska iyo duqayda reer Sool waxaan ugu baaqayaa
inay ka feejig-naadaan iskana jiraan fidnadaa ay la wareegayaan
kooxdaa kusoo duushay wadajirka umada.
Qorshe Sannadeedka 2012
1. Ammaanka iyo Difaaca Qaranka :
Gudoomiye, sanadkan waxaanu muhiimada kowaad siindoonaa kobcinta
amaanka, kor u qaadida difaaca dalka si taa loo helona waxaanu
tayayn-doonaa ciidamada kala duwan ee qaranka. Somaliland waxay xaq
u leedahay difaaca xuduudaheeda sugan, kuwaas oo lama taabtaan ah.
Waxaanay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cid kasta oo ku soo xad
gudubta qaranimadeeda. Golayaashana waxaanu ka rajaynayaa xaalad
kasta oo timaada in aad nagu garab gashaan.
2. Miisaaniyadda sanadkan 2012:
Waxaanu diyaarinay Miisaniyad Sanadeedkii 2012, taas oo dakhliga
odoriskeedu noqondoono lacag aan ku qiyaasnay Shan Boqol iyo Afartan
Bilyan oo Somaliland Shillings (Sh.Sl. 540,000,000,000), taasoo
marka la bar bar dhigo miisaaniyaddii kal hore ka badan 10%.
3. Doorashooyinka iyo Ururada Siyaasada: Sanadkan waxaa inoo
qorshaysnaa in la qabto door ashadii golayaasha deegaanka ee dalka ,
Hadaba anigoo tix-raacaya go’aankii uu Golaha Guurti du ku muddeeyay
doorashada golayaasha deegaanada, waxaanu qabanaynaa doorashada
da wladaha hoose sannadkan gudihiisa, taasoo suurta gelinaysa
kobcinta iyo geedi socodka dimuq raadiyadda aynu dhabadeeda hayno.
Maalinta doorashada, waxaa cayimi doona Komishanka Doorashooyinka
Qaranka. Waxaanan ururada cusub usoo jeedinayaa inay si saaxiibtino
leh u tartamaan, illaaliyaan midnimada isuna haneeyaan cidii ku
guulaysata.
4. Siyaasada Arimaha Debeda iyo Ictiraaf Raadinta:
Waxaanu tegaynaa madal kasta oo danta Somaliland ku jirto, Waxaanu
hor fadhiisanaynaa cid kasta oo aanu u aragno inay dani ugu jirto
qadiyada madax-banaanida Somaliland. Waxaanu ka codsanaynaa shacbiga
Somaliland gude iyo dibadba in ay ka qayb qaataan ololaha aqoonsi
raa dinta Somaliland.
5. Shaqo Abuurka: waxaynu ka war haynaa dhibaatada ay shaqo la’aantu
dadkeena ku hayso, iyadoo si gaara ay ii damqayso dhalinyarada ka
soo baxaysa jaamacadaha iyo iskuulada ee bill aa camalka suuqa kula
soo noqonaysa, hadana waxaad ogtihiin awoodeena dhaqaale iyo
itaalke ena dawladnimo, mana haysano aqoonsi inoo suurtageliya inaynu
hay’adaha dunida ee dhaqaalaha iyo maalgashiga laga martiyo sida
World Bank, IMF.
Dadkii aqoonta lahaa wuxuu u yaacayaa qurbaha si uu shaqo uga helo,
shaqo abuurkana waxaa aasaas u ah dhaqaalaha iyo aqoonta. Waxaa loo
baahan yahay inaynu isku tashano oo eegno sidii aynu isugu habaysan
lahayn waxa aynu haysano, hadaba anagoo arintan maanka ku hayna,
waxaanu daraasad ku samaynay guryaha dawlada oo ka mida hantida ma
guurtada ah ee qarankani leeyahay, waxaa noo cadaatay marka laga
reebo inta xafiisyada dawlada in aanay guryaha dawladu qarankan
waxba ugu jilayn sida ay hada yihiin, iyadoo intooda badani dad
shicib ah iyo dad masuuliin ahaan jiray ay gacanta ugu jiraan,
waxaana yar wax kiro bixiya, ama guryaha ay ku jiraan dayac tira,
waxay ku kala yaalaan dhamaan gobolada wadanka, waana sidan:
Hargeisa |
501 Guri |
Burco |
119 Guri |
Borama |
63 Guri |
Berbera |
264 Guri |
Ceerigaabo |
23 Guri |
Sheekh |
24 Guri |
Saylac |
21 Guri |
Oodweyne |
3 Guri |
Total |
1030 Guri |
Bal hadaba, 1030-kaa guri markii la qiimeeyay waxaa lagu qiyaasay
lacag gaadhaysa illaa $170,000,000. Waxaanan aaminsanahay inay
aritani gundhig u noqon karto dhaqaale suura geli ya warshado ka badan
10 warshadood iyo wax soo saar ummada u keena shaqo abuur ay ka
shaqayn karaan muwaadiniin badani.
6. Samafalka iyo Mucaawinooyinka: iyadoo ay hay’adaha caalamiga qaar
ka mida iyo wadamada islaamka qaarkood inaga soo gaadhaan
mucaawinooyin kooban oo danyarta iyo foqorada lasiiyo, ayaa waxa
muuqata in aanay isla jaan qaadin hayadaha kaalmada bixiyey iyo kuwa
dawlada ee qaabilsan sida: Hay’ada AfooyinkaNERAD, Ururinta Zekada,
Xafiiska mucaawinooyinka ee madaxtooyada iyo xafiiska dawlada la
shaqeeya WFP. Sidaa darteed waxaanu abuuridoonaa komishin guud oo
kulmiya Hay’adahaas.
7. Sanaag Bari, anagoo maanka ku hayna muhiimada ay qarankan u
leedahay, baahida loo qabo maamul fidinta iyo horumarinta bariga
sanaag waxaanu qorshaynay mashaariic gaadhaysa illaa 3 Bilyan SL
shillin taasoo u dhiganta ½ million US Dollar. (Nus millyan)
8. Barnaamijka Iskaa wax u qabso oo aan sanadkii hore inoo suurto
gelin, duruufihii dhaqaale darteed Waxaanu dib u bilaabaynaa
barnaamijkii “iskaa wax u qabso” oo aanu jecelahay in musuuliyiinta
iyo dhamaanba bulshadu ka qayb qaadato. Marka cududa ummada la
isu-geeyana wax weyn ayay qaban karaan.
9. Waxaanu dedaal gelinaynaa tayayta tacliinta sare, si jaamacaduhu
ugu hellaan fursad waxbarasho waxaanu abuuri doonaa nidaam
suurageliya in ardayda dugsiyada sare ka qalinjebisaa ay soo maraan
hal sano oo shaqo qaran ah (National sevice) iyadoo arintan
suurtagalnimadeeda ay ku xidhnaan doonto haynteena, inkasta oo
culayskeedu badanyahay waxaase hubaal ah inay dhalinyarada u tahay
barbaarin, qarankana u tahay xoog, shaqo iyo difaac, Jaamacadanaha
fursad siin-doonto.
10. Barnaamijka xaqsiinta Ciidamada qaranka, Ciidamada qalabka sida
ee JSL oo ka kooban Ciidanka Millitariga, Booliiska iyo Asluubta
waxay la xuquuq yihiin shaqaalaha dawlada oo iyagu hella xuquuqda ay
qaranka ku leeyihiin balse xubnaha ciidamada kala duwan ee inoo haya
shaqada ugu muhiimsan ee aynu halkan ku fadhino ma hellaan
xuquuqdooda shaqaalanimo, sidaa darteed waxaanu abuuridoonaa
Hay’adda Xaqsiinta ciidamada qaranka
Gebogebo
1) Saxaafadda
Xukuumadaydu waxay ku timi hanaan dimuqraadi ah iyo doorasho xor iyo
xalaal ah, waxaanay mar walba ixtiraamaysaa xuquuqda iyo xorriyaadka
asaasiga ah ee xorriyatul-qawlka. Xorriyad da saxaafadda iyo madax
banaanida fikirka muwaadinka waa arin aan ixtiraamayno. Waxaanu dul
qaad u leenahay dhaliilaha, toosinta ah ee naloo soo jeediyo. Hase
yeeshee, waxaa soo bax ay qaar ka gudbay xuduudii uu sharcigu ogolaaa
sida TV-ga gaarka loo leeyahay ee Hon Cable TV oo caadaystay
faafinta borobagaadada lidiga ku qaranimada Somaliland.
2) Culimada
Maadaama aynu 100% dad muslima nahay, waxa culimada door weyn iyo
masuuliyadi ka saaran tahay ilaalinta diinta Islaamka, dhaqanka
suuban iyo ammaanka. Waxaa lagama maarmaan ah in aynu ka midowno
iskana kaashano duruufaha jira si aan da’yarteena loogu marin
habaabin fikr ado xag jir ah oo aan diinteena waafaqsanayn.
3) Beesha Caalamka
Waxaanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno beesha caalamka danaha
guud ee la wadaago, sida ammaanka, la dagaalanka budhcad-badeeda iyo
deegaan dhawrista. Waxaanu u soo jeedinaynaa dawladaha caalamka in
ay garwaaqsadaan rabintaanka iyo xaqqa ay u leeyihiin shacbiga
Somaliland aaya ka tashiga madax-banaanidooda. Sidoo kale waxaanu ka
codsanaynaa Qaramada Midoowbey, dalalka deeq bixiye-yaasha iyo
hay’adaha samafalka in ay si mug leh noogala qaybqaataan dib udhiska
qarankan.
Umada reer Somaliland waxay kasoo gudubtay maalmo badan oo qadhaadh
illaa iyo marka laga soo bilaabo isticmaarkii gumaystaha, halgankii
dibu xoraynta dalka iyo dhismihii qaranimada oo tacab badani ku soo
baxay. Maantana waxaan ku kalsoonahay inay ka gudbi doonaan
dibindaabyo kasta oo loo soo maleego,
waxaanan idinkula dardaarmayaa inaad isku duubnaataan, illaalisaan
qaranimada si looga midha gaadho himilada umadani mudada dheer ku
naaloonaysay.
Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office
|