Madaxweyne Siilaanyo: Miyuu Ku Deg degay safarkiisa Ingiriiska?

 

Hargeysa(TNN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa barqadii shalay ka degay  ma gaalada London ee dalka Ingiriiska, waxaana madaarka ku soo dhaweeyay dad kooban oo u badan  taageera yaashii xisbiga KULMIYE iyo dhawr masuul oo dhawaan xilal loo magacaabay, lamana arag cid ka tirsan  dawl adda Ingiriiska oo Madaxweynaha ka hortimid. Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo ee dalka Ingiriisku, maaha martiqaad rasmi ah oo ah oo ay dawladda Ingiriisku u fidisay,waxase intii aanu Hargeysa ka tagin sheegay in uu halkaas u tagayo shir lagu martiqaaday oo uu ka qayb  ga layo.

Shirkaas ayaa la sheegay inuu yahay mid gaar ah oo ka madaxbanaan dawladda Ingiriiska, waxaanu  Wasiirk isa arrimaha dibadu sheegay inuu Madaxweynuhu la kulmi doono Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika. Markii u dambaysay waxa uu xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriisku ahaa mid koray, waxaana kulan rasmi ah oo labada dawladood London ku dhex mara u dambeeyay kulankii dhex maray Madaxweynihii hore Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Ingiriiska David Milliband, waxaanu kulanka xilligaasi muujiyay sida uu xidhiidhka labada dal u kobcay. Xilliyadaas ka hor waxa Madaxweynihii Somaliland uu London kula  ku lmi jiray Wasiirka Afrika, laakiin xilliyadii u dambeeyay waxa uu u muuqday nin talaabo horumar ah  qa aday oo la kulmay masulka u sareeya siyaasadda khaarajiga ee Ingiriiska, waxaanu xilligaas Daahir Rayaale Kaahin ku tagay martiqaad rasmi ah oo uu Ingiriisku u fidiyay.

Xilligana oo ay Somaliland u soo hoyatay  guushii doorashadii madaxtooyada oo soo jiidatay indhaha  caalam ka, waxa la filayay in is fahamku halkii oo uu ka soo kordho mooye aanu marnaba hoos u noqon doonin, waxa anay dad badani socdaalka Madaxweyne  Siilaa nyo ku fasireen mid lagu deg degay marka la eego   meeqaam ka uu ku tagay oo aan ahayn martiqaad rasmi ah, waxaanay dad badani tilmaameen inay haboonaan lahayd in Madaxweynuhu sugo inta ay dawladda  Ingir iisku martiqaad u fidinayso, maadaama oo ay mar walba  daru uri tahay in Ingiriisku martiqaado islamarkaana aanay jirin baahi muuqata oo sababta socdaal deg deg ah oo uu ku tago, waxaana muuqata in meeqaamka uu Ingiriiska kala kulmay oo ay sabab u tahay deg dega  safrkii su ka hooseeyo kuwii uu kala kulmay labada dal ee Djibouti iyo Itoobiya oo uu ku qaabilay hab maamuus  qar an oo aan hore u dhicin, waxaanay ahayd in Mad axweynaha Somaliland sidaas si la mid ah ka dalbado  dawla dda Ingiriiska, maadaama oo uu door muhiim ah ka qaatay nidaamka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland ka  hir galay.

Haddaba, inkastoo ay jiraan warar aan soo shaac bixin oo sheegaya inay jiraan arrimo u gaar ah oo Madaxw eynaha ku khasbay inuu Ingiriiska u socdaalo, haddana socdaalka Madaxweyne Siilaanyo uu ku tagay dalkaa si, maaha mid xilligiisii ku beegmay, waxaanu u muuqdaa mid ka soo hormaray wakhtigii ku haboonaa.

 

 


Source: Geeska Afrika