“Madaxweyne Waqtiga ha Lumin ee soo Gudbi Xubnaha Komishanka Cusub”


Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka  Arri maha Gudaha ee Golaha Wakiillada Md. Siciid Cilmi Rooble, ayaa ugu baaqay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin


inuu si degdeg ah u soo gudbiyo saddexda xubnood ee uu soo magacaabayo Komishanka Doorashooyinka Somaliland.

Sidaa waxa Md. Rooble ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay siiyey  tel efishanka madaxbannaan ee Somaliland Space Channel, kaasoo uu kaga  ha dlay arrimo kala duwan oo ku saabsan dhismaha Guddiga Doorashooyinka  cu sub iyo hawlaha loogu diyaargaroobayo doorashada Madaxtooyada.

Xildhibaanku waxa uu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyey in muhiimaddiisa  ko owaad tahay in gobolka uu ka soo jeedo Awdal ka muuqdo hay’ad kasta oo  d awladeed, halka marxuum Cigaal ka xishoon jiray in reer Saaxil wax la doono.

Md. Rooble oo ka mid ah xildhibaannada xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE uga soo baxay Gobolka Saaxil oo ugu horreyn ka hadlayey in ilaa hadda  Mad axweynuhu golahooda u soo gudbiyey xubnaha cusub ee loo soo xulay  Komi shanka Doorashooyinka, waxa uu yidhi; “Annaga gole ahaan ilaa iminka  nam ay soo gaadhin xubnaha loo soo xulay komishanka cusub, waxana igu  maqaa lo ah in Golaha Guurtida iyo xisbiyada mucaaradkuba soo xuleen xubnahoodii, balse dhinaca Madaxweynaha aanay weli ka soo bixin.

Waxaannu nahay 82 mudane, ciddii aannu ansixino ayuun baa ka mid noqon doona Komishanka Doorashooyinka. Waxaannu Ilaahay ka baryayaa inuu  na ga dhaafo, illeyn maannu garanayne xubnaha Komishankii hore ee aannu  ans ixinay, waayo annaga CV uun baa naloo keenay oo rag dalkan shaqo hore ka qabtay may ahayn, goluhuna CV-gii loo keenay ayuun buu ku ansixiyey.

Shacabka reer Somaliland waxaan ka codsanaynaa in ay noo sheegaan  warb ixinaha ragga la soo xulayo ka hor inta goluhu ansixin, sababtoo ah markii aannu ansixinay Komishankii hore waxa soo baxay hadallo dadku ku leeyihiin hebel sidaasuu ahaa iyo hebel sidan buu ahaa.

Waxaynu nahay dal iminka unkamaya oo weli kama tegayno reernimadii, inka stoo annaga reer Saaxil ahaan nasiib-darro nagu dhacday. Gobolka Saaxil ayaa layga soo doortay, xaq baanan u leeyahay inaan u hadlo.”

“Berigii hore Madaxweyne Cigaal xaqsoor buu sameeyey oo wuxuu yidhi  Saa xil waxba kuma laha toddobada xubnood ee Komishanka, halka Madaxweyne Rayaale muhiimadda koowaad siiyo gobolka uu ka soo jeedo ee Awdal, balse kama xumin haddii dalku ku hagaagayo xubin loo diido Saaxil, xubin Komishan oo reer Saaxil waayeenna dalka u burburin maayaan. Markaa Madaxweynaha waxaan leeyahay Golaha Wakiilladu wuu ku eegayaa, shacabkuna wuu ku eegayaa, waxaanay kaa sugayaan in aanad waqtiga ka lumin oo aad hore u soo gudbiso xubnaha Komishanka cusub si loo ansixiyo,” ayuu yidhi Md. Rooble.
 


Source: TogdheerNews