Waxaan kula talinayaa Madaxweynaha in badan baa lagu sharfay

 

“Waxaan kula talinayaa Madaxweynaha in badan baa lagu sharfay, dalku waxa uu ku badbaadayaa hadal raganimo iyo go’aan leh oo aad qaadato”
Sheekh Aadan-siiro oo si Adag ula Hadlay, Talooyina u Jeediyey Madaxwey naha, Madaxda Mucaaradka iyo Guurtida



“Axsaabta mucaaradka ah waxaan leeyahay waar dariiqa aad Madaxweyn aha ku beddelaysaan ha noqdo mid sharci ah oo ummadda qanciya oo dalku aannu ku kala tagin.”


Hargeysa (Longlivesomaliland News)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiir ay (Aadan-siiro), ayaa si adag ula hadlay Madaxweynaha Somaliland  Da ahir Rayaale Kaahin, masu uliyiinta axsaabta mucaaradka ah iyo Golaha Guurtida oo uu ku eedeeyey inay dantii ummadda ka tallaabsadeen, isla markaana ay isku dilayaan  dalk a iyagoo kursi keliya u wada muuqdo.

Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada caanka ah ee Somaliland, ayaa khudbad uu ka jeediyey kadib salaadii ciida-fidriga oo uu kumanaan qof ku tukiyey garoonka kubadda cagta ee xaafadda Xawaadle, waxa uu si kulul u dhaliilay hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo golayaasha qaranka Somaliland oo uu sheegay in iyaga oo aan ka badnayn 200 qof ay nasiib uga heleen inay dalka hoggaamiyaan dad badan oo ka wanaagsan, balse ay doonayaan inay siday doonaan dalka ka yeelaan.

“Waxaan maanta la hadlayaa kuwa talada isku haya ee aan ka badnayn  200 ee qof, waxa ku jira xukuumadda dalka hoggaaminaysa, waxa ku jira saddexda xisbi, waxa ku jira Golayaasha Baarlamanka ee Wakiillada iyo Guurtida. Dalka 48-ka sanno aynu halganka ugu jirnay ilaa 1960-kii oo  anig u markaan da’dayda aan eego aynu ku garaadsanay inaga oo wax  taban ayna oo la ina dulmiyey ilaa maantana aniga oo da’daas ah waxaan u  taag anahay weli inaga oo wax tabanayna oo aan helin caddaaladdii, midni madii iyo horumarkii ummaddu ay doonaysay. Walaalayaal waxaan leeyahay  dal ka waxa ku nool qaar idinka aqoon badan, qaar halgankii idinka badsaday, qaar kun goor wax idin dhaama, laakiin nasiib waxaad u hesheen ummadda inaad hoggaamisaan idinka oo aan 300 nin ka badnayn. Waxaan ayaan-darro ah in aad u qaadato hantida ummadda, halgankii ummadda, wixii ka dhexeeyey saddex milyan iyo toddoba boqol iyo kontan kun oo dalka ku abuuran in adigu aad keligaa leedahay,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Sheekh Aadan-siiro waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in aanay la kala safan siyaasiyiinta dalka isku haysta oo uu ku tilmaamay qaar dalka isku dilaya, si aanu dalku u dumin.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Shacabka waxaan leeyahay waar nimankaa dallka isku dilaya ee kursiga isku haya ha kala raacina, waar ha isku dilina oo dalkiina ha u duminina, waar khilaafkaa siyaasadeed waa mid ina saamaynaya, waxaan aad uga xumahay in inan yar oo 20 jir ah oo hooyadii tamaadho ku soo korisay in dhiigiisu daato, ka dilay iyo ka  istic ma alayeyba Ilaahay baa la horgaynayaa, iyagu ha dhintaan intay  carruu rta laynayaan, intay carruurteenu dhimanayso waxay ila tahay in aynu guri isugu xarayno intaa is haysata ninkii rooni reerka ha u hadho inagu yeynaan is-diline.”

Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiiray, waxa uu Madaxweyne u soo jeediyey inuu la yimaado go’aan raganimo leh dalku kaga badbaado burbur, isagoo sheegay in Madaxweynuhu in badan uu talada soo hayey, isla markaana in badan ummaddu karaamaysay, sidaa daraadeedna loo baahan yahay inuu keeno xal ummaddu ku badbaado.

“Waxa ayaan-darro ah, waxa wax laga xumaado ah, waxa dala’si ah, wax aan ummaddu qaadan karayn ah in dadka qaarkood ay moodaan in ay  lee yihiin taladii ummadda. Waxaan kula talinayaa Madaxweynaha  Jamhuuri yadda Somaliland in badan baad talada ummadda soo haysay, in badan baa lagu sharfay, in badan baa lagu karaameeyey, meel xun bay taladii  ummad du maraysaa ee wax badan baa kugu xidhan, dalku maanta waxa uu ku  ba d baadayaa hadal raganimo iyo go’aan leh oo aad qaadato, eraygaasi aad baan ugu celcelinayaa, waa mid aan Ilaahay la hortagayo, waa eray aannu ku ashkataynayno Madaxweynaha haddii uu keeniwaayo xal ummaddu ay ku kala badbaado, madax meel ka sarraysa oo la salaaxaa ma jiro, haadaan baynu ka laalaadnaa, khilaaf adag baa taagan oo in la is-dilo u dhaw, xal kuna 99% waxa uu ku xidhan yahay sida ummaddu u badbaadayso  Madax weynaha, waxaan leeyahay waanu kuu ducanaynaa, wax badana waad qabatay, waar iyadoo waxaasi jiraan, waar iyadoo rag ay kaa horreeyeen, waar maanta dalku nabad haysto oo dadku midaysan yihiin xal baa lagaaga fadhiyaa ayaanu leeyahay Madaxweynaha,” ayuu yidhi Sheekh Aadan-siiro.

Sheekhu waxa uu sheegay in aanay shacabka Somaliland ka yeelayn  axsa abta mucaaradka ah inay ridista Madaxweyne Rayaale u maraan dariiq aan sharci ahayn, kaas oo uu xusay inuu noqonayo dariiq wax lagu duminayo oo aan ummaddu ogolaanayn.

Mar uu arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Waxaan leeyahay axsaabta dariiq kasta oo nabada waxyeelaya ummaddu ma ogola, dariiq kasta oo  w ax duminaya xaq kasta iyo wax kasta ka gar sheegoo arrin ummaddu  oga shahay maaha. Axsaabta mucaaradka ah waxaan leeyahay waar  sharciy adda aynu ilaalino, waar Madaxweynaha maanta jooga nalagamaydun  tas han ee idinka ayaa keenay, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal idinka ayaa keenay, annaga shicib ahaan waxba nagamaydun waydiin, maantana in aad tidhaahdaan mid walba waanu eryeynaa waar gar nooguma lihidin. Waxaanu leenahay dariiqa aad ku beddelaysaan ha noqdo mid sharci ah oo ummadda qanciya oo dalku aannu ku kala tagin, waxaan idiin sheegayaa in qabyaalad Somaliland ka hoosaysa ay noqon doonto mid dalkani ku burburo.”

Sidoo kale, waxa Sheekh Aadan Siiro oo dhaliil culus u jeediyey Golaha  Gu urtida oo uu ku tilmaamay qaar ka leexday dantii ummadda iyo shaqadii loo igmaday, taa baddelkeedana shaqadoodu noqotay inay kordhinta  Madax weynaha uun ka shaqeeyaan, iyagoo ku shaqaynaya wax aan nacfi lahayn.

“Golaha Guurtida aad baan u dhaliilayaa, waxay awoodi kariwaayeen in  la bada beelood ee degaanka Ceelbardaale isku dilaya ee walaalaha ah inay kala qabtaan, waxay awoodi kariwaayeen inay fuliyaan go’aamadii kala dandanbeeyey ee 1993-kii iyo iminka oo 16 ka soo wareegeen 2009  Guur tidu ka kala gaadhay degaanka Ceelbardaale. Waxay ka dhammaan la’yihiin Madaxweynaha ha loo kordhiyo, shaqadoodii way gabeen, waar maad go’aamada u yaala ummadda fulisaan inta aad ka fikiraysaan arrimahaas, umaddu halka ay ka qaloocatay waa golihii Jamhuuriyadda Somaliland ee nabada, diinta, caddaaladda iyo dhaqanka inay ilaaliyaan loo doortay, ayaa dariiqoodii ka lumay, waxay noqdeen Subxaanallaah Ilaahay ha soo hannuuniyee dad ku shaqaynaya wax yar oo ku-meelgaadh ah, taasina mid ummadda dhaqaysa maaha,” ayuu hadalkiisa ku soo gunaanayday Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Aadan-siiro).




Source: Jamhuuriya Online