“Madaxweyne Rayaale Waa Khaayinul-wadan, Waa in Maxkamad LaHorgeeyaa,Waa in Halka Uu Ku Jiro Laga Soo-Saaro Oo La Tuso..” Ismaaciil-Yare.

 

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay, in ay Isniintii todobaadkan doonaysay in dalka isku dhac beeleed iyo dagaal sokeeye ka dhaco, ka dib markii ay Ciidamo Boolis ah dul-dhoobtay Xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE ku leeyahay Magaaladda Hargeysa, halkaas oo lagu xusayay 28-guurada ka soo wareegtay maalintii la aasaasay Ururka SNM 6-dii April, sidaa daraadeedna, ay Hogaanka Sare ee KULMIYE halkaa Khudbado uga jeedinayeen Taageerayaal tira badan oo Munaasibaddaas ka soo qaybgalay, hase ahaatee, markii ay dadkaasi soo dareereen si ay Guddoomiye Axmed-Siilaanyo ugu soo gelbiyaan gurigiisa ay Ciidamadu Rasaas ku kala reebeen Hogaanka Xisbiga iyo dadkii gelbinayay.

Wasiirkiii hore ee Arrimaha Gudaha Ismaaciil-Yare oo ahaa Wasiirkii ugu horeeyay ee Xukuumadda Daahir Rayaale ka tirsan ee dad Mudaharaadaya Xabsiga u taxaaba, ka dib markii Rayaale intii la doortay khudbaddiisii ugu horeysay ee 18-ka May si aan dadweynaha qaarkood jeclaysan uga hadlay Khayriyada Magaaladda Hargeysa, taasoo ay dadkii ka biyo-diiday khudbaddaas Foodhi iyo qaylo ku sagootiyeen Madaxweynaha, isla markaana socod ku mareen qaar ka mid ah waddooyinka Caasimadda Hargeysa. Hase ahaatee, Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare) oo wakhtigaa ahaa Wasiirka Daakhilga, inta la ogyahay waxa uu Xabsiga u taxaabay Dhalinyaro reer Somaliland ah oo tiradoodu boqol ku dhawayd, ka dib markii ay muujiyeen qawadka khudbadda Rayaale xiligaas jeediyay.

Hasa-yeeshee, Ismaaciil-Yare, oo maanta u waramayay qaar ka mid ah Warbaahinta Madaxa-banaan ee Somaliland, waxa uu ku dooday in faraqwayni u dhaxeeyay Mudaharaadkaas khudbadda Madaxweyne Rayaale lagu saluugay iyo ka wakhtigan KULMIYE sameeyay oo uu sheegay inaanu Mudaharaad ahayn. “Maalintan dhawayd ee la leeyahay mudaharaad baa la dhigay, muu ahayn mudaharaad, waa been, dacaayado ayaa lagu samaynayaa oo laga fidinayaa. Waxay ahaayeen dadkii taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee dhagaysanayay khudbadaha Madaxdooda, oo doonayay in ay raacaan Guddoomiyaha iyo Madaxda kale ee Xsbiga KULMIYE oo ay halkaa ka tagaan Guriga Guddoomiyaha.

Markii ay soo mareen dariiqa iyada oo Ciidankii Boolisku hareeraha ka socdo, oo wax dhagax-tuur ah iyo wax rabshad ahi toona aanay jirin, ayaa Ciidamo gaar ah oo waliba dhinac qudha ah oo marka Qabiilka laga eego aad moodo in dad loo sii diyaariyay oo gaadhi ka buuxaa ka horyimaadeen. Dabadeedna iyaga oo aan waxba waydiin ayay dadkii Rasaas ooda kaga qaadeen.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirkii hore ee Daakhiligu Ismaaciil-Yare.

Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-Yare), mar uu ka hadlayay qorshaha ay Xukuumaddu ka lahayd Ciidamada ay dul-dhoobtay Xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE, waxa uu yidhi, “Markaa waad garan kartaan in dawladdu qorshaysay in ay shacabka isku disho oo ay Madaxa isu geliso, sida ay Ciidamadii Booliska u kala qayb qaybinayso, oo cid gaara hawlahaasi loogu dirayo, si ay dhibaato u gaystaan oo dadku u damqado. Daahir Riyaale Daahir Riyaale maaha Madaxwayne ee waa khaayin wadan khiyaameeyay wadanka oo wixii loo soo doortay iyo wixii loo soo dhaariyayba ka baxay oo Somaliwayn wax la saxeexday oo doonaya in uu dadka meel kale ku darro oo inta Sheekh Shariif uu dabada dhulka dhigayo ee Al-shabaab ka adkaysanayo kaliya sugaya weeye, oo waliba dawladdo aan garanayo oo aanan iminka halkan ka sheegayn intaa talada la haya oo talefoono kula soo xidhiidhayaan, markaa waa nin heshiis soo galay, waa wax dhab ah.”

“Madaxweyne Rayaale, Waa Khaayinul-wadan, Waa in Maxkamad Lageeyaa, Waa in Halka Uu Ku Jiro Laga Soo-Saaro Oo La Tuso la tusaa in aanu dadka inta uu madaxa isu geliyo aanu ka dhex bixi Karin. Dadkana waxaan leeyahay dantiina ilaashada. Isu soo baxaas oo ahaa mid salmi ah oo ay shucuurtooda ku muujinayaan taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, ayaa Ciidamo lala soo hadlay ay yimaadeen, waxa kale oo jira ilaa 3 nin oo waliba nin ay isku sii jilib yihiin Rayaale oo naanaystiisa lagu magacaabo Banbiida iyo laba nin oo kale oo aan saddexdaba garanayo anigu oo ka tirsan askarta madaxtooyada, dharkii booliska ayaa loo soo xidhay ciidamadii Booliskana waa lagu soo dhex-daray.” Ayuu yidhi Ismaaciil-yare.

Wasiirkii hore ee Arrimaha Guduhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waayo maxay qabanayeen? Waad garankartaa in lagu soo dhex daray, waxa laga yaabaa in ay tooganayeen madaxda xisbiga KULMIYE iyo ragga u sharaxan KULMIYE, oo marka xabadu bilaabanto haddii laba iyo saddex lagu dhufto xabada lama garanayo wax dilay, booliska uun baa dilay la yidhaahdo. Dadkan xabadda loo adeegsanayaa waa’ayo, dadkani waxay ka soo dagaalameenba waa xabad lala dhaco iyo in qof waliba xoriyaddiisa ku noolaado, tiina Daahir Riyaale wuu qaaday, wuxuu moodayaa Kaabadahan waawayn ee shubka ah ee uu is hor-dhigay iyo guriga uu ku jiro; yacnihii waxa weeyaan wuu garanwaayay milgihii la siiyay.”

Ismaaciil-Yare, waxa uu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in uu doonayo inuu dalka burburiyo, waxaana ka mid ahaa hadaladiisii oo uu yidhi, “Riyaale wuxuu ujeedaa in uu dalka burburiyo oo xaggaana ay Puntland ka soo gasho oo ay ka soo qabsato, gudahana olol ka kaco, dabadeedna qorshihiisii Somaliwayn ee uu saxeexay ee uu la galay Sheekh Shariif ee dhamayska tirnaa uu yidhaahdo waanigaa ku dhawaaqay ee dhameeyay. Markaa waxa weeye Riyaale dhiigyo-cabnimuu ku darsaday dhurwaagii aan hore u sheegay, in la iska qabto oo degdeg gacmaha la isu qabsado ayaana loo baahan yahay.”

 

 


Hadhwanaagnews