MADAWAYNE WAXAAN KU LEEYAHAY MA GAABADA HASHADAA KA
ROON , MAYDHNAAN KALE
Marka dib loo raaco dhacdooyinkii soo maray dalalka
aduunka ka jira, waxa ay meel ku gaad heen waxay ahayd
karti iyo dadaal ummada dalkaas ku nooli ay gaadheen.
Somaliland dadke edu wax buu qabsaday, dalkoodiina way
dhisteen, waxay u baahan yihiin xukuumad aamins an in
dadku wax qabsado, cid kalena dawlad u dhisi karin,
garsoor adag oo ka madax banaan xukuumada, golayaal
baarlamaan oo guud jooga sharciga ay dejiyaan iyo
fulintiisaba.
Dadka oo loo bisleeyo shuruucda dalka iyo siday u
ilaashan lahaayeen. Wadada saxa ah ee ictiraafka
caafimaadka qabaa ku jiraa waa ka sifahaa leh. Marka
laga soo bilaabo shirkii Bur co 1991, ilaa manta madaxda
Somaliland waxay lahaayeen wadan hebel iyo wadan hebel
ay aan tegnay, waa lana soo dhaweeyey ,waanan is afgaranay.
Xukuumada manta joogntaana waxay ku kordhisay waa
MARKII
UGU HOREYSAY EE MAHIIGA LA KULANO, WAA MARKII UGU
HORAYSAY EE LONDON LA INAGA CASUUMAY, arintani maaha
curad aniga aragtidayda , waxay ila tahay in ay la mid
tahay tii lixdankii ina soom martay.
Wadada loo marayo
dhismaha Somalia waa mid qodxo badan oo wax ka soo
naaso cadayn. Dadku ma iswaydiiyeen maxaa dib inoogu
celinaaya wadadaa qodaxda badan. Lixdankii waa la
is waydiiyey dadkuna waxay goaansadeen wuxuu noqday riyo.
Caadifadii aan Soomali oo dhan ku raadin jirnayna waxay
noqotay mid gudhay. Madaxwayne Siilaanyo wuxuu yidhi
So malia kalama hadlayno gooni iskutaaga Somaliland
laakiin wixii kale oo dhan waan ka wada h adlaynaa.
Waa
maxay waxaa kale ee Somalia oo hada aan jirin ka wada
hadlaynaa. Wasiirka Arimaha Dibadu wuxuu ummada u
sheegay in Somalia aan kala hadlayno sidii aan u kala
bixi lahayn. Madaxwayne adiga iyo Wasiirkaaga kee runta
u sheegaya ummada Somaliland.
Madaxwayne waxaad
dhagaysataa gabaygii
Timacade ,
dhacdadii
lixdankii kaga
qoomameyn aayey , waxna ku qaado oo ku camal fal.
Dr. Mahdi Jaamac Rooble
March 14,2012 |
|