Madaxweyne Xasan Sh.Maxamuud oo godkiisii
Biyo ugu soo galeen

 


Ma rabo, inaan beegsado shakhsi balse, waxaan rabaa inaan hiigsado yoolka, siyaasadeed ee maanta ka aloolsan Soomaaliya

Madaxweynuhu wuxuu maroorsaday awoodii (executive power) isagoo soo xulay 10 qof oo ay qaarkood qaraabo dhow yihiin una gudbiyey wasiirka 1aad si uu ugu dhawaaqo inay yihiin Golihii Wasiirada, waxaan hubaa marka laga reebo wasiirka Maaliyada in Sagaalka (9) kale ay yihiin kuwo uu soo xulay Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, waxey caddeyneysaa in uu Mad axeynuhu rabo in awoodoo dhan ay hoos timaado qasriga Madaxtooyada taasina uma suurto obeyso.

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud, wuxuu ilaaway sababihii keenay (Civil war) wuxuu kaloo ilaaway waxa ka socda caalamul Islaam oo ah (taxriir), Golaha wasiirada ee la magacaabay kuma jiraan kuwa degan gobalada Waqooyi ee u dhimanaaya inay difaacaan midnimada Qara nka Soomaaliyeed diidayna in dalku kala go’o kuwaas oo ay kala yihiin:- Beesha Ciise, Gadabu ursi, Hinjiye, Dhulbahante iyo Warsangeli, soo looma qaadan karo in uu rabo madaxweynuhu (kala go’).

Madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud maanta oo ay taariikhdu tahay 10/11/2012 waxaa u buu xsamay 2 bilood wax uu qabtay haba yaraatee ma jirto marka laga reebo distuurka oo uu jab iyey isagoo ka saaray meesha hab-qeybisigii lagu soo xulay baarlamaanka laguna doortay qu dhiisa, taasoo ah 4.5, sidoo kale wuxuu magacaabay 10 wasiir oo uu ku tilmaamay waa 5ta beelood waxay caddeyneysaa kaliya-talinimo, Distuurku wuxuu ku saleysanyahay 4.5 in lagu qeybsado awoodaha, wuxuu kaloo jabiyey qodobka 69, 97 iyo 100 oo intuba ay qeyxayaan in Ra’iisul wasaaraha, wasiiradiisa, wasiir ku xigeenadiisa iyo wasiiru-dowlayaashiisa la horgee yo baarlamaanka isku mar.

Maanta waxaa loo ballansanaa in la keeno Xukuumadii oo dhameystiran iyo (political progra m-kii) nasiib daro ma aynu dhicin, maxaa yeelay, wey ka baqeen ka dib markii ay arkeen in ba arlamaanku godoodsanyahay, tira gaareysa (sideetan iyo laba xildhibaan 82) inay ka hor-i-maanayaan qorshaha uu wato Xasan Sh. Maxamuud, waxaan oran karaa fulaynimo ayaa hes hay Madaxweynaha iyo wasiirkiisa 1aad ee maxlal-ka ah.

Waxaan daba joogaa qoraaladeydii hore ee qeyla-dhaanta ahaa ee aan u baaqaayey Ummad da Soomaaliyeed meel waliba oo aay joogtaba, waxaan maantana idin leeyahay dib-baynu ug u noqonay xabaashii siyaasada, waxaa loo baahanyahay in la soo gurmado oo laga badbaadi yo dalka Urur-diimeydyada sida Dam-Jadiid iyo Jamaacatul Islaam oo ku lamaan talada laga go’aamiyo qasriga madaxtooyada Soomaaliyeed .


 


Cali Daacuun