Ceelbardaale ila akhriya go`aankii Guurtida ee Ceel-bard aale 2009 .Madaxweyne Ilaahay ka cabso oo Cadaalada u hiili taas ayaan kugu dooranaye

 

 

Kani waa Go'aankii Guurtidu ka gaadhay Shaqaada Ceerbadaale ee 2009. Kani waa Go'aan ku s alaysan shareecada Islaamka oo Culimada Somaliland markhaati ka ahaayeen inuu go'aankaasi waafaqsan yahay Shareecada, ka dib markii ay culimo badan ay booqdeen dhulka Ceelbardaale ee Gobolka Gabiley ayna indhahooda ku soo arkeen guryaha, beeraha, ceelasha iyo raadadka tuullooyinkii laga qaxay 1988 ee ay leeyihiin dadkii lahaa oo ka soo jeeda beesha Gabiley, markii ay Salaadiin, aqoonyahanka iyo waxgaradka Somaliland ee kala degan daafaha Jamhuriyada Somaliland ay booqdeen dhulka ceelbardaale ee ay arkeen xaqiida dhabta ah, ayaa loo saaray Guurti aan labada beelood midna aanay ku jirin oo ka kooban beelaha kale ee Somaliland, si ca daalad loo helo, loogana fogaado eex iyo wixii la mid ah.


Xukumadii Rayaale iyo Dhamaan umada Somaliland way galbiyeen Guurtidaas inuu Ilahaay sida uu ku ogyahay ay ugu kala garnaqaan labada beelood. wixii ka soo baxana lagu qasbanaado in la fuliyo iyo in cidii ka hortimaad go'aanka la soo saaro in Xukumadii markaas jirtay gacan bir a h ku qabato. Guurtidaas waxa markhaati u noqday umada Somaliland oo dhan oo ka war sugay say mudo dheer si mar uun shaqaadaas loo dhameeyo. Guurtidii mudo marka ay dhegaystay la bada beelood ayay go'aan la mid ah kii ay soo saareen Guurtidii loo saaray khilaafka Ceelbard aale 1993 ay soo saareen. Go'aankii maalintaas Guurtidaasi ay Ilaahay Dartii u soo saareen wa akan hoos ku qoran: Gari Alle ayay taqaane, Maanta maxaa soo celiyay Khilaafkaas Umada So maliland oo dhami u tafaxaydadatay laba jeer. Dhamaan Go'aamadii la soo saaray labada jeer ba waxa diiday Beesha Samaroon (Reer Nuur) iyaga oo markasta kalsooni saxeexan siinayay Guurtida in ay raali ka noqon doonaan go'aanka ka soo baxa Guurtida xalinta khilaafka C eelbar daale. Gar diid waa Alle Diid ayaa hore loogu maahmaahay. Maxaa loo fulin waayay Go'aankii Guurtida ee 2009. Ma cadaalad daro ayaa la rabaa in dulmanaha xaqiisa la duudsiyo. Hadii laba qolo oo Muslimiin ahi isdilaan ama wax isku qabsadaan waa in qolooyinka kale ee Muslimiinta ahi u garnaqaan oo hadii go'aanka qolo diido in dhinac laga wada maro. Sawka Islaamku sidaa odh anaya.

Qofkasta oo Somalilander samo talisa ahi ha akhriyo ga'aankan Guurtida, hadii aad uu baahtan a ha soo arko dhulka Ceelbardaale si aad u noqoto qof taageera Cadaalada oo u hiiliya dulma naha dhulkiisii gardaro lagaga haysto ee maatidiisii ilaa 1993 wadhan tahay Gabiley iyo Wajaale ee waxwalba Nabada iyo walaalnimada ka hor mariyay. Qofkasta oo muwaadin ahi oo aan xog ka hayni Dhulka Ceelbardaale ha yimaado dhulkan si aad marlabaad ugu hiiliso cadaalada una joojiso Dhiig daadanaya iyo uurxumo uu ka tageyo. Ila akhriya go'aanka Guurtida ee hoos ku qoran. ILAAHAYNA HA LAGA BAQO OO YAAN DULMIGA LA ISKU KAASHAN. KII DULMI WADANA AYNU GACAN BIRA KU QABANO, DULMANAHANA HA LOO GARGAARO. HADII INDHA LAGA QARS ADO CADAALADA ILAAHAY AYAA INUGU CIQAABI DOONA AMAAN DARO IYO DHIBAATO AYNA AN GARAN MEESHA AY INAGAGA TIMID.



Golaha Guurtida:-

Ref:GG/JSL/GG/08/06/2009.
Ku: Muduciga JIbriil Abokor Gabiley
Ku  Mudaacaleyga Reer Nuur Dilla
OG: Wasiirka Arimaha Gudaha JSL Hargeisa
OG: wasiirka Beeraha JSL Hargiesa
OG: Shirgudoonka Golaha Guurtida JSL Hargeisa
OG: Madaxwayne ku Xigeenka JSL Hargeisa
OG: Madaxwaynaha JSL Hargeisa
Ujeedo : xukunka Laga Gaadhay Mashruucii Ceel Bardaale oo ay isku Hayeen Jibriil Abokor iyo Reer Nuur.
 


Gudida Nabadaynta Golaha Guurtida ee beelaha isku haya Mashruuca Ceelbardaale oo ka koobn ayd 12 xubnood oo dhamaantood ka tirsan golaha Guurtida Somaliland, Kuwaasi oo loo xil saar ay inay soo xaliyaan arinta muranku ka taaganyahay ee Mashruuca ceelbardaale, wadayna hawsha nabadaynta intii udhaxaysay 27/02/2009 ilaa 07/06/2009.


Gudidu intii ay hawsha ku jireen waxay kulamo, fadhiyo iyo shirarba iskugu keeneen dhinacyad a arintaasi mashruuca ku muransanaa, fadhiyadaasi oo lagu kulmay qawska burdi iyo kalabay dh laguna Dhaariyay min 25 xubnood oo dhinac walba leh, kuwaasi oo ka xaajo qaadanayay ar inta furka, dhimashada, dhaawaca, iyo dhulkaba ahayd ee ay ku maransanaayeen iyada oo la b ada dhinaca mudiciga iyo mudaacayguba kala sheeganayeen anagaa leh mashruuca iyo dawla dbaa lahayd mashruuca dhulkaana anagaa qaadanay, "Guurtiduna ka garnaqaysay yaa leh Dh ulka mashruucaas lagu muransanyahay?"


Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu Aragtay Qoraalka Dacwada Mudiciga ee ku ta arikhaysan 26/04/2009 nuxurkiisuna ahaa mashruuca Ceelbardaale oo ka kooban sideed Kaa m, Anagaa leh waxaa naga haysta reer nuur, horena waa la noogu Xukumay 18/06/1993.
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu Aragtay Qoraalka Jawaab celinta Mudaa Calay ga ee ku taariikhaysnaa 02/05/2009 Nuxurkiisuna ahaa Mashruuca Dawladbaa lahayd Dhulka na anaga ayay naga qaaday iyo Qoraal kale oo ah kalsooni bixinta oo ku taariikhaysan 09/05/2009.


Markay Gudida Nabadayntu Dhagaysatay Dacwadii Doodii Afka ahayd, Muduciga oo 3 caaqil ku dacwiyeen in ay Muduci ku yihiin reer nuur kana doonayaan 2 (Laba) qori oo fur ah (Baasuuke, AK47) iyo 4 (Afar) nin oo dhimasho ah oo kala ah:

Xasan Xaaji Raage
Sayid Yuusuf Cige
C/laahi Cali Xirsi
Cali Yoonis Qows
Iyo 7 nin oo dhaawac ah oo kala ah
Farxaan Aw Cali
Sayid Cumar Caamir
Faysal Jeex Caamir
Jirde Axmed Faarax
Jimcaale Yabaal xirsi
C/laahi Aw ciise xirsi
C/laahi Muxumed kaahin
Iyo dhul ka kooban 8 kaam oo kala ah:
kaamka boodhka
kaamka kawniin
kaamka nuuriye
kaamka ceelbardaale
kaamka qoska
kaamka ceeriga
kaamka buqdhada
kaamka xarunta gaadiidka
Markay Gudida Nabadayntu Dhagaysatay Doodii afka ahayd ee mudaacalayga oo 3 caaqil ka doodeen iskuna difaaceen sheegayna in dhinacooda 2 nin ka dhinteen oo kala ah:
Axmed Yaasiin Cali kule
C/laahi Cabdi Cumar, oo ahaa wiil yar oo la joogay muduciga jibriil abokor oo la uus xabaalay
Iyo lix nin oo dhaawac ah oo kala ah :
Abshir Cumar Warsame
Cilmi Cismaan Maxamuud
Mahad Deheeye Barkhadle
Xuseen yuusuf Caamir
jeex Xabiib Samatar
Jaamac Cabdi Habane
Iyo dhulkaas mashruuca oo hore dawladi nooga qaaday 1961.


Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtida u Cadaatay inlaysla qiray dhimashada , dhaawaca, iyo Furka.


Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo eegtay Xaalada Dhaawacaas labada Dhina cba ah oo kala yaalay Gabiley iyo dilla taariikhdu markay ahayd 14/05/2009.
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo Gaadheen hubkii furka aha ee reer nuur soo celiyeen laguna Wareejiyay Jibriil Abokor hubkaas oo kala ahaa (Baasuuke iyo Ak 47)
Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo eegtay khasaarihii Dhacay mudadii Shaqaa qadaasi socotay, taasi oo guurtidu ku soo aragtey khasaarahaasi hal dergad oo seema al ah iy o gubad yar oo boodhka ah , qiimaytoodana waxaa loo xilsaaray ergooynta beelaha ee labada dhinac jibriil abokor iyo reer nuur.


Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo aragtay beero shaqsiyaad leeyihiin oo ku x eernaa mashruuca kuna yaalay Xamarta baysaare iyo ceeriga kuwaas oo dhamaan cadayntoo dii iyo mulkiyadoodii oo ka diiwaan gashan Degmada Gabiley loo soo gudbiyey Gudida Nabadayn ta ee Golaha Guurtida.


Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu soo aragtay Dhulka lagu muransanyahay ee uu ku fadhiyayay mashruucaasi ceelbardaale oo hanti badani ku taalay hantidaas oo ka koobnayd dhismiyaal dunsan ceelaal iyo beero.

Markay Gudida Nabadaynta ee Golaha Guurtidu ku qanacday cadaymihii iyo maragmuujintii u keenay muwdicigu iyo go,aankii xukunkii hore ee guurtidu ka gaadhay mashrucaasi oo murankiisu u dheexeyey Jibril abokor iyo reer nuur 18/06/1993.


Sidaas dardeed gudida nabadaynta ee golaha guurtida oo cuskanaya asbabahaas kor ku xusani waxay soo sareen xukunkan:-


1. in magta dhimashada lixda nin lagu xukumay midkiiba 100 halaad oo geel ah sidaa sharecadu islaamku qabto aaska lixda nin ee dhintay midkiba laga bixiyo 500$ dollor lana siiyo qoysaskii geeridu ku timid laguna bixiyo sadex maalmood oo ka bilaabmaya maalinta xukunkaasi soo ba xo.



2. in $2000 ( laba kun oo dolor) ay dheertahay magta wiilka yare ee maganta ahaa ee la uus xabaalay marxuum ( Cabdilaahi Cabdi Cumar)

3. in dhaawaca sadex iyo tobanka nin la siiyo badhigooyo labada dhinacba , sadexda ugu dhaa waca culus midkiiba sadex milyan oo Somaliland ah, isu gayn ah Lix nin dhaawaca hadhay ee fudud oo dhami todoba nin oo labada dhinacba ah la siiyo midkiib hal milyan oo Somaliland ah, lacagtaasna waxaa lagu bixinaya sadex maalmood oo ka bilaabmaaysa maalinta xukukunkani soo baxo, iyadoo la xaqi doono maalinta magwaynta lagala qaadanayo.

4. in qofkasta oo reer Somaliland ah uu xaq u leeyahay lahaanshaha hantidiisa ma guurtada ah sida beer, dhisme, barkad, aqal, iyo ceelbereed.

5. in aan cidna gaar u sheegan Karin, xoolaha dadkana laga celin Karin daaqa, ceelasha caadiga ah , biyaha qulqulaya iyo wadooyinka

6. in qofkasta looga tago hantidiisa gaarka ah bil gudeheedna ku dago gurigisii iyo beertisii.
in mashruuca ay leedahay cidii hore u lahayd ee loo xukumay 18/06/1993 oo ahayd muduciga.

7. Gudida nabadaynta ee golaha guurtidu waxay ayiday xukunkaas hore looga gaadhay mashruucaasi 18/06/1993 oo wafaqsana shareecada islaamka, waxayna gudidu uu xukuntay dhianca muduciga.

8. in bixinta magtaas iyo celinta dhulkaasba lagu fuliyo muddo hal bil ah oo ka bilaabanta maalin ta u xukunku soo baxo iyadoo xukunkan ay fulinayso xukumada Somaliland. cidii jabisa xukunka ani waxaa la ganaxaya $35,000 (shan iyo sodonkun oo dolor).

Xukunkani wuxuu soo baxay oo u dhaqan galaya laga bilaabo maanta oo taarikhdu tahay 07/06/2009.



Magacyada gudida nabadaynta golaha gurtida
Maxamed Maxamuud diriye (Gudomiye)
Cawil Cabdilaahi Caydid (xubin)
Cumar Nuur Xasan (xubin)
Caydiid Cabdi Maxamed (xubin)
Xasan Axmed Faarah (xubin)
Sh. Maxamuud Xirsi Faarax (xubin)
Dahir Cali Jamaac (xubin)
Maxamed Xuseen Huruse (xubin)
Sahal Iidle Dirir (xubin)
Maxamed wali Warsame Cali (xubin)
Cabdi Nasir Ahmed Beegsi (xoghaye)

 

 

 

 

 

C/raxmaan Maxamed
Hargeisa-Somaliland
wadajir2010@live.com