WAR SAXAAFADEED
 


Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabil ay Wefti Culus oo ka socday Dawladda Denmark

Weftigan oo ay Hogaaminayso Ms. Sus Ulbæk Kaaliyaha Xog-hayaha Wasarada Arrimaha Debeda ee  De nmark, ugu horaynba waxa uu Madaxweynuhu Weftiga uga waramay Xaalada Guud ee dalka waxaanu madaxweynuhu weftiga si mugleh u dareensiiyey heerka ay maanta taagan tahay Somaliland oo uu  she egay in ay Dawladnimadeedu kaamil tahay.

Madaxweynuhu wax uu Weftiga uga waramay Jidka Dheer ee ay Somaliland u soo martay in ay halkan  s oo gaadho iyo sida ay u xaqiijisay nabad gelyada iyo Dhismaha Qaran ku dhisan hanaanka  Dimuqraadiya da, waxa kale oo uu madaxweynuhu Weftiga uga waramay Dadaalka ay Somaliland ka samaysay  ladaga alanka Budh-cad badeeda iyo sida ay Xukuumadu diyaarka ugu tahay in ay Beesha caalamka kala  shaqa yso Nabad gelyada Mandaqada oo dhan.

Ugu danbayna Madaxweynuhu waxa uu Weftiga u sheegay kaalmada ay Somaliland uga baahan tahay  C aalamka oo ay ugu horayso in ay Beesha caalamku Gacan ka gaysato Dadaalka ay Somaliland ay la timid.

Madaxa Weftiga Ms. Sus Ulbæk oo ah Kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debeda ee Wadanka Denmark  ay aa Somaliland ku amaantay sidii wanaagsanayd ee ay u dhacday Doorashadii Madaxweynaha ee  Dhaw aan Dalka ka qabsoontay oo ay Madaxweynaha ku Hambalyeysay.

Ms. Sus Ulbæk waxa ay Madaxweynaha ku wargelisay in ay Dawladeedu Diyaar u tahay in ay Dawlada  S omaliland toos ula dhaqanto oo ay maanta wixii ka danbeeya kaalmada ay siinayso toos u soo marin  doo nto Dawlada Somaliland ee aanay sidii hore u dhici jirtay aanay u soo marin doonin Hay’adaha Sama Fal ada.

Ms. Sus Ulbæk Kaaliyaha Xog-hayaha Wasarada Arrimaha Debeda ee Denmark waxa kale o ay Sheegtay in ay Somaliland ka caawin doonto Dhinaca Nabad gelyada, Maamul wanaaga iyo Geedi socodka  Dimuqra adiyada waxaanay Sheegtay in ay Dawladeedu u aragto in ay Somaliland ku dayasho mudan tahay  mar ka la eego sida ay nabad gelyada u xaqiijisay iyo Sida ay u korayso Dawladnimadeeda ku dhisan  Hanaa nka Dimuqraadiyadu.

Weftigan oo Dalka ku jooga Socdaal Laba Maalmood qaadanayaa waxa ay kulamo la yeelan doonaan inta ay joogan Dalka Wasiirada Wasaaradaha, Khaarajiga, Maaliyada iyo Qorshaynta.

Dhinaca Somaliland waxa kulankan Madaxweynaha ku wehelinaayey Wasirka Arrmaha Debeda Dr. Maxa med Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, dhinaca Weftigana waxay kala ahaayeen:-

1. Ms. Sus Ulbæk. Kaaliyaha Xog-hayaha Wasarada Arrimaha Debeda ee Denmark

2. Ms. Anne Ehrenreich Head of Department MoFA, Denmark

3. H.E. Geert Aagaard Andersen, (new) Ambassador to Kenya (GAA)

4. Mr. Thomas Thomsen, Chief Adviser, MoFA Denmark

5. Mrs. Betina Gollander, Counsellor Development (BG)

6. Ms. Pernille Mortensen, 1st Secretary, Embassy of Denmark, Addis Ababa



ALLAA MAHAD LEH

Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse )

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.