Madaxweyne Siilaanyo iyo wefdigii uu hogaaminayay oo Dalka Kuwayt soo gaadhay

 



Kuwait, April 26,2011 (TNN)-Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa manta gelinkii dambe ka dhoofay Gegida diyaaradaha ee khaas ka u ah  Madax da Dalka Imaaraadka Carabta ee Abu-Dabai isagoo u sii jeeda waddanka Kuwayt oo uu ka helay martiqaad rasmi ah ka dib markii uu dhamaystay booqashadii uu ku joogay Imaara adka Carabta iyo kulamadii uu la yeeashay sheekhyada iyo Ganacsatada waa weyn qaarkood ee waddanka  Is u-tagga Imaaraadka carabta iyo weliba shirkado iyo diblumaasiyiin ay la yeesheen kulamo gooni gooni ah.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo qaabilad sare iyo soo dhawayn kala kulmay waddanka  imaaraa dka carabta waxa ay kulamadii uu la yeeshay Madaxda waddankaas oo dhami ku dhamaadeen is afgarad iyo iskaashi niyad sami ah oo ay labada dhinac ku heshiiyeen qodobo door ah oo wax ka tari doona baahiyaha dhaqaale ee Somaliland.



Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay Gegada dayuuradaha ee Abu-Dabai ka qaaday dayuurad khaas ah oo uu iska leeyahay Amiirka Waddanka Kuwayt.

Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxay Magaalada Kuwayt soo gaadheen isla galabta makhribkii waxaana gegada dayuuradaha ee Kuwayt ku soo dhaweeyey oo halkaa ku sugayey masuuliyiin iyo madax ka mid ah dawladda Kuwayt,

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo lagu soo galbiyey gaadiidka martida ee dawladda. Sheekh  Xam ad Sabah Al-ahmad Al-sabah oo weftiga Madaxweynaha ku marti qaaday kuna soo dhaweeyey magaca aabihii oo ah Amiirka dalka Kuwayt iyo magaca dalkiisaba ayaa isla caweysinkan ku soo booqday hotel-ka uu degenyahay weftiga Madaxweynuhu.

Madaxweynaha iyo weftigiisu waxa ay berri kulan ku yeelanayaan xafiiskiisa Amiirka dalka  kuwa yt Sheekh Sabah Al-ahmed Al-sabah, Isla gelinga dambe ee berri waxa uu Amiirku beertiisa qaddo sharaf ugu samayn doonaa Madaxweynaha iyo xubnaha kale ee weftigiisa ee socdaalka ku weheliya.



Xubnaha weftiga ee Madaxweynaha socdaalkan ku weheliya waxay kala yihiin:

Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda

Mudane, Xirsi Cali X. Xasan, Chief of Cabinet-ka Madaxtooyada JSL

Marwo Aamina Sheikh Maxamed, Marwada 1aad ee JSL

Mudane, Cabdilaahi Maxamed Daahir, Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Iyo Xog-haya Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL cali Axmed Cali











ALLAA MAHAD LEH


Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL