WARSAXAAFADEED

 

 


Taariikh: 18/02/2012


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siila anyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0199/022012 ku magacaabay Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland.


Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, ee xarafka (kh) ee Distoorka Qaran ka,

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Jaaliyadaha Somaliland u leeyihiin Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadda Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyaddaha Somaliland.

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku qancay: in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali, laga bilaabo taariikhda maanta 18.02.2012 uu ahaado Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha ee Somaliland. Xaafiiskaas oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
 

 

 


ALLAA MAHAD LEH

XAFIISKA AF-HAYEENKA MADAXTOOYADA JSL.