WAR-SAXAAFADEED
 


 

 

Taariikh: 5 May , 2012


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1077/052012 ku maga caabay wakiilada Somaliland u fadhiyi doona INGIRIISKA (UK), Canada, Norway, France, Swed en, Kenya iyo Danjiraha Wareega ee Somaliland.



MADAXWEYNUHU :-



Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyad da Somaliland;



Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;



Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka INGIRIISKA (UK), CANADA, NORWAY, FRANCE, SWEDEN, KENYA IYO iyo In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large);

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontood iyo hufnaantooda shaqo;



Markuu ku qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;



Wuxuu go’aansaday



1. In Mudane, Cali Aadan Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Soma liland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom).

2. In Marwo, Luula A. J. Ismaan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somalila nd u fadhiya dalka Canada.

3. In Mudane, Sulub Warsame Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway.

4. In Mudane, Cali Ismaaciil Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somal iland u fadhiya dalka France.

5. In Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somalila nd u fadhiya dalka Sweden.

6. In Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaad o Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

7. In Mudane, Kaysar Cabdilaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiil ka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).







ALLAA MAHAD LEH





Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.