War-saxaafadeed
 


 

Taariih: 20 October 2011



Hargeysa, (TNN)- -Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray digreeto madaxweyne oo uu kaga hadlay ilaalinta dhulka iyo guryaha danta guud.

Sidaasna waxa uu madaxweynuhu ku sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayee nka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) waxaanu u dhignaa sidan:-

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaa nyo) Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, Markuu Arkay: Qodobka 12aad, Farqadiisa 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland. Markuu Arkay: Qodobka 2aad, Farqadiisa 2aad ee Xeerka Maamulka Dhulka, Magaalooyinka Jamhuuriyada Somaliland Xeer No. 17/2001/



Markuu Ka war helay: In Guryihii Dawlada Boob lagu hayo oo dad kala iibsanayo qaarna ay isku dayeen in ay Mulkiyado u samaystaan wuxuu soo saaray Go'aankan:-



Guryaha Dawladda, Dhulka Dawlada iyo dhulka danta guud waa hanti qaran, waxaana A wood sharci u leh iibintiisa, Bixintiisa, Kirayntiisa, dawladda dhexe. Waxaana reeban in cid gaar ah Mulkiyad iyo lahaansho gaar ah loogu sameeyo. Go'aankan waxa uu madaxweynu hu faray Hay'addaha ku shaqada leh inay waajibkooda ka gutaan meel marintiisa."