Madaxweyne Siilaanyo Iyo Wefti Uu Hugaaminayo Oo Ka Dhoofey Hargeysa, Kana Qayb Gali Doona Shirka Dhowaan Ka Dhici Doona Magaaladda London

 

 



“Waan ambabaxayaa haddii ALLA idmo dalka ingiriiska ayan ku sii jeedda, halkaas oo bish an 23 keedda uu ka dhic doono shir weyn"
Madaxweyne Siilaanyo


Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Ma xamuud Siilaanyo iyo waftoi uu hugaaminayo ayyaa goor dhoweyd ka dhoofay Madaarka Magaaladda Hargeysa, waxana Madaxweynaha iyo Weftigiisu ay usoo kicitimeen Magaal adda Lonodn ee Cariga Ingiriiska.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa Madaarka Caalamihga ah egal international airport ee magaaladda Hargeysa ku sii dhoweeyay, Madaxweyne ku xigeenkiisa, C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici. Xubno ka mid ah Golihiisa Wasiiradda, Xildhibaanadda Baarlamanka Somal iland, SIyaasyiin, Aqoonyahano iyo marti sharaf kalle oo aad ufara badan.

Madaxweyne Siilaanyo oo qolka nasashadda ugu waramayay warbaahinta ayaa sheegay in uu safarkiisani yahay siddii uu uga qayb gali lahaa shjirka dhowaan ka dhici doona mag aaladda London, waxana uu sheegay in shirkani uu fursad uu yahay Somaliland, isla mark a ana lagu marti qaaday.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu carabka ku dhuftay in shirkan ay ka soo qayb galaya an in ka baddan 45 dawladdood oo ay Somaliland ka mid tahay “Waan ambabaxayaa had dii ALLA idmo dalka ingiriiska ayan ku sii jeedda, halkaas oo bishan 23 keedda uu ka dhic doono shir weyn oo ay iskugu imanayaan 45 dawladdood oo lagaga hadli doono arimo bad an hadii aanu nahay Somaliland waa nalagu marti qaaday fursada ayaanuna ka heli doon aa haddii aanu nahay Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu intaasi ku daray “Waxan ILAAHAY ka rajeenaynaa in ILAAHAY inagu soo guuleeyo haddii aynu nah ay Somaliland, waa laga dooday shirkaas, waxana ugu danbeyntii laysku raacay inyar mo oyee in la tago shirkaas” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
 



Cali-Mahdi Cismaan Axmed
Timacade News Desk
Hargeysa Office