Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mujaahid Ax med Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Halyey Ciidda , Calanka iyo Qarankuba ku diirsaday iga dheh

 

 

Marka hore waxaan salaan qadarin,sharaf iyo karaamaba leh u dirayaa dhammaan  shacab ka xariirta ah ee reer Somaliland iyo inta maqaalkan akhrisataba.Waxaan walaalayaal  Alla ha awoodda leh ka baryayaa ,inuu dhamma anteenba ka yeelo kuwii if iyo aakhiraba liibaa na , xaqa  u hiiliya , dulmiga ka hiiliya, Qabyaaladda urteeda iyo fool xumadeedana iska foge eya.
 
 
Inta aanan u daa dagin halka aan u dan leeyahay iyo fariinta uu qoralkaygani xanbaarsan yahayba,bal aan ku ibbo furo, ooddana aan kaga qaado midhaha Hees aan u soo xulay Ma daxweynaheenna Somaliland ,Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo uu qaa do fanaankeena codka macaan ee Fuaad Cumar :
 


 

 

Dhulka Somailand,Naftii hure
dhiiranaa,ma dhuumade soo ha
lgamay,intuu dhamacda uga sh
iday,wuxuu ugu soo dhintee
dhiigiyo , xinjirta ugu qubay

     
 *****

   inay dhismahooda Qaran,Calank
a ay ugu dhidbaan,adduunka uu
dhaxal galoo,ahaado mid aan k
a dhicin,ahaado mid aan ka dhicin

 


 

Farrinta ku duugan erayadaasi,waa mid qiimo weyn ugu fadhida dadkii dhiigooda iyo hantid oodii ku bixiyey Qaranimda,jiritaanka iyo Calanka Tawxiidka ku qotoma, ee aynu maanta ku naalooneyenno.Allahayaw adaa awood lehe , Dalkayga Hooyo,Somaliland, Dad iyo Duunya ba barakee,aamiin.


Bal aan gudo galo , isnna dul taago , qadarnna aan idinku maansheeyo  dulucda qoraalka iy o halkaan u dan leeyahay,ee ay muhatay laabtaydu.Tan iyo malintii doorashada uu ku guul eystay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),waxaa gayiga Somaliland uu ku soo dabaalay, ididiilo wadaninimo , Dal jacayl iyo horumar gayiga wada sameeyey .

Shacabka Somaliland ,gudo iyo dibadaba, way u guuxeen,kuna diirsadeen  mashaariicda wa x ku oolka ah ee dalka lagu soo kordhiyay , kuwa faraha lagu hayo  iyo kuwa maalin walba xadhiga laga jarayo. Anigoo wax qabadkaa laxaadka leh ee Dalka ka muuqda ka duulaya, waxaan leeyahay ,Madaxweynaha Somaliland ,Muj. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ,waa  Halyey Ciidda , Calanka iyo Qarankuba ku diirsaday .
 
Guusha iyo horumarka Dalkeenu ku tallaabsaday,waxaa iyana mudan in la sheego, laguna h ambalyeeyo ,qayb libaaxna ka qaatay shacabka Somaliland ,ka dib markay codkoodii ku soo af jareeen, kuna badaleen, albaabadana isugu dhufteen,daaqadana ka tuureen  Xukuumad ii fadhiidka ahayd ee Riyaale, ee ka  koobnayd hadhaagii faqashtii Siyaad Barre, Gofaneya asha iyo Diirta , ee feentay  ma guurtadii , dhiigana ka jaqay danyartii iyo intii awoodooda dhaqaale aanay buurneyn.

Waxaa muddo kooban,oon saddex sanno ka yar, Dalka intiisa badan farta lagu hayaa,mash aariic tiro badan,oo wax ku ool ah,kuwaasoo ay ka mid yihiin waddooyinka,mashaariicda Bi yaha,mashaariicda Caafimaadka,mashaariicda Waxbarashada,dib u dhiska Garoonada Diya aradaha , iwm.

Waxaan dhammaanteen,mucaarid iyo muxaafidba,tusaale fiican innogu ugu filan, xaaladii naxdinta iyo murugada lahayd ,ee ay ku sugnayd Magaalada Berbera ,waqtigii Riyaale tal ada Dalka gacanta ku hayay,qarkana u saarnayd in Marsada Berbera albaabada loo laabo, kana yeelay halbowlihii dhaqaalaha Somaliland iyo bilicdeediiba ,waxba ka ma jiraan & loo ma hoydaan...Waxaa xaqiiqa ah,biyo kama dhibcaana ,in maanta magaalda Bebera noqotay muraayadda laga daalacdo horumarka ,bilicda, quruxda , wanaagga iyo isbedelka Somalila nd ku tallaabsatay.. Haddaba,waxaa  su'aal mudan in shacabka Somaliland is weydiiyaan:

Maadaama dadka iyo degaankuba ay reer Berbera iyo Gobolkii Saaxil uun wada  yihiin,maxa a meesha ka baxay ee isbedelka intaa leeg keenay ?


Jawaabta meel fog laga raadin maayo,waxaanan anigu odhan karaa, wax kale ma dhicin ,e e Wahabkii iyo Shuushkii, uun baa Rabbi (SWT),innaga dul qaaday,shacabkuna waxay door teen kii u damqanayey,u soo halgamay,u soo kifaaxay,naftiisana,u soo huray,cid  uga lexo jeclo badanina aanay jirin haba yaratee.

Lama qarin karo,lamana dafiri karo horumarka balaadhan ee Dalku ku tallaabsaday mudada kooban ee Xukuumada Axmed Siilanyo talada Dalka gacanta ku haysay,waxaanay ka maga c,sharaf iyo manfacba badan tahay Sideedii (8-dii) sanno ee Riyaale Dalka maamulayay ... Sidaa awgeed, Madaxweynaha Somaliland , Muj. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),H alyey Ciidda , Calanka iyo Qarankuba ku diirsaday iga dheh.


Waxaan dhammaantiinbba idinku dhaafayaa,codkii   macaanaa ee Tufaax Darajo iyo heestii
"Guulle ha iska daayee Siilaanyo weeyaan."                       
 


 


 

 

 


 

 

Eng. Mohamed Ali Muse (Farshaxan)
18 November , 2012