Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaa nyo iyo weftigii uu hoggaaminayey oo dalka ku soo guryo noqday

 


 

Berbera  May 2,2011 (TNN)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaa nyo) iyo weftigii uu hoggaaminayey, oo beryahanbba  safar shaqo ugu maqnaa dalalka khaliijka , ay aa maanata dalka ku soo laabtya,kana soo degay gegada dayuuradaha ee Berbera International A ir Port.

Safarka waxaa madaxweynah ku wehelinayey Marwada Koowaad ee Somaliland,Amina-waris Shee kh Maxamed Jirde,Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashaiga Caalimiga,Dr Maxamed Cabdillahi Cum ar, Chief of Cabinetka ,mudane Xirsi Xaaji Cali,Wasiirka Duulista iyo Hawada,Maxamuud Xaashi,Af ha yeenka Madaxtooyada, Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse ).


Waxaa wefigaa ku soo dhaweeyey  madaarka ,marti sharaf aad u tiro badan kana kooban qayba ha kala duwan ee bulshada rayidka ah, Dawladda,xildhibaanno,Wasiiro,waxaana Madaxweynaha  halka a salaan  Salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland. Madaxweynaha oo saxaafadda kula hadlay qolka marti sharafta ee Madaarka Berbera,  ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa,"Aniga iyo weftiga aan hogaaminayay waxaanu safar ugu baxnay dalalka imaaraatka iyo kuweyt mudo 17 casho ku siman , waxaanu kala hadalnay madaxda dalalkaasi xidhiidhka inaga dhex eeya iyo wax wada qabsiga labada dal , safarkani waxa uu ahaa mid midho dhal ah waxanu kala kul anay soo dhaweyn hab maamus Qaran ah"




Axmes Xasan Adan Diiriye
Timacade News Desk
Berbera Somalilamnd