Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),oo Cafis u fidiyay Guddoomiyihii hore ee magaalada Tog-Wajaa le ,Muja ahid
Qawrax Muse Xuseen ,oo muddo 7 bilood ah cadaalad darro u xidhnaa
 

 



Hargeysa (TNN)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) , ayaa cafis u fidiyay Gu doomiyihii hore ee magaalada Tog-Wajaale, Mujaahid Qawrax Muuse Xuseen ,oo muddo 7 bilood ah cadaalad darro ugu xidhnaa Xabsiga magaalada Gabiley.



Mujaahid Qawrax Muse Xuseen ,wuxuu ka mid ahaa Jabhaddii Afraad ee dulmigii Afweyne qumuca  kala hor tagtay sannadihii 70 naddii,markii danbana ka mid noqday Jabhaddii SNM.Mudooyinkii u danbeeyey, Mujaahid Qawrax,wuxuu ahaa Guddomiyihii hore ee magaalada Tog-wajaale,ee Dawladdii Riyaale.


Sida Dastuurka Qaranku dhigayo,muwaadinka danbi lagu soo eedeeyo ,waa in 45 cisho gudahood Maxkamad lagu hor keeno,haddii wax cadayn ah aan loo haynna ,xoriyadiisa Distooriga ah loo soo celiyo.Shacabka Soma liland ayaa dareen shaki leh ka muujiyey xadhigii dheeraa,ee bilaa Maxamadda ahaa ee Mujaahid Qawrax loo geystay.



5 June,2011,ayaa Maxkamadda Gobolka Gabiley 3 Sanno ku xukuntay,waxayse shacabka Somaliland is weydii nayeen sababta musuq maasuqii baahsanaa ee xukuumaddi hore lagu eedeyn jiray ,looga reebay  shaqsiyaa dkii ugu awoodda badnaa Xukuumadii hore , ee uu ugu horreeyo Madaxweynihii hore Daahir Riyaale, Wasiirk iisii hore ee Maaliyadda Cawil, Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud,Siciid Sulub,Guddoomiyihii hore ee Bangiga dhe xe iyo qaar badan oo ka mid ahaa xukuumadii hore, oo aan cidinna wax u raacin , shaqsi kaliyana aan xabsiga loo taxaabin.


Dhianaca kalena,arrintan Mujaahid Qawrax Muse  kelidii loo xidhay,ayaa bulshada Gobolka Gabiley, SAS ka qa adeen,guux badan iyo dareen xasaasi ahna ka dhex dhalisay. Guud ahaan Somaliland ,gaar ahaanna Gobolka Gabiley,  ayaa si weyn looga soo dhaweeyey, soo daynta Mujaahid Qawrax Muse Xuseen, oo ahaa Halyey  da lkiisa iyo dadkiisaba  u soo halgmay, kana mid ahaa Geesiyadii Jabhadii Afraad iyo SNM.


Isku soo wada xooriyo ,Mujaahid Qawrax Muse Xuseen, cadaaladii uu mudada dheer sugayey,ayuu Madaxwe ynaha Somaliland,Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka helay,cafisnna u fidiyey,xoriyadiisiina u soo celi yey.








Source: Timacade News