Xubno Ka Tirsan Xukuumadda Oo Wajaale U Tagay Dhaqaajinta
Balamo Uu Hore Madaxweyne Siilaanyo U Soo Qaaday

Xubno Ka
tirsan Xukuumadda Oo Wajaale u tagay dhaqaajinta balamo uu hore Madaxweyne Siilaanyo
u soo qaaday
Tog-Wajaale ,04 August,2011(TNN)- Maareeyaha Hayadda wadooyinka, agaasimaha
Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gu daha, Cabdilaahi Xuseen Cige iyo waliba la
taliyaha madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda, Abiib Diiriye Nuur ,ayaa
maa nta magaaladda Wajaale u tagay sidii loo dhaqaajin lahaa wadooyin
uu hore madaxweynaha Somaliland ugu balan qaad ay in laga dhiso
Wajaale ilaa kalabaydh.
Masuuliyiintan ayaa intii ay ku gudo jireen kormeerkoodan waxa ay
kulamo kala duwan la yeesheen qaybaha kala duwan ee buslhadda iyaga
oo u soo jeediyay in ay ka qayb galaan sidii loo dhisi lahaa wadada
isku xidha Magaaladda Wajaale iyo kala baydh.
Dhinaca kale xubnahan socdaalka ku tagay magaaladda Wajaale ayaa
kulan la yeeshay ganacsatada, kuwaas oo ay kala hadleen sidii la
isaga kaashan lahaa dhisitaanka wadada.
Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhawaan mar uu booqasho
ku tagay Magaaladda Wajaale ,balan qaaday in uu dhisi doono wadada
isku xidha Wajaale iyo Kalabaydh.
Waxaana hadaladii madaxweynuhu uu wakhtigaas ka jeediyay Magaaladda
Wajaale ka mid ahaa," Waxa aan idiin sheega yaa in aan aydaan naga
quusan waayo balan qaadyadadii waanu fulinaynaa ,haddii alle
yidhaahdona waxa aanu jecel nahay in wax badan ka qabano waxa aad
tirsanaysaan.
Wadada isku xidha Wajaale iyo Kalabaydhna
,waxa aan balan qaadayaa
in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiro, waxaanan maantaba idiin
sheegayaa in la dhisi doono.
Walaalayaal waxa aad ogeydeen in ay na soo mareen abaaro, kuwaas oo
hakad geliyay waxqabadkii ay xukuumaddu ho re idiinku balan qaaday
ayuu yidhi madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayuu yidhi
madaxweynaha Somaliland wakhtigaas."
Inta badan xukuumadda madaxweyne axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
,ayaa wakhtigii ay ku jirtay ololaha dooras hada madaxtooyadda balan
qaaday in ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha kala duwan ee ay
tirsanayaan shacab ku iyada oo waxa ugu badan ee looga fadhiyayna
ahayd sidii ay u dhisi lahayd wadooyin.
Source:
Hadhwanaagnews
|