Madax dhaqameedka iyo Odayaasha Reer gabiley oo Dareen Cabasho oo Kulul ka Muujiyey Badhasaabka Gobolka Gabiley, kana hadlay Hawlaha Hanti dhawrku ka wado Gobolkooda.

 



Hargeisa Dec 23,2010 (TNN)- Qaar ka mida Madax Dhaqameedka iyo Wax- Garadka Reer Gabiley ayaa Cabasho Balaadhan ka muujiyey Badhasaabka Gobolka Gabiley, isla markaana dareen cadho leh Ka bixiyey Hawlaha Baad hista ah ee Hant-dhawrka Guud ka wado Magaalada Gabiley, kaas oo ay sheegeen inaanay baadhistiisu  Cadaal ad ahayn, ka na dambeeyaan Dad ujeedo gaara wata oo uu ka mid yahay Badhasaabka Gobolka Gabiley.


Madax dhaqameedkan oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hoteelka Fish and Steak ee magaalada Hargeisa ayaa daboolka qaaday,  in Badhasaaba Gobolka Gabiley, Mudadii Koobnayd ee uu Xilka hayey, uu ku talaabsaday wax yaabo tiro badan aan dan u ahayn Gobolka iyo Bulshada ku dhaaqan midna, waxaanay si cad u tilmaameen in uu badhasaabku iska Hor keen iyo khilaaf laxaad leh ka dhex abuuray shacabka Reer Gabiley, isla markaana aanu wax dan ah u soo wadin Gobolka iyo magaalada Gabiley Toona.


Maxamed Cabdi Cali,  oo ka mida odayaasha Reer Gabiley oo ugu horayn shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa sheeg ay inaanay xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ka helin wixxii ay ka filayeen,isla markaana tilmaamay inaan masu ulka Gobolkaasi loo soo magacaabay ahayn mid ku haboon, oo Buuxin kara Masuuliyadii loo xilsaaray.

Isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi.

Waxaanu ka filaynay kamaanu helin dawlada hadii aanu nahay Reer Gabiley, waxanu ka filaynay, gobolkayagu Gobol Cusub ayuu ahaa, markaa in la kobciyo, oo dad Kobciya loo diro, oo dad Dadka isku soo dhaweeya loo diro, ayaanu Dawlada ka Filaynay, dad aan la soo dooran, oo aan Imtixaan laga Qaadin , ayaa loo diray, waxaanu lee nahay Badhasaabii hore nin wanaagsan ayuu ahaa , oo dadka isku soo dhaweeya, markaa maanta waxaanu  lee nahay hadii aanu nahay odayaasha reer Gabiley, cid aan u qalmin ayaa la keenaay Gobolkii, cid aan ku wanaagsa nayn ayaa meeshii loo diray, hadii aan Badhasaabka dib ugu noqdo, wixii uu ka sameeyey Berbera waynu Ogayn, wixii uu Bali Gubadle ka sameeyey waynu Ogayn, wixii uu ka sameeyey Gabiley Gudeheeda waynu Ogayn,anigoon Dambigiisa waxba hoos ugu sii degayn dawladu waa inay waxyaabahaas indho u yeelataa.”

Waxaanu Mr. Cali mar uu ka hadlayey hawlaha Baadhista ah ee uu Hanti dhawrku ka wado magaalada Gabiley waxa uu sheegay inaanay arintaa ilaa hadda garanayn waxa looga jeedo.

Waxaanu yidhi. “ Waxaanu leenahay hadii aanu nahay Odayaasha Reer Gabiley Odhodkan Gabiley loo diray mar garanayno, waxa la ogtahay dadkii wixii umadda oo dhan cunay ayaa halkan jooga, oo Hargeisa jooga, markaa waxan Gabiley laga samaynayo waxaanu u qalano, oo Reer gabiley u qalmaan maaha, waxaanan doonaynaa in arintaa si degdega looga noqdo,waxaanu Ku raali noqonana waa in dawladu samayso.” ayuu yidhi Maxamed Cab di Cali ,oo ka mida odayaasha Reer Gabiley, isla markaana ka mida ahaa Madax dhaqameedkaasi shirka jaraa’id qabtay.
 

Barre X. Ismaaciil oo ka tirsan Odayaasha Reer Gabiley oo isna Shirkaasi Jaraa’id K hadlay ayaa Baaq u diray Ma daxweynaha Somaliland, kana dalbaday in uu wax ka qabto dhibaato laxaad leh oo uu sheegay inay la soo deris tay Gobolka Gabiley,isagoo sheegay in Gobolka Gabiley uu ahaa Gobolkii ugu taageerada Badnaa ee Xisbiga Kulmi ye ku soo baxay, Madaxweyne Siilaanyana codadkii ugu badnaa ka helay ee uu doorashada ku helay,waxaanu nasiib daro ku timaamay in xukuumada adaxweyne siilaanyo Ugu abaal Gudo waxaanay Geyin.

Waxaanu Oday Barre intaasi ku daray oo uu yidhi. “Gobolkan laba nin ayaa loo soo Magacaabay, nin wuxuu ahaa ninkii Dawladii hore soo magacawday, oo ninkaasi nin wanaagsan ayuu ahaa ,oo Gobolka wax badan ka  qabtay, laakiin ninkan hada Xukuumadda Cusubi magacawday waa nin dano gaara wata, waa nin cid gaari ay ka  dambay so oo ay wadato, markaa waa nin dadka laga qabtaa, Gudoomiyaha Goboku ma wuxu noqday Odhod , maxaa ku milay hawlaha Odhodka.”

 

Cumar Suldaan C/ raxmaan , oo isguna ka mida ahaa odayaashii shirkaasi Jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay inay Madaxweyne iyo Wasiirka Arimaha Gudaha doonayaan, isla markaana si deg dega ay u doonayaan inay ula kulm aan, isagoo xusay inay u doonayaan sidii ay ugala hadli lahaayeen Arimo dhawra oo aanu shaacin.

Mr. Suldaan , waxa uu ku dooday in Gobolka Gabiley oo uu sheegay in uu madaxweynuhu codkii ugu badnaa ka helay ,uu ugu Abaal guday waxaan qaban , oo aanay filayn,waxa kale uu uu soo jeediyey in Odhodka Gobolka Ga biley hawlaha Ka wadaa si deg dega loo joojiyo.


Oday Cumar Barkhad Bulaale,  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Badhasaabka Gobolkaasi Ku eedeeyey in uu isku dir iyo fidno ka wado Gobolka,waxaanu si gaara ugu eedeeyey oo uu daboolka ka qaaday in Badhasaabka Gabil ey iyo Badhasaabka Gobolka Awda ,oo ka shidaal qaatay wasiirka Cadaalada ,ay ka dambeeyaan Hurinta Colaa da Ceel bardaale, isagoo carabbaabay Kharash uu sheegay in loo isticmaalay dilkii ugu dambeeyey ee ninka lagu dilay, taas oo uu sheegay in cadaynteedii uu hayo.

Waxaanu ka digay Xalaad colaadeed oo uu ka dhawaajiyey inay ka taagantahay Gobolka, taas oo sida uu sheeg ay salka ku haysa isla colaada Ceel-Bardaale.
 

Caaqil Caabi Cilmi Geele ,oo shir saxaafadeedkaasi isaguna ka hadlay ayaa sheegay in Gobolka Gabiley ay ka soc oto masrixiyad uu tilmaamay inay Colaad halis u tahay, isla markaana qaylo dhaan culus u dirayaan Xukuumada Somaliland, Gaar ahaan Madaxweynaha iyo wasaaradda Arimaha Gudaha,kuwaas oo uu u soo jeeddiyey inay si Deg dega u soo faro geliyaan hawlaha Ka socda Gobolka, kuwaas oo iftiimiyey inaan hore Gobolka loogu Arag,isla markaana uu si dadban eedooda dusha ka saaray Badhasaabka Gobolka. Waxaanu caaqilku ku celceliyey inay Xu kuumadu fiiro Gaara u yeelato dhaqdhaqaayada ka socda Gobolkaasi.


Madax dhaqameedkan iyo Odayaashan Reer gabiley oo ay shirkooda Jaraa’id ku wehelinayeen ,Xubno Aqoonyah ano ah iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolkaasi ayaa Dareen midaysan oo cabasho iyo Dhaliil is huwan dusha uga tuuray Badhasaabka Gobolka Gabiley, iyagoo sidoo kale hawlaha Baadhista ah ee Hanti-dhawrku ka wado Gobolk aasina ku tilmaamay kuwo aan sharciga waafaqsanayn, isla markaana cawaaqib Xumo ka Abuuri karo Gobolka iyo Guud ahaan dalka.

 





Source: waaheen