Maanso: Dariiqa Hanuunka


 

Maansadani waxay Waano iyo dariiq la raaco u tahay dadka iyo dalkaba, waxay hagge iyo toosiye utahay Hamiga iyo Hiigsiga wanaagsan ee horumarka. waxay tilmaan iyo toosin u tahay Qolooc iyo xumaan, waxay taabanaysaa Qiimaha wax soosaarka iyo Waddaniyadda, waxay si guud mar ah uga hadlaysaa halkankii dalkan lagu xoreeyay iyo gadgadoonkii siyaasadda dalka, doorashooyinkii iyo isbeddelkii wadanka ka dhacay.



Maansadu waxay maskaxdiisa ka soo maaxatay Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future) waana tan Maansadii ee dhugasho haboon.

 

 

 

Dadkoo waanadda ka tagga

Daneeya xumaha dirkiisa

Dariiqa wanaaga awda

Ilayskiyo nuurka damiya

Dahaadha bidhaan wanaaga

Ka doorta Samaanta beenta

Hankoodu darxumo ku hago.

Waxaa ka danbeeya hoog.

******

Haddaan Da,yarteenu daynin

Haddaan waalidkuna ka dayrin

Haddaan dawladuna ogaanin

Haddaan Runta loo dar jiidhin

Haddaan dalka joogistiisa

Dareenba u yeelan wayno

Ogow dalka waa la waayi.

******

Haddaan xoogii dalkeena

Ka doorbidi wayno teena

Haddaan dulli diidi wayno

Aqoon u dareeri wayno

Haddaan dadka liita diidno

Haddaan darbi jiifka jiidhno

U diir nixi wayno daahir

Dantii wadankana ilawno

Damiirka dadkaa qallali.


******

Haddaan xumihiyo dirkiisa

Difaac san ka yeelan wayno

Dabuubtiyo waanadeeda

Dadkeena u sheegi wayno

Damiirkana toosin wayno

Dariiqa san raaci wayno

Deelqaafka ka dhawrsan wayno

Danbi iyo ciqaabaynu gali.

******

Haddaan diihaalka gaajo

Dadkiyo Dalka hoos u eegno

Dantiyo Damaceena Riixno

Gadaalna u daad gurayno

Haddaan dal shisheeye diidno

La soo dagi wayno daafi

Ka diidno dilaalka beenta

Dalka kale hanqal taagistiisa

Ka door bidno hawleheena

Dalkiyo qarankana difaacno

Duntii Cadawgaa furfuran.

******

Haddaan dhulka falashadiisa

Wax soo saar lagu dadaalin

Dhul beerasho loo dareerin

Dalagga wadankana la oogin

Dayr iyo gu’ba lala duljoogin

Dadkana loo diir bislaynin

Dardaaranna loo dhamaynin

Dhirtaa duugoowday waayo

Diraacdii horiyo maanta

Dib loo unkin dawliskeeda

Xoolaha loo daaqsin gaynin.

Dawarsigaad Dariiq u noqon.

******

Haddaan dib u eegno Maanta

Siyaasadda dawladeena

Miisaanka dastuurka dhuuxno

Dadkiyo dhaqankiisa eegno.

Dadaalkii xoriyadeena

Dabkiyo qaxarkii gumayste

Ugaystay Dadkayga oo dhan

Diyaaradihii shalayto

Danbiiluhu nagu garaacay

Duqeeyay dhulkeena oo dhan.

Haddaan dib u baadho maanka

Dadkii dhintay dib u jaleecno

Diintiyo calankaa dusheena

Darkii loo maray ogaano

Duqaydiyo dhaqanka toosan

Dadaalkii mujaahidiinta

Ayaa darajadaa lahaaye

Hadduu daa,imkeen yagleelay

Aqbalay ducadii dadkeena

Dugsiyo loo wada dareeray

Nagaaday dalkeena hooyo

Dalkuna doorashooyin galay

La Diiday duntii qabiilka

Ka doorbidnay aayeheena

Dalkiyo dawladuna dageen.

******

Dunidu waa caynba cayne

Markay daneheedi gaadhay

Hadday doc kale u wareegtay

Dillaal iyo damac bilawday

Danayste u aaba yeeshay

Aqoonyahankeedii diiday

Dadkeedii wada dareemay

Darjiidkii xukuumadaasi

Marinkii diihaalka dheeraa

Ka daadajintii xukunka

Dib loo galay doorashooyin

La doortay Mujaahidkeedii

Dunidu soo wada dhawaysay

Dadkuna badalkii barteen

Xil-doonkuna daarta buuxshay

Durtiiba lagu dareershay

Dadkii dibadaha u joogay

Markay daa-dahdii barteen

Diiwaanka la soo baxeen

Dastuurkoodii dib u rogeen

Dalacay dakhligii dalkeenu

Dareemay difaacii qaranku

Durduurtay barihii Aqoontu

Markay dawladii jabuuti

Uyeedhay ninkii la doortay

Gedii ictricaaf la doonay

La faafiyay doonisteena

Dayuuraddo soo dageen

Dunidii deeqo keentay

Dareentay nabadda dalkeena

Dabkii hurayaa qaboobay.

Diraagii cadawgaa duloobay.

******

Haddii dawladii la doortay

Dadkii qancinwayday qaarkood

Xilkiyo damicii xad dhaafay

Dahaadhay dillaaca muuqda

Dariiqyadda qaar la awday

Daleed kale laga wareegay

Dib baan loo dooranayn

******

Haddaan ku Dadaalno diinta

Dunuubta ka dhawrsanaano

Ducada waalidkana ajiibno

Dadkeena uwada adeegno

Dillaalka ka feejignaano

Hubaal waa dawgalkeena

Danteenuna waa dadaal.

 

Erayadii: Mustafe C/kariin Cali (Mustafe Future)
mccfuture@hotmail.com
Hargeisa/somaliland