BARAARUG,WAA GABAY CUSUB, waxaaNA curiyay c/raxm aan maxamed cali (ubaxle)wuxuuna soo baxay 6/8/2010
 

 

Wuxuuna dadka ku baraarujinayaa nabada oo muhiim u ah noolaha oo dhan waxaana ku jira tusaalayaal iyo murti qeexaysa faa iidada nabada wuxuuna xusayaa in in nimcada oo dhan  ma rka lawaayo uun dib loo gocdo wuxuu kaloo gabaygu tilmaamayaa aafada colaada iyo  dhibaat ooyinka ay leedahay ee ay tahay in laga dheeraado wuxuuna wax ka tilmaayay sida ay  dadke enu unabad galin jireen ee aan loo eegi jirin birmagaydada sida caruurta haweenka martida maganta boqorada culimada dadka waawayn iyo maatada oo dhan hadii colaadi dhacdo  marki ise colaadu faraha kabaxday ee ay dhanaanaatay inaan loo aabo yeelin wuxuu na  tilmaamay aa cuqubada ka dhalatay ugu danbayna wauxuu gabaygu wuxuu dadka ku boorinayaa inay  n abada ilaashadaan waana kan



Maandhaw buruud gabay hadaan baaqan ku caddeeyo

Maansaba badbay leedihiyo beegsi iyo raade

Bismilaahiyoo lagu furtaa barako weeyaane

Sida malabka lalasoo baxaan baarcad ku helaaye

Meelbaydhsanbaa lagu cunaa raashin kuu bisile

Biyahana waxaa lagu cabaa meel barjini yaale

Hurdadana waxaa laga bogtaa meesha buuqa yare

Waxa billicda kaa muujiyaa waa badhaadhaha’e

Mar haddiise nabad lagu baryuun waa ballan illaahe

Anse waxan baraarujinayaa meesha loo bogo’e



Bari iyo galbeed koonfur iyo baalaha waqooyi

Inta buura iyo meel banana ee bulshaddu taalo

Inta buuleh bangalooyinkiyo binada dhaadheerba

Inta bahala bili aadankiyo baadka iyo ciida

Inta bada barriga oo dhan iyo baadilkiyo khayrka

Nabadbay u wada baahan yiin oo bah ku yihiine

Gogoshaada waxaad kula baxdaa meelbadbaado lehe

Baraarkana waxaa lagu qashaa goob barwaaqo ahe

Waxa billicda kaa muujiyaa waa badhaadhaha’e

Mar haddiise nabad lagu baryuun waa ballan illaahe

Anse waxan baraarujinayaa meesha loo bogo’e



Sida bacadka kululbaa colaad laga barqaystaaye

Biyo waa sidiisaa dhulkale lays dul buuxshaaye

Waxa baxay balaayiin dadoo loo bud dhigayaaye

Inta bara kacaysaa kadaran ee boqoolka ahe

Inta noole lagu baacsadaa beer kanaxayaaye

Inta boholo lagu tuuraybaan beedna kahadhayne

Inta kaymo baxayaan cidina beeb ku qabanayne

Waxa billicda kaa muujiyaa waa badhaadhaha’e

Mar haddiise nabad lagu baryuun waa ballan illaahe

Anse waxan baraarujinayaa meesha loo bogo’e



Birmagaydo lama eegi jirin barisamaadkiiye

Colaad laysku ba’aybaan kategin boqoro duubnaaye

Haweenkaan bir loo quudhiniyo maato lagu boobye

Martidii baxnaanada lahayd baasho lagu diidye

Ergadii baxdaba waxa ku dhacay buuga laga saarye

Boholyaw danbaa laga dhaxlaa xoolo baaba’a’e

Ubadkii badhbaan looga tudhin hub iyo baaruudde

Bahalaha islaayuu abwaan baanto u ahaaye

Waxa billicda kaa muujiyaa waa badhaadhaha’e

Mar haddiise nabad lagu baryuun waa ballan illaahe

Anse waxan baraarujinayaa meesha loo bogo’e



Culimmadda bushaaradda siddaa layska bu’ayaaye

Magantiina qoombaa labaxay aan bad kulahayne

Boqol-sano ninkii gaadhaybaan booddo tudhanayne

Marhadii ushii lagala baxay oo labililiqaystay

Oo aan waxlagu biirinayn daniba way badiye

Biligbiligta callankaa hayoow waad babanaysaaye

Waxa billicda kaa muujiyaa waa badhaadhaha’e

Mar haddiise nabad lagu baryuun waa ballan illaahe

Anse waxan baraarujinayaa meesha loo bogo’e



Bulshadii wareerbaa ku dhacay waana loo baqaye

Waxa laga baroor diiqayaa baylahday tahaye

Intay beelo kala jiidayeen caalamkii baraye

Bisha dhalatay qorox soo baxdiyo dayaxa oo buuxa

Waxa caaddo soo baxa ka dhigay waad u barateene

Nabaduna bartaasay tohoo waan la baashirrine

Boga kaan ku haynbay u tahay buuro soo dhacaye

Waxa billicda kaa muujiyaa waa badhaadhaha’e

Mar haddiise nabad lagu baryuun waa ballan illaahe

Anse waxan baraarujinayaa meesha loo bogo’e



Nabadaa hadhbuuraa lahoo aan la baal marine

Barde weeye hadhacoon marnaba milic kasoo bixine

Ruuxa baala daymoonayaa orodka soo bide’e

Sida geela caanaha batay baar u dhigantaaye

Iyadaa bulaaliyo ka dhigan geenyo baariyehe

Buunbuunin maayee la waa shay la baal dhigo’e

Waxa billicda kaa muujiyaa waa badhaadhaha’e

Mar haddiise nabad lagu baryuun waa ballan illaahe

Anse waxan baraarujinayaa meesha loo bogo’e



Mar hadaanse baydkii murtida soo bandhigay maanta

Oo aan balaaqii gutoo aan bursina raacshay

Oo uu sidii wabi burqaday baahay eraygaygu

Waxba yaanan buux dhaafinine boorin iga hooya

Waxa billicda kaa muujiyaa waa badhaadhaha’e

Mar haddiise nabad lagu baryuun waa ballan illaahe

Anse waxan baraarujinayaa meesha loo bogo’e

Barko nabada oo yay cid kale kaala hoos bixin

 

 

 

 

Cabdiraxmaan Ubaxle
abwaaniinta@gmail.com